SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dawladda Jabuuti Dhiigii Dadkeeda way Cabtay, Dhididkoodiina way ku Maydhatay, Lafahoogiina way Shidatay.

    Posted by Sawnews.tk on March 11, 2010

    Waxan lala yaaban yahay ninkan sheegtay professor Xasan Farax Warfaa oo ku hadlay, “reer Jabuutow Caanihiina ha iska Daadinina” (saylac.com, March 7). Mr. Prefessor waxad ku hadlayso iska hubi annaga dhiigayagii waa la cabbay, dhidkayagii waa lagu maydhay, lafahayagiina waa la shitay. Waddanka annagaa leh oo degan oo kaaga war roon.

    “Jabuuti nolol xumada taallaa meella addunka ma taallo” sida waxa tidhi gabadh Fransiis ah oo agtayda fadhidhay dayuurad aan ka soo raacnay Jabuti xagaagii sanadka 2009 fikraddaa dad badan baa qaba.  Dayuuradda Air-France waxay Jabuti ka soo kacday habeen badhkii aroor horena waxan soo galnay Paris anigoo ku socda Montreal, Canada. Muddadaa dheer gabadhan oo jabuuti shaqo oo joogtay waxay tidhi nolosha dadka iyo korontada ayaa isku xidhan, dadkana waxay u kala qaybisay siday koronto u kala helaan. Dadku waa saddex darajo oo laba qaybood yihiin boqolkiiba shan iyo sagaashan dadka waddanka deggen. Qaybta saddexaad oo boqolkiiba shan ka yar waa inta ku xeersan madaxweynaha ee ku nool dhiiga iyo dhididka labada qaybood ee kale. Saddexdii qaybood waa kuwan soo socda.

    Qaybta saddexaad: haba yaraatee ma haystaan koronta waayo ma iibsan karaan.  Habeenkii xagaagga bannaanka ayay jiifaan. Waa madow, qoyaan iyo bullaacado socda (open drainage). Caruurtooda intay qaawiyaan bay mariyaan bootar (powder) dhididka ka nuugga kaneecana way cunaysaa. Haddaad xaafadahooga marto, waad cabsoon waayo wax cadcad oo wada sarajooga ayaad arki. Waa caruurtii oo bootar la mariyay, kuwa yaryarina waabay ooyayaan. Waxad arki hooyadii oo guri yar oo aad u kuluu ka oo dab ku shidday oo wax ku karinaysa. Hooyada halkaa fadhida ee wax karinaysa yaa qiyaasi kara kulaylka iyo dhibta haysa. Caruurta banaanka taaganna looma waayin koronto ay ku seexdaan ee tumasho iyo ciyaar baa lagu illoobay.

    Qaybta labaad: waxay helaan kornoto wareegta oo saacado ah. Qaarkood way xadaan korontada waayo mushaarkooda kama bixin karaan. Qaarna dhibbay ku bixiyaan oo ma gashadaan qaboojiye (air condition) ee marawado ayay sudhaan. Saqda dexe kuwii oo hurda ay tagtaa korontadu. Waxad arki dadkii ee marka keliya aad mooddo in siidhi loo afuufay oo guryahoogii horjooga. Way jiifi kari waayeen kulaylka awgii. Debedduna wax badand ma dhaanto ee hawa kulul bay dhex joogaan. Cagagha iyo gacmahaba intaa way dhaqaajinayaan oo waxay  eryayaan kaneeco. Dadkan aroorta shaqo iyo wax soo saar baa laga rabaa. Waxba soo saari maayaan. Qaybtan waxa ka mid ah nin aan wada shaqaynno oo markaan gurigiisa ka qadeeyay fadhiyi kari waayay ayay tidhi gabadhu.

    Qaybta Kowaad: waa kuwo ku nolol nolosha aan France ku noolnahay. Waxy haystaan wax walba. Baabuurtooda, xafiisyadooda iyo guryahoogaba qaboojiyaha lama bakhtiiyo. Caruurtoodii waddanada debedda ayay wax ku bartaan inta la joogtaana si fiican bay seexdaan una noolyihiin. Kontontada dadku u baahanyahay ma kaydiyaan ee habeenkii xafiisyada qaboojiyaha oo shidan bay ka soo rawaxaan. Waxay doonayaan inay aroorta xafiiska oo aad u qabow soo noqdaan. Waxa yaab leh inaan lacag koronto lacag qaadin dadkan sidan ugu raaxaysanaya korontada yar ee jirta. Madaxda oo dhan konronto ma bixiyaan.  Ogow, waa kuwii lacagta haystay kuwani aan lacagta laga rabin. Dadweynihii,95%, korontadaa Ismaaciil iyo dadkiisa bilaashka u ah, dadweynaha Jabuti 95% ma hasytaan. Waa kuwaa caruurta bootarka dhididka iyo kulayka kaga ilaalinaya. Telefanka ay waddanka debeddiisa kula hadlaan dawladda ayaa bixisa. Si walba waxay qaybtani ku nooshahay dhiiga iyo dhididka dadka.

    Mr. Professor sheekadan oo run ah akhri waad qosli waanad isku qosli waxaad adigu qortaye.  Dadka reer jabuti, ciddaan aan xafiis dawladeed fadhiyin, kuma hadli karaan telefoon debedda ah oo waa qaali. Waxa la ogaaday in meel ka yara baxsan magaalada oo taag ah ay telefoonada (mobile) ku shaqeeyaan qiimaha la dhigma kan waddanka jaarka ah somlida. Dadku halkaa ayay tagaan oo markaad dhex joogto waxad moodi inaad dad waalan dhex timid. Waayo bal ka warran siday u muuqdaan dad isku meel wada jooga oo dhamaantood telefon la wada sarajooga oo aan midna kale la hadlayn. La isma yaqaan qof walba wuxuu u yimid inuu telefonkiisa halkan kaga hadlo. Gaadhi bolis ah ayaa soo muuqday dadkiina dhinacyada ayay u kala ordeen. Ninkii boliska ahaa intuu taagii yaraa is taagay buu la soo baxay telefankiisii. Dadkii oo qosolaya ayaa qarkood meeshii ku soo noqdeen si ay hadalkoodii u sii wataan.

    Mr. Professor, dadka reer Jabuuti, caafimaad ma haystaan oo jidadkay ku dhintaan. Jidadkoodu waa godad iyo guddaafad, guryahoogu koronto ma laha oo dadku ma seexdaan kulayl awgii. Ciil bay ku dhergeen ee xaggeed caanaha ka keentay.

     Hussein Egeh

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: