SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Gudoomiyaha UCID oo Sheegay in Shir-Gudoonka Waakiiladu aanu Dhex-dhexaad ahayn

    Posted by Sawnews.tk on August 30, 2009

     “Golaha anagaa Aqlabiyada leh, anagaa hadaanu doono Imbiijman keenayna…Hadii uu jeermaanku dhexdhexaad noqonayo maxay Axsaabtu ugu tartamaan..” Faysal Cali Waraabe

    faysal caliHargeysa (Sawnews) Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Shir-Gudoonka Golaha Wakiiladu aanu dhex dhexaad ahayn ee ay ku shaqeeyaan Siyaasada Xisbiyada ay ka tirsan yihiiin.

    Sidaa waxa uu ku sheegay Gudoomiyahu Waraysi ay Saxaafadu kula yeelatay Xarunta Golaha Wakiilada, mar uu shalay soo booqday, iyada oo ay ka jirtay Xiisad ka dhalatay Muran u dhaxeeya Shir-Gudoonka iyo Xubno Xildhibaano ah, waxaanu intaa ku daray in Shir-Gudoonku ay leeyahiin Xarunta Golaha, halka Madaxwaynahana uu sheegay in uu leeyahay Madaxtooyada.

    Gudoomiyuhu Su’aalaha ka hor waxa uu yidhi hadal Kooban oo uu kaga hadlay Xaalada ka taagnayd Xarunta Golaha Wakiilada waxaanu Yidhi “Baarlamaanku sharci ayuu leeyahay,    xeer hoosad   ayuu leeyahay,  xeer hoosaadka qofka lagu qaadaana waa inuu ogolaadaa oo aanu xoog socon, oo ay kala danbayntu shaqaysaa.

     markaa Dalku xoog uma baahna, dalku waxa uu u baahan yahay in sharciga la ilaaliyo,  qofka baarlamanku waxa uu xaq u leeyahay in  uu wax ka doodo  haddu waxaa uu neceb yahay in uu ka codeeyo  hadduu jecel yahayna uu u  codeeyo  halkaas ayaa awoodiisa la siiyay tahay”

    Intaa ka dib waxa ay wariyayaashu waydiiyeen Su’aalo ku saabsan Xaaladaas waxaanay u dhaceen sidan

    S. Mudane Gudoomiye waxaad imika sheegtay inaad xalay ka wada hadasheen idinka iyo xukuumaduba arintan kalfadhiga golaha oo aad tidhaahdeen waxba maanta la samayn maayo. arintaa iyo socdaalkaaga imika miyaan la odhan Karin sidii uu gudoomiyuhu doraad mar la waraysanayay uu sheegay faragalinta axsaabta ayaa sabab u ah waxyaalaha dalka ka dhacaya. maanta adigu waxa aad joogtaa golihii wakiilada waana halka uu muranku ka taagan yahay waxaanad sheegtay inaad idinku ajandaha gacanta ku haysaan markaa miyaan la odhan Karin faysaloow adigaa dabada ka riixaya?

    J. xildhibaandu waa xildhibaanadaydii waxaad ogaataa inaan golaha wakiilada ku leenahay afartan iyo sagaal mudane sidaa uu madaxtooyada u og yahay waxa ka socda ayaan anaguna u  ognahay wixii golaha ka socda. anagaa aqlabiyad leh, anagaa hadaanu doono imbiijman keenayna. afartan iyo sagaalku xaq bay  u leeyihiin inay ka footeeyaan, inay anaga nala tashadaana xaq bay u leeyihiin. xisbiguu u fadhiyaa Ninka NB gu inuu siyaasada xisbiga fuliyo ha moodin waxaad ku sheekaysataan ee aad tidhaahdaan waa dhexdhexaad hadii uu jeermaanku dhexdhexaad noqonayo maxay axsaabtu ugu tartamaan.waxay ugu tartamaan waxa  weeyi inuu xisbiga uu raacay uun u shaqeeyo anaga siyaasadayada ayuu ku shaqeeyaa.

    S. gudoomiye warsaxaafadeed uu soo saray gudoomiyaha  wakiiladu  waxa uu sheegay  in amar ka sareeya oo taliyaha ciidanku haysto oo aan shir gudoonku xukumin sideed u

     Aragtaa?

    J,hawsha waa  la kala leeyahay shir guddoonku waxa uu xaq u leeyahay inuu u yeedho booliska oo uu idhaahado ii kaalay nabad galayaan u baahanhee opo uu idhaahado intaasaan u baahanahee ii qabata waxa dheerada ah oo baarlamka dusha lagga keeni karaa majiro  madaxtooyadan madax weynaha leh baarlamanka guddoomaiyaha  maamulka leh

    Waanuu qof kastaaba awoodii uu shir cigu siiyay  uu illaa shadaa

    S.Guddoomiye waxaa jira mooshin la leeyahay  waxa xilka lagaga xayuubinayaa Madaxweynaha markaa dawladu ma la odhan karaa sas ay ka qabto mooshinkaa ayaa ciidamada loo soo dhoobay?

    j.waxa weeyi waxan horta dadkaa la isku bajinayaa hadase wali ma jirto oo ajandahii lama samayn, ajandahii oo maanta laga doodi lahaa dadka warka xun wada ayaa waxan samaynaya qoladan dawladuna wax bay ka fulaysan tahoo hadii  la yidhaa waxbaa soo baxay waxay soo dhoobaysaa ciidamada, markaa qolaba ciidamay leedahoo sidii khamiistii dhawayto oo kale— anagu markaa waxaanu leenahay labada ciidan hala kala ilaaliyo waxan yaan dadka been la iskugu khuukhin waxani waa wixii baryihii dhawayd dagaaladii sokeeye ku dhaceen oo kale oo waxay ahayd waa la yidhi waa la yidhi bay ahayd hadaba wax imbiijman ahi ma jiro ee waxa la samaynayaa ajande waanu ka wada hadalnay oo saaka waanu u sheegnay in wax alaala wax imbiijman ahi aanu jirin. markaa waxa weeyi mashruuc baa la samaysanayaa.

    S. Gudoomiye wuxuu Shirgudoonku sheegay in labadii askari ee boodhigaadhka u ahaa uu taliyuhu ku amray inay istaagaan albaabka laga soo galo Golaha oo ka tagaan xafiiskiisa iyo xaruntiisiiba taasi siday kuula muuqataa?

    J. waxaasi dawladnimo maaha, waa deelqaaf wayn, taliye ciidan oo waxan ku kacana lama arag,taliyaha ciidanku kolb cidii timaada ayaa taliye ciidan uu u  yahay, isagu markaa maaha xubin ka tirsan Mucaaridka markaa waa inuu ku dhaqmaa wixii sharcigu siiyay, ,shaqadiisu waxa weeyi inuu nabad galyaduun ilaaliyo, ninka siyaasiga ah waxaa u caqli wada ninka booliska ah oo odhanaya waxaasi nabadgalyo xumo ayay keenaysaa laakiinse hadii uu  hor ordo awooda oo wixii la yidhaa qababa  uu qabto markaa dalka nabad galyo  xumuu galinayaa waa inuu markaa taliyuhu waxa uu xaq u leeyahay qabtaa oo aanu qaban wax aanu xaq u lahayn

     

    source waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: