SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Magacyada Guddi turxaan-saar oo Shirguddoonka Wakiilladu magacaabay

    Posted by Sawnews.tk on August 31, 2009

    golahaHargeysa (Sawnews)- Golaha Wakiillada Somaliland ayaa fadhigidoodii shalay guddi turxaan-saar ah u saaray khilaafaadka dhexdooda.Fadhigaas oo uu gudoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, ma jirin cid Warbaahinta maxaliga ah iyo ta dibadda ka socotay oo ka qaybgashay fadhigaas oo abaaro 10:00 subaxnimo ka furmay hoolka shirararka ee golahaas. Hase yeeshee, sida la sheegay waxa uu Shirguddoonku fadhigaas kaga dhawaaqay guddi uu u saaray turxaan-saarka khilaafaadka maalmihii u dambeeyay golaha hadheeyay.
    Guddigan turxaan-saarka oo 14 xubnood oo labada dhinac ah ka kooban, waxa ku jira dhowr xubnood oo ka mid ah lixda Mudane ee dhowaan talaabada anshax-marinta ah laga qaaday.
    Guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo hadal ka jeediyay fadhigaas, waxa uu sheegay in guddigaas la siiyay saddex maalmood oo ay arrintaa ku soo dersaan, muddadaasna goluhu fasax ahaan doono. Waxa uu sheegay in guddigu Salaasada warbixintooda u gudbin doonto Shirguddoonka, isla markaana Shirguddoonku golaha soo hordhigi doono Sabtida todobaadka soo socda.  


    Magacyada guddiga;-

    Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Aw-xoog)

    Aadan Maxamed Hoorri (Mataan)

    Cali Xaaji Aadan

    Cabdikariim Aw- Cali Shabeel

    Ibraahim Carraale Cabdi

    Aadan Xaaji Diiriye Dirir (Sanqoole)

    Axmed-yaasiin Sh. Cali

    Maxamed Nuur Carraale (Duur)

    Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (Cabdiraxmaan-dheere)

    Cali Maxamed Xassan (Cali-Mareexaan)

    Siciid Cilmi Rooble

    Maxamuud Axmed Obsiiye

    Axmed Nuur Kijaandhe

    Maxamed Xusseen Ciise.

     

    Xigasho: Wargayska Ogaal.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: