SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Labada Xisbi Mucaarad oo Baaq wada jir ah u Jeediyey Bulshada Caalamka

    Posted by Sawnews.tk on September 16, 2009

    kulmiye ucidHargeysa (Sawnews)- Labada Xisbi Mucaaradka KULMIYE iyo UCID ayaa baaq wada jir ah u diray Bulshada Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland

    Warsaxafadeedkan oo uu ku saxeexan yihin labada Gudoomiye ee Xisbiyada KULMIYE Md Axmed Siilaanyo iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Dadka daneeya Somaliland iyo Saaxiibada somaliland inay dadajiyaan Dadaalkooda oo ay labin laaban si xal loo helayo, waxayna ku sheegayn warasaxafadeedkooda in Dhamaadka Bishan uu xilku ka dhamaanayo Madaxweyne Rayaale iyo Kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

    Warsaxaafadeedka Mucaaradka ayaa u dhignaa Sidan.

    “Iyadoo la tix-gelinayo duruufaha adag ee dalka ka taagan, isla markaana ay  soo dhawdahay  mudadii loo cayimay inay  doorashadu qabsoonto, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana xilku kage e’g yahay inay talada hayaan.

    Labada  Xisbi Mucaarid ee UCID iyo KULMIYE waxay si mug leh u soo dhawaynayaan dhammaan dadaalada loogu jiro xal u helida khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, kuwaas oo ka socda gude iyo dibedba.

    Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay ugu baaqayaan dadka reer Somaliland ee ku  hawlan xal-u-helidda khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo dadka daneeya Somaliland nabadeeda iyo jiritaankeeda ee bulshada Caalamka, siiba saaxiibada Somaliland (Friends of Somaliland) inay dedejiyaan laban-laabaanna dedaalkooda.”

    Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE 
    Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

     Gudoomiyaha Xisbiga UCID

     Eng. Faysal Cali Waraabe

    Hargeysa (Bnn)- Labada Xisbi Mucaaradka KULMIYE iyo UCID ayaa baaq wada jir ah u diray Bulshada Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland

    Warsaxafadeedkan oo uu ku saxeexan yihin labada Gudoomiye ee Xisbiyada KULMIYE Md Axmed Siilaanyo iyo UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay Dadka daneeya Somaliland iyo Saaxiibada somaliland inay dadajiyaan Dadaalkooda oo ay labin laaban si xal loo helayo, waxayna ku sheegayn warasaxafadeedkooda in Dhamaadka Bishan uu xilku ka dhamaanayo Madaxweyne Rayaale iyo Kuxigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

    Warsaxaafadeedka Mucaaradka ayaa u dhignaa Sidan.

    “Iyadoo la tix-gelinayo duruufaha adag ee dalka ka taagan, isla markaana ay  soo dhawdahay  mudadii loo cayimay inay  doorashadu qabsoonto, Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisana xilku kage e’g yahay inay talada hayaan.

    Labada  Xisbi Mucaarid ee UCID iyo KULMIYE waxay si mug leh u soo dhawaynayaan dhammaan dadaalada loogu jiro xal u helida khilaafka siyaasadeed ee dalka ka jira, kuwaas oo ka socda gude iyo dibedba.

    Labada Xisbi ee UCID iyo KULMIYE waxay ugu baaqayaan dadka reer Somaliland ee ku  hawlan xal-u-helidda khilaafaadka siyaasadeed ee taagan iyo dadka daneeya Somaliland nabadeeda iyo jiritaankeeda ee bulshada Caalamka, siiba saaxiibada Somaliland (Friends of Somaliland) inay dedejiyaan laban-laabaanna dedaalkooda.”

    Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE 
    Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo

     Gudoomiyaha Xisbiga UCID

     Eng. Faysal Cali Waraabe

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: