SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Samaroon Siciid Uma Baahna 300 Oo Aqoonyahan Oo Bilaa Tayo ah Ee Wuxuu u Baahan Yahay 30 Aqoonyahan Oo Tayo Leh By: Farxaan Aadan Warsame

    Posted by Sawnews.tk on April 3, 2010

    Waxaan salamayaa bulshawayta Awdal Salal iyo Gabilay ee gudaha iyo dibadaba waxa kale oon salamayaa aqoonyahanka ka danqaday bulshadooda dulman ee u istagay inay soo dhiciyaan xaqii aay umadani lahayd.

    waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta aqoonyahanka samaroon siciid aay isugu yimadaan minneapolis iyaga oo diyaar u ah inay kahowl galaan dagankii aay udhasheen si aay bulshadooda ugu hiiliyaan waxaan odhankaraa waa iftiin cadceedeed oo usoobaxay bulsho mudo dheer lagu hagayay siyasad mugdiya oo xaqii iyo xuquuqdii aay lahayeen lalunsaday iyagana indhaha iyo afkaba laga xidhay waxaa hubaal ah in maanta aay garab heleen bulshawaynta 3 da gobol ee awdal salal iyo gabilay

    dhaxad maqnayd samatarow ood mar ii imane
    dhaxad mililica dhulkale muruqa siiseene
    dhaxad murti anubahanahay meelkalaw tidhiye
    kamamarmo mantana hadaad ii muraad qumine
    dhaxan madluum kuu ahaa mudane goth oowe
    dhaxan madoobaa xiliga waagu soo mudho e
    dhaxan mareeg ugu xidhnaa miidho iyo boobe
    dhaxaa nin aan igu mitidin madhiyay dhuxaye

    mah maah somaliyeed baa  waxay tidhaah daa hadii ilahay xoolo kula doonayo marka hore ubadkii kuujirilahaa baa kuu dhasha markaa mala odhankaraa manta oo aay isugu yimadeen labada aqoonyahan ee kala ah prof ahmed i samatar iyo  abwaan and aqonyahan bashiir sheekh cumar goth oo fikir ahaan aad ukala fogaa sida aan aniguba dhalinyar badan oo tolka ah aaan ukala fikir gadisanahay waxaa ka dhalan karta guul iyo horumar xaga siyasada ah oo beelwayta 3 gobol aay ku dhaqaaqdo jawaabti waa haaa waa hubaal inuu shirkan kasoo baxayo guul lataban karo oo uhiilin doonta mujahidiinta beesha samaroon siciid ee maroora dilaaca tagnaa labadan aqoonyahan waa hubaal inay yihiin rag warkoodu cad yahay oo aan waxa aay damcaan cidnaba kala gaban waa laba hadii aay is tageersadan soo hooynkara guushii qarniga 21 ee bulsha waynta samaroon siciid

    marhaduu aqoonyahanku kacay guushu way imane
    dhulka ooyayana waxa ka iman geedo ubax wayne
    dhalinyarada eedadaysaa heedhe aarsaniye
    afka hadalka dayaa mar qudha iiham taa guriye
    saylacda agoomowdayba heli asageede

    gabagabadii maqaalkan samaroon siciid uma baahno in loo ururiyo 300 oo aqoonyahan oo bilaa tayo ah ee waxuu ubahan yahay 30 aqoonyahan oo tayo leh intiina waa lahayaa lahelay wayna wada joogan mantaba waxaan guboorinaynaa kaliya in ay waxwalba ka horaysiiyan danta samaroon siciid waayo manta somaliland iyo somaliya midna waxkuma haysano waxaa aniga  iga talo ah 1, qabiil oon waxla qaybsano iyo 100. ooynu waxla qaybsano waxaa inoo roon 1, qabiil ooynu wax laqaybsano ee waxaad kudadashaan qaabkii aaynu wax ula qaybsan lahayn sidadban iyo sitoosa inkasta oon  anigu waxasoo dhanba ka aamin  sanahay in lahelo awdalland oo xor ah waxaan idiinku ducaynaynaa eebe wayne swt dhexdiina khilaaf iyo is fahmi waa haka ilaasho aamiin aamiin aamiin

    by farhan adan warsame
    adwarsam1@yahoo.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: