SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Markabkii Ku Shufbeelay Dekadda Berbera Oo Shaqaalihiisii Xabsiga loo taxaabay.

    Posted by Sawnews.tk on September 1, 2009

    berbera shipHargeysa(Sawnews)- Wararka ka imanaya magaalada Berbera , ayaa sheegaya in Markabkii xalay dabku qabsaday meel ku taala duleedka dekada Berbera, uu khasaare weyni soo gaadhay oo ay ku baaba’een hantidii saarnayd oo u badnayd Gaadiid iyo Bagaash kala duwan oo u raranaa Ganacsatada Somaliland.

    Markabkan oo la yidhaahdo MC-Maryan Star, wuxuu ka soo kicitimay dalka isku taga imaaraadka carabta, waxaana la sheegay in markii uu qarka u saarnaa inuu ku soo xidho marsada Berbera uu shoodh qabsaday, waxaana xalay oo dhan ka socday dekada Berbera gurmad la doonayay in lagu bakhtiiyo oo ay xil  weyn iska saareen maamulka, iyo hawl wadeenada dekada Berbera, hase yeeshee sida uu ku soo waramayaan suxufiyiinta ku sugan magaalo xeebeeda Berbera, waxa khasaare laxaad lihi uu soo gaadhay markabkaasi iyo hantidii saarnaydba waxaanay wararku intaasi ku darayaan in markabkaasi uu qarka u saaran yahay inuu shuf beelo.

    Dadweynaha ku dhaqan magaalada Berbera, ayaa illaa xalay aad u hadal hayay wararka markabkan, waxaanay aad uga xumnaadeen khasaaraha soo gaadhay ganacsatada Somaliland ee hantidoodu saarnayd markabkan.

    Ma jiro war rasmi ah oo wali ka soo baxay maamulka dekada Berbera oo la xidhiidha hantida markabkan saaran qiimaheeda, hase ahaatee waxa la filayaa inay ka hadlaan saacadaha fooda inagu soo haya.

    Sidoo kale, waxa socota baadhis la xidhiidha asbaabihii dhaliyay dabka qabsaday Markabkan oo loo badinayo in shoodh ka dhashay gudaha markabka.

     Dhinaca kale, 12 qof oo ah shaqaalihii markabka dabka ku shuf beelay oo uu ku jiray kabtankii markabku ayaa maanta lagu Xidhay laba saldhig oo ku kala yaala magaaladda Barbara, waxaana maamulka dekadu ku eedeeyay inay carqalad ku noqdeen gurmadkii lagu  badbaadin lahaa markabkaasi.

    Markabkan waxaa laga dajiyay Saddex iyo lixdan baabuur iyo qadar yar oo bagaasha oo kamid alaabtii saarnayd. Waxaana  halkaasi ku baaba’ay hanti aad u badan   oo markabka saarnayd.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: