SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • War saxaafadeed: Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE oo cambaaraynaya falkii Shalay ka dhacay X. Golaha Wakiillada.

    Posted by Sawnews.tk on September 10, 2009

    kulmiye ucidHargeysa(Sawnews) – Waxay labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE cambaaraynayaan falkii foosha xumaa ee saaka ka dhacay Xarunta Golaha Wakiillada ee Hargeysa.

    Waxay ummadduhu ku horumareen, kuna hanaqaadeen, ku dhaqanka iyo xormaynta shuruucda ay dhigteen, waxaana uga mas’uul ah dejinta iyo ilaalinta xeerarka golayaal leh haybad iyo xasaanad, kana wakiil ah Bulshada.

    Waxa nasiib darro ah, Golaha Wakiillada oo ku yimi nidaamka dimuqraadiga ah, Dadweynuhuna soo igmaday oo la kawsaday carqaladooyin taxane ah oo kaga imanaayey xagga Xukuumadda, curyaamisayna xil-gudashadoodii.

    Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE, waxay u arkaan dhacdadaas u danbaysay ee Golihii albaabada loogu xidhay, shir-guddoonkii lagu dhaleeceeyey mid aan waafaqsanayn sharciga.

    1.      Waxaan u aragnaa in Goluhu xaq iyo xushmadba u leeyahay in uu si madax banaan ku guto xilkiisa Distooriga ah, cidina ku fara-gelin Karin hawl-maalmeedkiisa.
    2.      Waxa labada Xisbi iyo Ummadduba ogsoon yihiin in waaxda fulintu awood sharci u lahayn, iskuna hortaagi Karin hawlaha Qaran ee ummaddu u igmatay Golaha sharci-dejinta, balse waxay noogu muuqataa in awood sheegasho, muquunin iyo inqilaab geedi-socodkii dimuqraadiyada lagu sameeyey, si kursiga loogu negaado.
    3.      Waxa ah wax laga xumaado in nin Wasiir   sheeganayaa uu si badheedh ah dusha uga saaro danbi culus oo Qaran dumis ah madaxda maamuus ahaan uga sareysa  (Shir-guddoonka Golaha Wakiillada), isaga oo aan haynin wax caddeyn ah. Arrintaasi waxay muujinaysaa burburka ku yimi hay’adihii Qaranka ee ay ahayd inay is-qadarin, xushmad iyo wada shaqayn ka dhaxayso.

    Waxa saaka 08/09/09 shirkoodii caadiga ahaa isugu yimid xildhibaanada Golaha Wakiillada, si u gutaan waajibaadkooda distooriga ah, iyagoo halkaas kaga doodayey labada mooshin ee kala ah:

    1.      Xilka xayuubinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.
    2.      iyo in wax-ka-bedel lagu sameeyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada.

    Intaas ka dib, Shir-guddoonku waxa uu ka codsaday la taliyaha sharciga ee Goluhu inuu akhriyo wuxuu sharcigu ka qabo labadaas mooshin. Markii ay doodii furantay, waxa hadalkii la siiyey xildhibaanadii Golaha fadhiyey, waxa halkaas isku fara saaray laba xildhibaan oo ka kala tirsan muxaafidka iyo mucaaridka, hase yeeshee, waxay xildhibaanada UDUB markiiba golaha ka bilaabeen buuq iyo sawaxan ay hore u soo qorshaysteen, mid ka mid ah xildhibaanada UDUB ah ayaa la soo baxay Baastoolad, una hanjabay shir-guddoonka Golaha Wakiillada, waxay arrintaasi sababtay in la carqaladeeyo habsami-usocodkii shirka.

    Carqaladaynta Goluhu halkaas kumay koobneyn, waxa isla markiiba xoog ku soo galay gudaha Golaha ciidamo hubaysan oo ka tirsan Booliska, waxayna amar ku siiyeen inay xildhibaanadu si degdeg ah uga baxaan Golaha, iyaga oo la wareegay maamulkii Golaha, albaabadana u xidhay

    Waxaynu  ka dharagsannahay inay qorshaha ugu jirtay Xukuumadda is-hortaaga mooshinkan maamuus ka xayuubinta ah ee Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa, waxayna adeegsatay lacag lagu iibsado xildhibaanada  iyo caqa-juglayn lagula dhaqmo xildhibaanada qaarkood.       

    Haddaba, markii Xukuumaddu ay ku guuldaraysatay qorshaheedii ahaa laaluushka iyo kala qaybinta Golaha, waxay la timi qorshe hor leh oo ay ku burburineyso astaantii koowaad ee dimuqraadiyadda dalka oo ah Baarlamanka, iyadoo ay maanta si toosa ugu samaysay inqilaab hannaankii Baarlamanka, sida uu ku sheegay Wasiirkii daakhiligu waraysigii ay BBC-du la yeelatay 08/09/09 galabnimadii.

    Sidaas darteed, waxan la socodsiinaynaa dadweynaha Somaliland gudde iyo dibedba:

    1.      in Baarlamankii ay soo doorteen la afganbiyey oo maanta gacanta ugu jira ciidanka Booliska .
    2.      in khatar la geliyey deganaanshihii iyo xasiloonidii dalka.
    3.      in rajadii shacbigu sugaayey ee doorashada dhaawac weyni gaadhay, lana horjoogsaday dadaalkii ay wadeen bulshada caalamku.

    Sidoo kale, waxay labada Xisbi UCID iyo KULMIYE ugu baaqayaan shacab weynaha inay doorkooda si xilkasnimo ah uga  qaataan badbaadinta iyo samatabixinta Qarankooda, iyo difaaca  shuruucda iyo xeerarka dalka ee lagu tumanayo, isna barbartaagaan xildhibaanada ay soo doorteen.

    Waxay labada Xisbi UCID iyo KULMIYE si cad ugu sheegayaan ummadda inaanay ogolayn, raalina ka ahayn falalka noocan oo kale ah.

    Waxaan xasuusinaynaa ciidanka Booliska iyo saraakiishoodaba inuu xil ka saaran yahay inaanay ku xadgudbin haybadda iyo maamuuska hay’adaha dawliga iyo xuquuqda uu leeyahay muwaadinku, isla markaana oggaadaan inay yihiin adeegayaasha Ummadda, kana digtoonaadaan inaan si qaldan loo adeegsan.  

    Wa Billaahi Tawfiiq

    Md. Axmed Maxamed Siilaanyo             Eng: Faysal Cali Waraabe
    Guddoomiyaha XisbigaKULMIYE                Guddoomiyaha Xisbiga UCID

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: