SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxda Xisbiga Kulmiye Maxay Soo Wadaan

    Posted by Sawnews.tk on May 1, 2010

    Waxan bishan April 28 keedi ka akhristay Jamhuuriya Info maqaal laga qoray Muuse Biixi socdaal u ku tegay magaalada Burco. Muuse dhowr arimood oo u badan hanjabaad iyo faan ayuu ku nuuxnuuxsaday. Muuse Biixi wuxuu qeexay qodobada ay ku glayaan doorshada soo socota: waxba kama jiraan hesheesyadii ay dowlada riyaale la gashay Haydaha madaxabanaan iyo dowladaha aduunka iyo waliba wixii sharciyada lagu maamulo wadanka. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in dad badan oo u ka midyahay u soo halgameen Somaliland oo haddii aynay jirin dadkaasi nabad lagu waareen.
    Wuxuu sheegay in haddii doorashado mar dambe dib u dhacdo doorasho dambe ayna wadanka ka dhicidoonin.

    Haddii an ka faaloodo arimahaas u Muuse Biixi iyo madaxda Kulmiye aaminsanyihiin, waxan u arkaa in ay arimahaasi khatar ku yihiin nabadgalyada ummada iyo dalkaba. Hesheesyada dowladu la gashay ummadaha kale haddii ay dan u yihiin ummada iyo dalkaba ma arko wax lagu baabiyo. Muuse Biixi waxay ahayd in u ka hadlo waxa u doorashada ku galayo iyo sida wax u uga qabanaayo wax yaabaha inagu soo waajahan. Maaha in u had iyo jeerba lagu tasbiixsado Mujaahidiinbaan nahay. Arimaha u Muuse ku hadaaqaayo maaha arimuhu dan u ah Somaliland ee arimu hurindoona colaada.

    Waxaan ayaamahan danmbe akhrisanaayey in Madaxda Xisbiga Kulmiye ay ku tala jiraan in ay abuuraan jawi colaadeed si ay Somaliland u baaba’do oo ay fursad u helaan sidii Somaliland uga mid noqon lahayd Somaliweyn. Waxa la karan laayahay wax u diiday Madaxda Kulmiye in ay si nabad galyo iyo degenaan ku dhisan wax ku raadiyaan.

    Wararka ku saabsan ajandaha Madaxda Kulmiye iyo siyaasdooda qarsoon ee ku quran wargaysyada iyo joornaalada waxay u baahntahay in laga fiirsado arimahaas oo u qof walba codkiisa ka fiirsado. Arimahaas qarsoon waxa u daliila qodobada u Mr. Biixi ku dhawaaqay markii u ololaha ku tegay Jaamacada Burco. Waxa ka mid ahaa waxyabaha u ka hadlday odhaahdan an ka soo qaaday Jamhuuriya:

    “Waxa aanu lee nahay, intan uu wakhtigiisu dham maaday, (madaxweyne Rayaale), intaas oo heshiis ayuu galay maalin walba wasiir ayaa la magacaabaa, waxaasi waxay u eegtahay meel ka dhac oo maamulka dowladnimo ayay meel ka dhac ku tahay, mid kaliya ayaan ku soo koobayaa heshiis yada caalamiga ah ee la galay mudadaas, haddii aanay ansixin golayaasha sharciga ahi waxba kama jirayaan, dowlada soo socotana ma qabanayo sharcigaasi, waayo wakhtigiisa ayaa dhamaaday oo sharci kumuu fadhiyin, markaa waxa wanaagsan in la dhowro maamulka iyo sharciyada iyo siday dowladu u dhaqanto.”

    Haddii u la socdu siyaasadaha aduunwaynaha Mr. Biixi muuna ogayn in Kolba xisbiga xukunka hayi u la xaajoodo dowladaha shisheeye isla markaana xisbi yada mucaaridku ay la noqon karaan heshiishu badan oo xisbigii hore la galay dowladaha shisheeye iyo in xisbi kasta oo aqlibiyada heli uu dhisan karo dowlidiisa oo u badali karo xubnaha dowlada. Waxan ku waaninayaa Mr. Biixi sug waqtigaaga. Markaas ayaan garan karnaa halga aad noo wado iyo ujeedadaadaba.

    Waxan la yaabay gaadhiga Jaamicada Burco la siiyey ee lagu tilmaamay waxtarka iyo horwomarka Kulmiye ka gaysto wadanka. Wali lama hayo wax lagu tilmmamo horowmar oo Kulmiye u soo qabtay wadanka oo an ahayn mu’aamardo iyo mudaaharaado lagu dhinto. Gaadhiga dushiisa sare lagu xardhay “ Waxa gaadhigan Jaamacadda Burco ugu deeqay xisbiga Kulmiye”. Waxay ku qurux badnayd in ay ku quraan “Gaadhigani waa Makarafoonka Kulmiye.” Nimanka ajandahogu yahay in ay masaxaan wixii wadanka iyo ummada lagu dhiqi lahaa ee raba in ay la yimaadaan sharciyo cusub iyo heshiisyo cusub waxay la midtahay AFGAMBI (REVOLUTION).

    Mohamed Mousa
    Ottawa, Canada

    Email: mmousa@rogers.com

    Leave a comment