SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Axmed Maxamed Xaaji Bidaar Oo ahaa Xubintii Komishanka Doorashooyinka Somaliland laga Saaray oo Ku Geeriyooday Hargeysa

    Posted by Sawnews.tk on September 1, 2009

    bidaarHargeysa(Sawnews)- Alle Ha u naxariistii saaka magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum- Axmed Maxamed Xaaji Bidaar, oo ahaa xubintii Komishanka doorashooyinka ee dhawaan Golaha Wakiilada Somaliland ay kala noqdeen kalsoonidii ka dib markii xubnihii kale ee Komishanku ku eedeeyeen inaanu la shaqayn karin.

    Illaahay ha u naxariistee Axmed Maxamed Xaaji Bidaar, waxa saaka wadnuhu ku istaagay Magaalada Hargeysa, waxaana galabta lagu aasi doonaa Magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay kaga qeyb gali doonaan madax ka kala socota sadexda xisbi qaran, sadexda gole qaran iyo boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha reer Hargeysa.

    Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE  Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland oo uu uga tacsiyadeeyay geerida Marxuum-Axmed Bidaar.

    Dhambaalka Tacsida ah ee Guddoomiyaha KULMIYE waxay u qornayd sidan:

    “Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Axmed Mohamed Silanyo isagoo ku hadlaaya magaca  Xisbiga Kulmiye guud ahaan iyo magaciisaba , waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Marxuum Axmed Maxamed X.Bidaar, oo maanta ku geeiyooday magaalada Haregisa. Ilaahayna waxa uu uga baryayaa inuu jannadii fardawsa ka waraabiyo.

    INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN”

    Marxuum Axmed Maxamed Xaaji wuxuu ahaa xubintii xisbiga UCID u soo xulay Komishanka doorashooyinka Somaliland hase ahaatee waxay is khilaafeen xubnaha Hoggaanka komishanka oo uu ku eedeyn jiray musuq maasuq iyo wax is dabo marin.

     

    Ramaasnews Desk

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: