SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Golaha Guurtida Somaliland oo Ansixiyay Go’aan Xasaasi Ah Oo Ku Saabsan Xaalada Dalka

    Posted by Sawnews.tk on September 5, 2009

    guddoonka%20guurtidaHargeysa(Sawnews)-  Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay  Go’aan xasaasi ah oo ka kooban sadex Qodob, oo ay Golaha horkeeneen Guddi dhawaan shir-gudoonku u xilsaaray inay ka soo tallo bixiyaan qaabka Goluhu u dhex dhexaadin karo dhinacyada isku khilaafsan siyaasada dalka.

    Fadhigii Golaha oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Golahaa Md. Saleebaan Maxamuud  Aadan waxa madasha fadhiyay 58 Mudane, waxa ogolaaday 55 Mudane, cid diiday may jirin, waxa ka aamusay laba Xildhibaan Guddoomiyuhuna muu codayn.

    Go’aankaasi goluhu ansixiyay wuxuu u qornaa sidan:

     

    “Gudi ahaan markii aanu derisnay dood iyo falanqayn badana ka yeelanay habkii iyo qaabkii loo wajihi lahaa muranka jira, dalkana looga samato bixin lahaa khal-khalka jira iyadoo ay muhiimadu tahay in goluhu dhex-dhexaad noqdo, waxaanu soo jeedinaynaa gudi ahaan qodabadan:-

    1.      Waxanu mar labaad ayidaynaa go’aankii golahu ansixiyey, dhex-dhexaadna noqono sida ku cad go’aanka lamarkiisu yahay GG/JSL/Go’aan-04/08/2008 kuna tariikhaysan 18/08/2009 ee Ka koobnaa 7 qodob.

    2.      si dhexdhexaadnimada golaha Guurtidu u xaqiijisanto waa in aan xubnaha goluhu kamid noqon xisbiyada siyaasiga ee qaranka.

    3.      In Goluhu isagoo dhinaca maslaxada guud ka eegaya, wuxu ansixinaya wixii xal ah ee ay kusoo heshiiyaan saddexda xisbi qaran ee lagu soo afjarayo muranka siyaasiga ee dalka ka taagan. Haddii ay ku heshiin waayaan Goluhu wuxuu ku hawl-gelayaa Wajibaadkiisa Dastuuriga ah.

    Sidaa darteed marka qodobada kor ku xusan la helo ayaa goluhu u gudbi karaa wajihi karaana wixii khilaafaad ah ee jira, doorkiisana ka qaadan karaa.

     

    ALLA MAHAD LEH.

    Magacyada Mudanayasha.

     

    1.      Mudane Axmed Dirir Cali

    2.      Cabdirxamaan Axmed Aaraye.

    3.      Cabdilaahi Ibraahin Xirsi

    4.      X. cabdirkariim xuseen yusuf

    5.      Maxamed Jamac Abokor

     6.     Muxumed Aw. Axmed X. Aaden

    7.      Cabdisalaan Maxamed Siciid

     8.     Aadan Shire Faarax  

    9.      Cabdiqaadi Aw. Xuseen Mire

    10.    Axmed Muuse Obsiiye

     11.   Sahal Iidle Dirir  

    12.    Cabdiqaadir Maxamed Xasan

    13.    Jamac Faarax Axmed

    14.    Nuur Riyaale Kheyre

    15.   Sh. Maxamuud Xirsi faarax

    16.   Xirsi ciise jaamac

    17.   Yusuf Cabdilaahi Cawaale

    18.   C/raxmaan Sh. Yusuf Sh. Madar

    19.   C/rashiid Sh. Cabdilaahi Aaden.

    20.  Maxamed Maxamuud Yasin

    21.  Saleeba Garas Seed

    22.  Axmed  Daahir Jirde

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: