SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Taliyaha Booliska oo Beeniyey in Madaxweyne Rayaale Amray Soo Qabashada Abiib Timacade

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    saqadhi Hargeysa(Sawnews)-Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Mudane Maxamed Saqadhi Dubad, ayaa beeniyay in Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, amar ku siiyay inuu soo xidho Md. Abiib Diiriye Nuur (Timacad), oo ka tirsan xisbiga KULMIYE.

    Mudane Abiib Timacad, oo habeen hore u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sheegay in Madaxweyne Rayaale, taliyihii ciidanka Booliska Md. Maxamed Saqadhi Dubad ku amray inuu xidho, “Rayaale ayaa Ina Saqadhi [Taliyaha Booliska] ku amray in lay soo xidho.” Ayuu yidhi Abiib Diiriye Nuur.

    Hase yeeshe taliyaha ciidanka Booliska Md. Maxamed Saqadhi Dubad, oo uu Geeska Afrika, xalay wax ka weydiiyay eedaynta Md. Abiib, ayaa si kooban u beeniyay in Madaxweyne Rayaale amar ku siiyay inuu soo xidho, “Waa been weeye oo waxba kama jiraan.” Ayuu yidhi Taliyaha ciicdanka Boolisku, waxaanu intaas raaciyay, “Waxba kama jiraan, wax la igu amray oo la ii sheegay ma jiraan.”

    Taliyaha Ciidanka Booliska, oo la weydiiyay bal sababta uu u malaynayo inay Abiib ku keliftay inuu sheego war aan jirin, waxa uu yidhi, “Taas ayaad I weydiisay ee waxba kama jiraan, waana been”

    Taliye Maxamed Saqadhi Dubad, oo Saxaafada isku dayday inuu sii weydiiyaan su’aalo kale oo la xidhiidha arrintan, ayaanay u suurogelin weydey.
    BNN

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: