SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Warar Sheegaya in Madaxweyne Rayaale Is-casilayo iyo Walaaca ka Dhashay

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    riyaale2Hargeysa (Sawnews) Warar la isla dhexmarayo oo ilaa xalay isa soo tarayay ayaa sheegaya in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin uu iscasilayo, arrintaana waxa ka dhashay walaac ay dadka qaarkood durba ka muujinayaan.

    Arrinta iscasilaada Madaxweynaha ayaa soo baxday markii sida la sheegay ay talo ahaan ugu soo jeediyeen dad kala duwan oo isugu jira waxgaradka reer Somaliland gaar ahaana Beesha uu ka dhashay Madaxweynuhu kuwaasoo kula taliyay marka la eego marxaladda siyaasadeed ee adag ee lagu jiro inay haboon tahay inuu iscasilo, maadaama uu sii adkaanayo muranka iyo ismari waaga siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Mucaaridka taasoo dalka u horseedi karta qalalaase siyaasadeed iyo xasilooni daro dhinaca amaanka ah.

    Sida la sheegay markii taladaa ay u gudbiyeen Madaxweynaha dadkaasi waxa la sheegay inuu ka biyo diiday isagoo kaga jawaabay sida la sheegay inaanay wakhtigan munaasib ku ahayn balse loo baahan yahay in xal siyaasadeed oo kale lala yimaado, waxaanay arrintani noqotay mid loo tala badsanayo sidii ay xukuumada iyo Xisbiga UDUB ka yeeli lahaayeen taasoo sida ay wararku sheegeen shalay ilaa xalay kulamo ay u socdeen   xubno muhiim ah oo ka tirsan Golaha Wasiiradda iyo madaxda Xisbiga UDUB balse wax war ah oo rasmi ah aan laga hayn.

    Dhinaca kalena dadweynaha reer Somaliland ayaa markii ay maqleen warkan durba ay qaarkood walaac badan ka muujiyeen arrintan iyagoo iska weydiiyay su’aalo badan sida ay arrintani ugu haboon tahay marxaladan lagu jiro oo ay qaarkood u arkeen inaanay ku haboonayn maadaama uu dalku u baahan yahay in marxaladan laga gudbiyo Madaxweynuhuna uu qabto Doorasho haddii laga guulaysto uu xilka ku wareejiyo, isla markaana ay jiraan cadwyo badan oo ka faa’iidaysan kara haddii uu dalku galo fawdo dadka aragtidan qaba ayaa u badan dadka mucaaridka ah ama taageerayaashooda oo markii hore ku adkaysanayay inuu Madaxweynuhu Xafiiska soo dhaafo kuwaasoo ay u muuqatay khatarta ay arrintani leedahay

    Waxa kale oo jira dad kale oo qaba aragti taa ka duwan oo ah in talaabadani ay tahay mid haboon maadaama ay mucaaridku mawqif adag ilaa hada taagan yihiin taasoo noqon karta xal dalka badbaadisa Madaxweynahana ay u noqon doonto mid sumcadiisa sare u qaada taariikhdana uu ku galo

    Arrintan Waxa Xalay la isugu Dirayey Messages la isugu sheegayo Warkan, su’aalana la iska weydiinayo

    Waaheen.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: