SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Faalo ku saabsan waraysi ay VOA la yeelatay Yusuf Boobe

    Posted by Sawnews.tk on March 21, 2010

    ”Boobe wuu mooday oo Halgan kii SNM iyo sheekooyinka Taariikhigaa iska dhex galay”

    Waxaan salaamayaa shaqaalaha bahda warbaahinta Somaliyeed marka xiga waxaan rabaa inaan hadal ka idhaa barnaamijkii Faaqidaada Todobaaka ee Somai VOA ay kaga hadalaysay Xalinta Khilaafaadka waraysigii markii uu Yuusuf Boobe hadlaayay  wuxuu yidhi SNM baa xalisay khilaafaadkii Somaliland.

    Markaa waxaan is idhi  midhaa Boobe wuu mooday oo Halgan kii SNM iyo sheekooyinka Taariikhigaa iska dhex galay eh,  SNM markii ay dalka soo gashay ee ay dhistay  dawlad kumeelgaadha  waxaa bilaabmay colaado sokeeye oo toos reer reer laysku dilay oo wadooyinkii la mari waayay. Hargeisa waxay soo martay xili wiilasha iyo gabdhaha qaangaadh ka ah la qarin jiray oo wiilashana aragti la toogan jiray hablahana la fara xunmayn jiray.  Wakhatiyadaa oo ahaa 1991 -1992 gii guryaha la waardiyeeyo ee madaxdu gasho waxay noqdeen meel la keeno willasha iyo gabdhaha lagala ordaayo dadkan wax laynaaya. wakhtiyadani waxay ahaayeen markii Cabdiraxmaan tuur isaga oo madax weynihhii Somaliland sheeganaya gaadhigii uu watay laga dhacay suuqa Hargeisa isna iska lugeeyay.

    Hadaba siday wax u xallinsmeen??

    Waxay og aadeen aqoonyahan kii iyo siyaasiintii Hargeisa fadhiday  in Gobolka Awdal uu amaankiisu boqolkiiba boqol yahay oo hay’adihii caalamiguna  wada dagan yihiin Boorama oo koranto aan magaalooyinka Somaliland u shidmayn ay u shidan tahay. Taas na sobobteedu ahayd  talada  21 oday oo layidhaa Guurtida goboilka Awdal ay u taliyaan dadka dhulkaas dagan.

    Hadaba waxaa lasameeyay codsi ah waar Gadabuursoow miyaad dadkan walaalihiin ah ee is dhameeyay usoo gurmataan ood sulux ka dhexsamaysaaan?

    Odayaashi way aqbaleen oo intay laba Bas kiraysteen ayay yimaadeen Hargeisa oo odayadii degaanadaas la kulmeen markay arinkii hashiisiin laga dhexsameeyay Hargeisa ayaa hadana la yidhi waar niman yohow daawo ayaad noo noqoteene beelihii Isaaq oo dhan dhexmara oo nabad ka dhexsameeya. dabadeeto waxay u baxeen Berbera oo wadada Hargeisa iyo Berbera oo aan layku marin ayay Basaskoodu ku qorteen GUURTIDA GOBOLKA AWDAL oo jidkii oo boqolaal kontrool ku yaal mid walba laga horqaaday Markay Berbera  tageena heshiisiiyeen  Habaryoonis iyo Ciise Muuse

    hadana waxay tageen Burco oo labadii dhinac ee isku hayay ay isku keeneen oo ay heshiisiiyeen. waxaan Xasuustaa Oday ka mida guurtidaa gurmadka ah, mar uu nooga sheekeyay waxay soo arkeen wuxuu yidhi waxaa jirtay in qoysas ay  Huteelka aan ku dagno ammaaan ahaan ugu soo guurayeen iyagoo caruurtoodii wata oo doonaaya kaliya inay bal mar uun nabad ku seexdaan. waa sheeko ad u naxdin badan marka laga sheekeeyo. Odaygaasi waxa kaloo uu la yaabay kuwo yidhi waligayo manaan filayn inta Gadbuursi noosoo gurmado uu na heshiisiin doono ee waxaan u arki jiraya caday shisheeye.

    Hadaba markii heshiisiintii ay ku guulaysteen ayaa laga codsay in ay Boorama shir kale ku qabtaan oo dhamaan beelaha wada daga Somaliland ay isku yimaadaan oo ay ku heshiiyaan haddii arintaa lagu guulaystona dawlad laga dhiso halkaas

    Odayadi GUURTIDA GOBOLKA AWDAL iyagoo og halka ay dadkoodu ka joogaan dad SNM sheeganaaya oo Boorama yimaad ayay haddana balan qaadeen in lagu shiro Boorama.

    laakiin intaan la isku imaan maxaa dhacay? dad aqoon yahan iyo dhalin yaro oo SDA ah ayaa diidmo sameeyay oo yidhi annagu wax SNM sheegta ma arki karo oo dagaal baan ka xignaa. mid kamida odayaasha Awdal oo qadarin wayn kulaha degaanka dadka ku nool oo la odhan jiray Xaaji Abiibakar Shhekh Cumar ayaa isugu yeedhay intii arinkaas diidanayn oo yidhi adeerayaaloow arinkan waynu kala leenahaye wixii beelo shiraaya kusaabsan annaga noo daaya wixii talo ahna nasiiya. iyagoo qadarinaaya odaygaasi ayay kooxihii mucaaridaayay aqbaleen hadalkiisii. laakiin waxaa sheekadii soo gabagabeeyay Markii shirkii Iskuulaka Sheekh Ali Jawhar laga furay ee Maxamed X. Ibraahim Cigaal yidhi in shirkan i yahay shir beeleed markaa   SNM iyo SDA ay shirka  uga soo qayb galeen iyagoo  xisbiyo ah. Hadakani wuxuu dajiyay dad badan  oo Gadabuursi ah oo cadhaysnaa oo SDA dabada kasoo waday rabayna inay shirka khalkhal galiyaan.

    Hadaba walaalahayga Somali VOA waxaan waydiisanayaa in ay Yusuf Boobe marlabaad waraystaan oo ay waydiiyaan xaladii Somaliland ay ku jirtay sanadihii 1991 -1992 ama ba wixii ka horeeyay shirkii Boorama iyo sidii loo xaliyay colaadihii sokeeye ee Hargeisa, Berbera iyo Borco ka socday. yaase xalliyay.

    waxaa lake oon idiin sheegaya in ay dadkaasi tariikhda kasaaraan sanadahaas ay sida xun isku laayeen oo aadan arkayn nin qudha oo ka sheekaynaaya.

    Waad mahadsan tihiin

    Leave a comment