SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Tartankii Quraanka Kariimka Ah ee Boorama Ee Bisha Ramadaan Oo Maanta Lasoo Gabagabeeyay ( Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on September 5, 2009

    boorama-tartankii-qurkaanka-kariimka-ee-2009-1.JPG

     Boorama-(Sawnews)-Tartankii quraanka kariimka ah ee bisha ramadaan ee sanadkan 2009 ayaa manta lagu soo gabagabeeyay masaajidka Wayn ee Jaamaca Qadiimka ah ee magaalada Boorama.  Xaflada gabagabaynta tartankan oo ay ka soo qayb galeen Maamulaha Dahabshiil Boorama Md. Riiraasha oo isagu gacan wayn ka gaystay qabsoomida tartankan, dadwayne aad u tiro badan, suxufiyiin, odayaal salaadiin iyo culamaa’u diin kale ayaa waxa ay ahayd mid qabsoontay galinkii dambe ee maanta.
    sh-axmed-sh-jibriil.JPG

    Munaasabadan ayaa ugu horayntii waxa ka hadlay Sh. Axmed Sh. Jibriil oo isagu ahaa madaxii taretankan mudadii uu socday waxana uu ka warbixiyay marxaladihii dheeraa ee uu soo maray, sh. Axmed isaga oo arimahan ka hadlaya waxa uu yidhi ” Tartankan waxa isku diiwaan galiyay 128 qof oo ka kala socday madarsadaha kala duwan ee magaalada, wareegii koowaad ee tartanka oo qabsoomayay bishii Shabcaan ee ina dhaaftay waxa ka soo baxay 36 qof oo ay 19 wiilal yihiin 17na ay gabsho yihiin. Waxa ay ku tartameen bishii ramadaan gudaheedii sedex qaybood oo qur’aanka kariimka ah ah oo kala ah 10 jiz 20 jiz iyo 30 jiz. Waxa ku guulaystay 18 qof oo kaalintiiba aan ka soo xulnay 3dii qof ee u sareeyay. Waxa an kula dardaarmayaa inta maanta fursada u heshay in ay guulaysato in ay xafidaan Quraanka kariimka ah ee ay ku guulaysteen, waxa kale oo aan waalidka u sheegayaa in ay maanta guul joogaan caruurtoodan ku guulaysatay tartanka loona baahan yahay in ay qoraan caruunta kale iyaga oo niyada ku haya in ay guul if iyo mid aakhiro ahba soo hooyaan.
    sh-cali-aadan.JPG
    Sh. Cali Aadan oo isaguna madashan ka hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada uu quraanku leeyahay iyo sida ay aayadoi badan iyo axaadiis badan oo saxeex ahi uga soo arooreen qiimayntiisa, waxa uu sheekhu ku buuriyay bulshada oo dhan in ay ka qayb qaadato tartankan loona arko in uu yahay midka ugu mudaanta leh wax lagu tartamo. Sh. Cali Aadan waxakale oo uu aad ugu mahad naqay inta ka qayb qaadatay bixinta lacagta tartankan lagu waday, waxana uu xusay in ay dadkaasi liibaan shaqayteen ayna tahay mid uu eebe u laba laabayo dadaalkooda ay ku bixiyeen xoolahooda quraanka kariimka ah. Sh. Cali aadan waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in bulshadu ay dhinac uga soo wada Jeesato qiimaynta iyo koryeelida Quraanka kariimka ah ee koreeya.
    x-axmed-miisaan.JPG
    X. Axmed Miisaan Aare oo isagunaka hadlay madashan ayaa si wayn ugu mahadnaqay inta ka qayb qaadatay inta xoolahooda ku bixisay iyo inta isku soo agaasintay tartankan, waxa kale oo uu X. Axmed ka waramay in uu ku faraxsan yahay in maanta eebeku simay Boorama oo 100laal dhalinyaro ah ay heegan u yihiin sidii Quraanka ay u koryeeli lahaayeen.
    sul-dhawal.JPG
    Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isaguna mudaasibadan hadal qiimo leh ku soo gabagabeeyay ayaa yidhi ” waxa aan aad uga damqanayaa in bulshadeena ay maanta dhex socdaan 100laal macalin oo xumaanta fidiya oo uu Video-gu kaw ka yahay waxase aan la iloobi Karin in kumanaanka qof ee maanta I hor fadhiya ee dhalinyarada ahi ay ii muujinayaan yididiilo ah in aanay wali bulshadaydu dhiman. Waxa an ka dardaarmayaa in waqtiga lagu lumiyo macalin aanan munaasib ahayn, waxa kale oo aan u sheegayaa madaarista khayrka lagu barto inta ka masuulka ah in ay karaameeyaan inta maanta ku guulaysatay tartankan. Sul. Dhawal waxa kale oo uu si kulul u canaantay bulshada reer Boorama waxana uu yidhi ” waxa hubaal ah in ay daal iyo kadeed tahay qaabka loo soo uuriyo lacagta tartankan, ma aha mid loo baahan yahay taasi, magaalooyinka jaarkeena waxa jira shaqsiyaad iyagu bixiya 10 kun ama 20 kun oo Dolar oo halmar lagu wado tartanka, waxa an tartankan kiisa xiga idinka rajaynayaa in aad si xoogan uga qayb qaadataan sidii tartankan wax loogu bixin lahaa hadii Alle idmo.
    boorama-tartankii-qurkaanka-kariimka-ee-2009-2.JPG
    Tatankan oo ahaa kii Afaraad ee Quraanka kariimka ah ee lagu qabto magaalada Boorama ayaa waxa jaa’isado lagu gudoonsiiyay 36 qof oo kala duwan oo la gudoonsiiyay abaalmarino lacag ah oo u dhaxeeya 600 oo doolar ilaa 100 doolar oo uu dheer yahay nuqul kitaabka quraanka kariimka ah.
    boorama-tartankii-qurkaanka-kariimka-ee-2009-3.JPG

    boorama-tartankii-qurkaanka-kariimka-ee-2009-4.JPG

    boorama-tartankii-qurkaanka-kariimka-ee-2009-5.JPG

     

    boorama-tartankii-qurkaanka-kariimka-ee-2009-6.JPG

    boorama-tartankii-qurkaanka-kariimka-ee-2009-7.JPG

    boorama-tartankii-qurkaanka-kariimka-ee-2009-8.JPG

    30ka Jiz
    boorama-tartanka-quraanka.JPG
    Kaalinta Koowaad: Cabdilaahi Shide Cawaale

    boorama-tartanka-quraanka-1.JPG
    Kaalinta Labaad: Cabdiraxmaan Muumin Xasan
    boorama-tartanka-quraanka-3.JPG
    Kaalinta Sedexaad: Mustafe Maxamed Muxumed

    20ka Jiz

    boorama-tartanka-quraanka-4.JPG
    Kaalinta Koowaad: Xasan Cabdi Maxamed
    boorama-tartanka-quraanka-5.JPG
    Kaalinta Labaad: Abdilaahi Yaasiin Cabdiraxmaan
    boorama-tartanka-quraanka-6.JPG
    Kaalinta Sedexaad: Cabdiraxmaan Maxamed Muuse

    10ka Jiz
    boorama-tartanka-quraanka-7.JPG
    Kaalinta Koowaad: Xuseen Carab Maxamed
    boorama-tartanka-quraanka-8.JPG
    Kaalinta Labaad: Cabdicasiis Maxamuud Jamac
    boorama-tartanka-quraanka-9.JPG
    Kaalinta Sedexaad: Cabdilaahi Sh. Xasan Ugaas

    Dhinaca Gabdhaha:

    30Jiz
    1aad:  Xaliimo Maxamed cali
    1aad:  Umalkhayr Daahir Muumin
    2aad:  Safiya Cabdi Xasan

    20ka Jiz
    1aad: Raxman Maxamed Jama
    2aad: Hodan Abdi Suldaan
    3aad: Xafsa Cabdilaahi Cabdi

    10ka Jiz:
    1aad: Ruqiya Daahir Axmed
    2aad: Aasiya Axmed Xuseen
    3aad: Naadiya Cali Haybe

    Wariye:-
    Cabdale Cali Yuusuf

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: