SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • M/Weyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Dalka “Haddii uu cadowga Somaliland is leeyahay waa lagu kala tagayaa, laguma kala tagayo ee way soconaysaa qaranimada dalkani, calankana ma aha mid iilanaya”

    Posted by Sawnews.tk on September 7, 2009

    yasiin ku xigeenkaHargeysa(Sawnews)–Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa maanta sheegay in Somaliland ay dhaqan gelinayso isu tanaasulkii iyo wada hadalkii ay ku soo caano maashay oo lagu furdaamin doono khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka taagan xiligan.

    Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu sidaasi ka sheegay mar uu maanta dhagax dhigayay dhisme cusub oo dabaq ah oo ay dhisanayso Wasaarada Qorshaynta Somaliland, waxaanu ka hadlay marxalada dalku marayo, isagoo

     arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waa inaan maanta kalmad ka idhaahdaa marxalada maanta dalku taagan yahay,Haddii aanu nahay xukuumada Somaliland ee maanta talada wadanka haysa kollay waxaa jira in dad leeyihiin maxaa la wadaa? Doorashadii waxa loo hakiyay Somaliland waxay ku soo caano maashay in la wada hadlo oo la isla jaan qaado oo maalin la isla cayimo. Hawlahan inala soo darsay ma aha qaar ka yimid xageena ee waa qaar ka dhashay dhinacii diiwaan gelinta, oo markii horena  sanad loogu tallo galay inay sanad socoto diiwaan gelintu. lixdii bilood ee la kordhiyay waxay  ahayd markii ay soo bixi weyday natiijadii diiwaan gelinta Server-ka, waxaynu soo maray sadex doorasho waxaynu ku soo galnay diiwaan gelin la’aan waxaanay u dhaceen si caadi ah oo toos ah oo aanu wax shaki ahi ka imanin.”

    “Doorashadan diiwaan gelinta lagu saleeyay waxa inagu kalifay  markii la yidhi ha la helo xaqsoor, dabcan xaqsoorkii wuxuu noqday qofku inuu mar kaliya codeeyo, waad ogtihiin inagaa diiwaan gelintii xumaynay oo waxa dhacday qof toban kaadh leh. Diiwaan gelintii maal baa galay waliba waxa ka badnaa maalkii ay galiyeen diiwaan gelinta shacbiga Somaliland iyo tii ay geliyeen dawladuba malaa waxa la qiimaynayaa uun tan ka gashay Haayadaha. Waxa ka badan awoodii ay geliyeen shacbiga Somaliland imika in la safeeyo oo la soo saaro wax xalaal ah oo qofku uu codayn karo,Ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin. 

    Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu ku dooday inaan xaqooda la duudsiyin gobolada barriga dalka oo uu tilmaamay inaan meelaha qaar aanay ka dhicin diiwaan gelintii, waxaanu yidhi “Gobolada barrigana ma aha iyaga qudhoodana in xaqooda la duudsiyo, waxa jira meelo aan diiwaan gelin laga samayn mustaqablka marka wax la isla meel dhigayo wixii arrintaasi laga yeelayo waxay u taalaa haayadaha qaranka.”

    “Haddii uu cadowga Somaliland is leeyahay waa lagu kala tagayaa, laguma kala tagayo ee way soconaysaa qaranimada dalkani, calankana ma aha mid iilanaya.”Ayuu yidhi Madaxweyne ku Xigeenku. 

    Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland oo ka hadlayay muhiimada uu dhismahani u leeyahay qaranka wuxuu yidhi “Waan salaamayaa dadka Somaliland iyo muslimiinta kale ee ku nool  adduunka. Marka labaad dhismahan la sameynayaa waa kii Wasaarada Qorshaynta dabcan Wasaarada qorshayntu waa ta isku xidha Haayadaha dawlada oo dhan ee qorshaha  u dejisa iyo xataa NGO-yada Gudaha waxay inoogu fadhifaa qiime weyn meeshii shaqada isku xidhaysay dawlada in maanta  loo dhiso meel ay isku yimaadaan maadaama oo ay ku kala jireen dhawr meelood. Si ay shaqadu u hufnaato mustaqbalkana ay noqoto meel Somaliland u jihaysa horumar.”

     

    Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: