SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Reyaale” Mucaaradka malaha way ku riyoodeen anigoo is casilay”

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    riyaale2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Dahir Reyaale Kaahin ayaa hadal Caruureed ku sifeeyay wararka sheegaya inuu xilka Madaxweynenimada iska casilayo

    “Mucaaradka ayaa malaha ku riyooday anigoo is casilay,laakiin iima muuqato sabab aan isku casilo,dalka waxaa naga saaraan Masuuliyad,waxaana shacabka Somaliland dal iyo dibad ku wargelinayaa inay u diyaar garoobaan doorasho madaxbanaan,si ay codkooda u dhiibtaan”ayuu yiri Madaxweyne Dahir Reyaale Kaahin oo khadka telefoonka kula hadlayay Waagacusub.com

    Madaxweyne Reyaale wuxuu ka gaabsaday inuu ka hadlo fariin coda oo Amiirka Khawaarijta Al-Shabaab Mr Ahmed Godane ugu hanjabay Xukumadda Somaliland,ugana hadlay arrimo badan. 

    Website-yada ku hadla afka Mucaaradka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa qaarkood la soo dhigay war lagu sheegay in Madaxweyne Dahir Reyaale Kaahin is casilayo hasse yeeshee marka la qiimeeyo hadalka Madaxweynaha waxaa muuqato in sheekadu tahay kaaf iyo kala dheeri.

    Xeeldheerayaashu waxay aaminsan yihiin in Xukumadda Reyaale hada uun luga fidsatay,oo weliba qabto kalsooni la xiriirta inaan doorashada looga adkaan karin.

    Go’aanka Xukumadda Udub ugu dambeyn hor dhigeyso Xisbiyadda Mucaaradka ayey ila wareedyo hoose sheegayaan inuu yahay ,labo qodob inay mid doortaan.

    1- Inay ka qeybgalaan doorasho aan diiwaangelin lahayn

    2- Inay aqbalaan dib u dhigis lagu sameeyo doorashada si loo helo qalab lagu kalsoon yahay maadama kii hore loo adeegsaday qaab aysan ku qancin

    waagacusub

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: