SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Posts Tagged ‘News (Warka)’

    Samaroon in the Horn of Africa Always Got the Wrong Reward for Doing the Right Thing By: Musa Elmi (Second Release )

    Posted by Sawnews.tk on April 18, 2010

    The first foot of the British Empire’s mission in Somaliland landed on Zeila, Gadabursi territory, in the year 1884 and they were the first Somali tribe that signed a treaty with them. To their surprise, the elders ordered the British men to take their feet off the soil and go back to their boat where the terms of a treaty can be discussed and decided. From that moment, the white man realized that this people are doing serious business with him.  Gadabursi elder’s British treatment left the British with a long lasting impression about who the Somalis are, about their characteristics and about the Read the rest of this entry »

    Posted in Articals | Tagged: | Leave a Comment »

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta magacaabay Wasiirul dawle iyo Wasiir ku xigeen cusub.

    Posted by Sawnews.tk on September 23, 2009

    Somaliland_COAMadaxweynuhu, isagoo cuskanaya qodobka 90-aad, faqradiisa labaad ee dastuurka Somaliland, isla markaana tixgelinaya ahmiyada weyn ee ay u leeyihiin dhismaha dalka Wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dalxiiska, waxa uu u magacaabay Mudane Cabdi Xirsi Ducaale inuu noqdo Wasiirul dawlaha Wasaaradda Kalluumaysiga iyo horumarinta Xeebaha. Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Labada Xisbi Mucaarad oo Baaq wada jir ah u Jeediyey Bulshada Caalamka

    Posted by Sawnews.tk on September 16, 2009

    kulmiye ucidHargeysa (Sawnews)- Labada Xisbi Mucaaradka KULMIYE iyo UCID ayaa baaq wada jir ah u diray Bulshada Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland

    Warsaxafadeedkan oo uu ku saxeexan yihin labada Gudoomiye ee Xisbiyada KULMIYE Md Axmed Siilaanyo iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Dadka daneeya Somaliland iyo Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Shirgudoonka Wakiilada Ku Eedeeyay Inay Abaabulayaan Maleeshiyo Beeleedyo Iyo Digniin Adagna Soo Saaray

    Posted by Sawnews.tk on September 11, 2009

    “Waxaan leeyahay caqli iyo tallo keena labadiina garab iyadoo aanay cidi idin dhexdhexaadin ama ha la idin dhex dhexaadiyabe’e heshiiya”

    wasiirka arimaha gudahaHargeysa(Sawnews)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa caawa farriin u diray shacbiga reer Hargeysa oo uu uga digay inay ka qeyb qaataan mudaharaado iyo wax uu ku tilmaamay qalalaansaha baarlamaanka ka dhex oogan.

    Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), oo ka Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Natiijadii Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe ee dalka.

    Posted by Sawnews.tk on September 11, 2009

    imtixaanka natiijoimtaxaan shahaadiHargeysa(Sawnews) – Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey natiijadii imtixaanaadka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2008/2009 ee dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland. Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Amin Arts iyo Sawir-Gacmeedka Maanta Siduu u Cabiray Xaalada Siyaasadeed uu Murugsan .

    Posted by Sawnews.tk on September 10, 2009

    aminarts somaliland

    Posted in News (Warka) | Tagged: , , | Leave a Comment »

    War saxaafadeed: Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo cambaaraynaya falkii Shalay ka dhacay X. Golaha Wakiillada.

    Posted by Sawnews.tk on September 10, 2009

    kulmiye ucidHargeysa(Sawnews) – Waxay labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE cambaaraynayaan falkii foosha xumaa ee saaka ka dhacay Xarunta Golaha Wakiillada ee Hargeysa.

    Waxay ummadduhu ku horumareen, kuna hanaqaadeen, ku dhaqanka iyo xormaynta shuruucda ay dhigteen, waxaana uga mas’uul ah dejinta iyo ilaalinta xeerarka golayaal leh haybad iyo xasaanad, kana wakiil ah Bulshada.
    Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Daawo Video-ga: Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Maanta Gacanta Iskula Tagay

    Posted by Sawnews.tk on September 9, 2009

    Halkan Guji si aad u daaawato Video Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: | Leave a Comment »

    Jawaabaha Kulul oo ay is dhaafsadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka Gudaha

    Posted by Sawnews.tk on September 9, 2009

    Cabdiraxmaan ciro[1]Borama (Sawnews)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdilahi Ciro[1]Cabdiraxmaan Ciro ayaa ku eedeeyay Ciidamada Boolisku in ay la wareegeen xaruntii Baarlamaanka, sidaas wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyay BBCda, dhanka wuxuu cadeeyay in xubin baarlamaaka ka mid ah uu Baastoolad la soo baxay golaha dhexdiisa, taasna talaabo laga qaadi doono, xubintaas la soo baxday baastoolada ayaa lagu sheegayaa in uu yahay Bashir Tukaale oo ka soo baxay Gabilay kana mid ahaa xisbiga UCID.
    Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Fadhigii Golaha Wakiilada oo Dagaal Weyni ka Dhacay iyo Booliska oo Albaabada u Laabay

    Posted by Sawnews.tk on September 8, 2009

    golaha wakiiladaGolahii wakiiladda oo dagaalkii ugu cuslaa ku dhexmaray xildhibaanada iyo ciidamada Booliiska oo la wareegay Xaruntii Golaha wakiilada

    Dagaalkii ugu cuslaa ayaa maanta xildhibaanada Golaha Wakiiladdu isku fara saareen,waxaana ka dhashay dagaalkaasi dhaawacyo soo kala gaadhay xildhibaanadii Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Kulankii Maanta ee Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdi Balaadhan oo ka socday Hay’adda UNDP by Siciid Cadaani Mooge

    Posted by Sawnews.tk on September 8, 2009

    Madaxweynaha iyo waftiga UNDP da ka socday  Hargeysa (Sawnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa u maanta ku qaabilay xarunta madaxtooyadda wafti ballaadhan oo ka socda laanta Qaramada midoobay ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan UNDP.
    Waftigaas oo uu hogaaminayo madaxa laanta UNDP-da u qaabilsan horumarinta mashaariicda  iyo xidhiidhka arrimaha gargaaarka bini’aadanimo Mr Mark Bowden waxay madaxweynaha ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin mashaariicda horumarka ah ee laanta UNDP Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    M/Weyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Dalka “Haddii uu cadowga Somaliland is leeyahay waa lagu kala tagayaa, laguma kala tagayo ee way soconaysaa qaranimada dalkani, calankana ma aha mid iilanaya”

    Posted by Sawnews.tk on September 7, 2009

    yasiin ku xigeenkaHargeysa(Sawnews)–Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta sheegay in Somaliland ay dhaqan gelinayso isu tanaasulkii iyo wada hadalkii ay ku soo caano maashay oo lagu furdaamin doono khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan xiligan.

    Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu sidaasi ka sheegay mar uu maanta dhagax Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Golaha Wakiilada Afarta Sanadood Waxaa Fadhiidka ka Dhigay Waa Hoggaankooda” Mooshinkan la wadaa waa burburinta Somaliland, shirgudoonkuna mar dambe ayay odhan doonaan sidan ma aanu moodayn’ Xusseen Cali Ducaale (Cawil) Wasiirka Maaliyada

    Posted by Sawnews.tk on September 7, 2009

    wasiirkaHargeysa(Sawnews) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ku tilmaamay mooshinka maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee horyaala Golaha Wakiilada mid lagu burburinayo dalka, waxaanu eedo kulul u soo jeediyay shirgudoonka golahaa.

    Wasiirka Maaliyadu ayaa waxa uu tilmaamay in Golaha Wakiilada Somaliland ee la soo doortay aanay wax ummadda anfaca qaban isla markaana ay qaab Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , , | Leave a Comment »

    WAR DEGDEG AH Komishanka Doorashooyinka oo ku dhawaaqay in aanay doorasho suurto gal ahayn 27ka September, codsadayna dib u dhig

    Posted by Sawnews.tk on September 6, 2009

    electionHargaysa(Sawnews) Waxa duhurnimadii maanta soo saaray war saxaafadeed toddobada xubnood ee Komishanka Qaranka ee Doorashooyinka Somaliland kaas oo ay ku sheegeen in aanay suurto-gal ahayn in doorashada madaxtinimada Soomaliland qabsonto 27ka September ee hore loogu cayimay.

    Komishanku muu sheegin waqtiga ay doorashadu qabsoomayso laakiin waxay caddeeyeen in muddo kordhin iyo dib u dhigis loo baahan yahay Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland Maxaa Ka Soo Baxay?

    Posted by Sawnews.tk on September 6, 2009

    golaha-150x150Hargeysa(Sawnews)  Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee maanta oo la filayay in la Taliyaha sharciga ee Aqalkaasi uu ka soo tallo bixiyo inay sharciyada iyo xeer-hoosaadka golaha waafaqsan yihiin labadii mooshin ee shalay Golaha la horkeenay ee kala ahaa Maamuus ka xayuubinta Madaxweyne Rayaale iyo Ku Xigeenkiisa iyo mooshinka labaad oo ahaa wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Wakiilada si ay isugu dayaan in xilka laga qaado shir-gudoonka. Read the rest of this entry »

    Posted in Awdal | Tagged: , | Leave a Comment »

    Af-hayeenka UDUB oo ku Eedeeyay KULMIYE in ay Abaabulayaan Dagaal Sokeeye

    Posted by Sawnews.tk on September 6, 2009

    gurayHargeysa (Sawnews) Af-hayeenka Xisbiga Udub  Cali Guray oo Xalay ka hadlay Telfishinka Qaranka ayaa Qaar ka mid ah Hogaanka Xisbiga Kulmiye ku eedeeyay ilaa Hogaamadii SNM ilaa iyo Xukuumaddahii kala duwanaa ee Somaliland in ay ku hayaan Burburin isla markaan Dagaalo ka ridaan, isaga oo farta ku fiiqay dhacdooyinka ugu danbeeyay ee ay imika wadaan in ay ku doonayaan in ay fawdo iyo qalalaase ku badalaan Hogaanka Talada haya, sidoo kale waxa uu Cali Guray ku tilmaamay fadeexadii Calanka Udub ay ayga ugu xidheen in ay tahay mid Kulmiye ku wax yeelaynayay Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Golaha Guurtida Somaliland oo Ansixiyay Go’aan Xasaasi Ah Oo Ku Saabsan Xaalada Dalka

    Posted by Sawnews.tk on September 5, 2009

    guddoonka%20guurtidaHargeysa(Sawnews)-  Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay  Go’aan xasaasi ah oo ka kooban sadex Qodob, oo ay Golaha horkeeneen Guddi dhawaan shir-gudoonku u xilsaaray inay ka soo tallo bixiyaan qaabka Goluhu u dhex dhexaadin karo dhinacyada isku khilaafsan siyaasada dalka. Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Tartankii Quraanka Kariimka Ah ee Boorama Ee Bisha Ramadaan Oo Maanta Lasoo Gabagabeeyay ( Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on September 5, 2009

    boorama-tartankii-qurkaanka-kariimka-ee-2009-1.JPG

     Boorama-(Sawnews)-Tartankii quraanka kariimka ah ee bisha ramadaan ee sanadkan 2009 ayaa manta lagu soo gabagabeeyay masaajidka Wayn ee Jaamaca Qadiimka ah ee magaalada Boorama.  Xaflada gabagabaynta tartankan oo ay ka soo qayb galeen Maamulaha Dahabshiil Boorama Md. Riiraasha oo isagu gacan wayn ka gaystay qabsoomida tartankan, dadwayne aad u tiro badan, suxufiyiin, odayaal salaadiin iyo culamaa’u diin kale ayaa waxa ay ahayd mid qabsoontay galinkii dambe ee maanta. Read the rest of this entry »

    Posted in Awdal, News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Madaxweyne Reyaale” Mucaaradka malaha way ku riyoodeen anigoo is casilay”

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    riyaale2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dahir Reyaale Kaahin ayaa hadal Caruureed ku sifeeyay wararka sheegaya inuu xilka Madaxweynenimada iska casilayo

    “Mucaaradka ayaa malaha ku riyooday anigoo is casilay,laakiin iima muuqato sabab aan isku casilo,dalka waxaa naga saaraan Masuuliyad,waxaana shacabka Somaliland Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Madaxwayne Rayaale oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi ka socda Qaramada Midoobay.

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    93200940944JPGHargeysa,(Sawnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ku xigeenka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha siyaasadda ee Somaliland iyo Somalia Mr Charles Betrie.Wefdigaasi oo booqasho gaaban ku yimid Somaliland,

     waxa ay maanta Madaxweynaha ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin Nabad gelyada iyo xasiloonida Somaliland iyo mashaariicda horumarinta ah ee Qaramada Midoobay ay ka fuliyeen Somaliland. Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Shariif Sh. Axmed oo ka hadlay goonni-isu-taagga Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    sh-shafriifHargeys(Sawnews)Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed, ayaa ka hadlay qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland. Waxaanu amaanay nabadgelyada iyo horumarka ka hirgelay.

    Shariif Sh. Axmed oo u waramay Telefishan ku yaala Magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, laguna magacaabo Al-AAN TV, ayaa ka hadlay xaaladda qasan ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya. Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , , | Leave a Comment »

    Alshabaab oo Ka Hadashay Somaliland Diginiina u Jeediyey

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    alshabaab-trainingMugdisho (Sawnews) Sheekh Mutaar Sheekh C/raxmaan (Abuu Subayr) oo Xalay Canjal uu soo diray  si toos ah looga Baahiyay Warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa uu fariin u diray Maamulka Somaliland oo uu sheegay in ay isku dhiibeen dowladda Ethiopia. Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , , | Leave a Comment »

    Warar Sheegaya in Madaxweyne Rayaale Is-casilayo iyo Walaaca ka Dhashay

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    riyaale2Hargeysa (Sawnews) Warar la isla dhexmarayo oo ilaa xalay isa soo tarayay ayaa sheegaya in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu iscasilayo, arrintaana waxa ka dhashay walaac ay dadka qaarkood durba ka muujinayaan.

    Arrinta iscasilaada Madaxweynaha ayaa soo baxday markii sida la sheegay ay talo ahaan ugu soo jeediyeen dad kala duwan oo isugu jira waxgaradka reer Somaliland gaar ahaana Beesha uu ka dhashay Madaxweynuhu Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Taliyaha Booliska oo Beeniyey in Madaxweyne Rayaale Amray Soo Qabashada Abiib Timacade

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    saqadhi Hargeysa(Sawnews)-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Mudane Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa beeniyay in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, amar ku siiyay inuu soo xidho Md. Abiib Diiriye Nuur (Timacad), oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.

    Mudane Abiib Timacad, oo habeen hore u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay in Madaxweyne Rayaale, taliyihii ciidanka Booliska Md. Maxamed Saqadhi Dubad ku amray inuu xidho, Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Sadex Nin Oo Lagu Qabtay Iyagoo Samaynaya lacago Foojari ah.

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    500-somalilandHargeysa(Sawnews)- September 2,2009-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xalay gacanta ku dhigay sadex nin oo lagu eedeeyay inay samaynayeen lacag foojari ah iyo qalabkii ay ku samaynayeenba. Taliyaha Hoggaanka Hawl gelinta Ciidanka Booliska  Somaliland Cabdilaahi Fadal Imaan, ayaa Sheegay in ciidanka Boolisku xalay ku guulaysteen inay qabtaan sadexdaasi nin oo magacyadoodu kala yihiin Liibaan C/Casiis Mayay, C/Fataax Sh. Nuur iyo Maxamed Cabdi-casiis Muuse. Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Daawo Sawirada Laba baabuur oo looga shakiyay inay alshabaab wadatay oo Lagaga Cararay Meel ku dhaw Dugsiga Nuuradiin, Xaafada sh.Madar ee Magaalada Hargeisa

    Posted by Sawnews.tk on September 2, 2009

    Labchjhjghjhja baabuur oo Grande ah oo ahaa Nooca loo yaqaano indhacade ayaa saaka Saladii Subax ka hor lagaga cararay Xaafada Sh.Madar gaar ahaan Dugsiga Nuuradiin institute Horteeda Labadaas Baabuur oo laga shaki qabo in ay watayeen Ashabaab ayaan ilaa iminka anan war laga haynin waxa ku jira iyo cidii wadatay ujeedada ay uga tageen baabuurtan…., Daawo Sawirada Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Waftiga Qaramada Midoobay ka Socda oo yimid Hargeysa

    Posted by Sawnews.tk on September 2, 2009

    UnitedNations1Hargeysa(Sawnews)-Wafti Balaadhan oo uu Hogaaminayo Kuxigeenka Ergayga Qaramada Midoobay u Qaabilsan Somaliya ayaa kasoo Degay Madaarka Hargeysa.
    Waftigan oo aan Xukuumadu soo dhawayn ayaa ah kii ugu horeyey ee Imaada Somaliland tan iyo markii Khilaafku soo kala Dhexgalay Xisbiyada Qaranka iyo Xukuumada iyo Koomishanka oo Dhinac ah, waxana Waftigan kusoo beegmay iyadoo aanay Fiicnayn Xidhiidhka u Dhaxeeya Somaliland iyo Wakiilka Qaramada Midoobay.
    Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Madaxweyne Rayaale Oo Amray in la xidho Abiib Timacad

    Posted by Sawnews.tk on September 1, 2009

    timacadeHargeysa(Geeska) -Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay in la xidho Mudane Abiib Diiriye Nuur (Timacad), oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga KULMIYE.Sidas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay Abiib Timacad, oo xalay wargeyska u waramay “ilaa xalay [habeen hore] warkaas waan maqlayay oo dhegahayga ayuu ka batay, laakiin maanta ilaa galabta ayaan arkay Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Markabkii Ku Shufbeelay Dekadda Berbera Oo Shaqaalihiisii Xabsiga loo taxaabay.

    Posted by Sawnews.tk on September 1, 2009

    berbera shipHargeysa(Sawnews)- Wararka ka imanaya magaalada Berbera , ayaa sheegaya in Markabkii xalay dabku qabsaday meel ku taala duleedka dekada Berbera, uu khasaare weyni soo gaadhay oo ay ku baaba’een hantidii saarnayd oo u badnayd Gaadiid iyo Bagaash kala duwan oo u raranaa Ganacsatada Somaliland. Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Axmed Maxamed Xaaji Bidaar Oo ahaa Xubintii Komishanka Doorashooyinka Somaliland laga Saaray oo Ku Geeriyooday Hargeysa

    Posted by Sawnews.tk on September 1, 2009

    bidaarHargeysa(Sawnews)- Alle Ha u naxariistii saaka magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum- Axmed Maxamed Xaaji Bidaar, oo ahaa xubintii Komishanka doorashooyinka ee dhawaan Golaha Wakiilada Somaliland ay kala noqdeen kalsoonidii ka dib markii xubnihii kale ee Komishanku ku eedeeyeen inaanu la shaqayn karin. Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: | Leave a Comment »

    Nin Taxi-le ah oo Kilidiisa ugu deeqay bukaan uu Isbitaal geeyay.

    Posted by Sawnews.tk on August 31, 2009

    u_1754d_2009-8-30-0-28-32f_qaRita Van Loenen oo dagan Phoenix, USA, iyadoo rabta iney tagto isbitaal ayay dalbatey Taxi, wuxuuna  ka soo raagey saacad badhkeed, aad ayay arintaa uga xanaaqdey Rita, laakiin markaa mey ogeyn inuu dirawalkaa ka daahey ee ay ka xanaaqdey uu nolosheeda wax weyn ku tari doono Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Warsaxaafadeed: Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland oo Kulan la yeeshay madax Sarsare oo ka tirsan Safaaradda Faransiiska ee fadhigeedu yahay Djbouti.

    Posted by Sawnews.tk on August 31, 2009

    Somaliland_COAWarsaxaafadeed: Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland oo Kulan la yeeshay madax Sarsare oo ka tirsan Safaaradda Faransiiska ee fadhigeedu yahay Djbouti.
    Date: 31/08/09
    Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Magacyada Guddi turxaan-saar oo Shirguddoonka Wakiilladu magacaabay

    Posted by Sawnews.tk on August 31, 2009

    golahaHargeysa (Sawnews)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigidoodii shalay guddi turxaan-saar ah u saaray khilaafaadka dhexdooda.Fadhigaas oo uu gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ma jirin cid Warbaahinta maxaliga ah iyo ta dibadda ka socotay oo ka qaybgashay fadhigaas oo abaaro 10:00 subaxnimo ka furmay hoolka shirararka ee golahaas. Hase yeeshee, sida la sheegay waxa uu Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Maxaa ka soo baxay kulamo dhex maray Weftiga Ingiriiska iyo dhinacyada siyaasada Somaliland?

    Posted by Sawnews.tk on August 31, 2009

    NEWSHargeysa (Sawnews)- Ku-xigeenka Danjiraha dawladda Ingiriiska u fadhiya dalka Itoobiya Mr John Marshal oo socdaal ku jooga Hargeysa, ayaa shalay kulamo gooni gooni ah la yeeshay dhinacyada siyaasada Somaliland. Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »

    Gudoomiyaha UCID oo Sheegay in Shir-Gudoonka Waakiiladu aanu Dhex-dhexaad ahayn

    Posted by Sawnews.tk on August 30, 2009

     “Golaha anagaa Aqlabiyada leh, anagaa hadaanu doono Imbiijman keenayna…Hadii uu jeermaanku dhexdhexaad noqonayo maxay Axsaabtu ugu tartamaan..” Faysal Cali Waraabe

    faysal caliHargeysa (Sawnews) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Shir-Gudoonka Golaha Wakiiladu aanu dhex dhexaad ahayn ee ay ku shaqeeyaan Siyaasada Xisbiyada ay ka tirsan yihiiin.

    Sidaa waxa uu ku sheegay Gudoomiyahu Waraysi ay Saxaafadu kula yeelatay Xarunta Golaha Wakiilada, mar uu shalay soo booqday, iyada oo ay ka jirtay Xiisad ka Read the rest of this entry »

    Posted in News (Warka) | Tagged: , | Leave a Comment »