SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland Maxaa Ka Soo Baxay?

    Posted by Sawnews.tk on September 6, 2009

    golaha-150x150Hargeysa(Sawnews)  Fadhigii Golaha Wakiilada Somaliland ee maanta oo la filayay in la Taliyaha sharciga ee Aqalkaasi uu ka soo tallo bixiyo inay sharciyada iyo xeer-hoosaadka golaha waafaqsan yihiin labadii mooshin ee shalay Golaha la horkeenay ee kala ahaa Maamuus ka xayuubinta Madaxweyne Rayaale iyo Ku Xigeenkiisa iyo mooshinka labaad oo ahaa wax ka bedelka Xeer Hoosaadka Wakiilada si ay isugu dayaan in xilka laga qaado shir-gudoonka.

    Fadhigii maanta ayaa baaqday ka dib Markii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) uu Mudaneyaasha ku wargeliyay in aan wali la taliyeyaasha sharcigu aanay soo gudbin tallo bixintoodii ku wajahnayd labadan mooshin, sidaasi darteed wuxuu Xildhibaanada ku wargeliyay in maanta Fadhigu xidhan yahay.

    Olaleyaasha Socda

    Waxa saaka Mudaneyaasha Golaha Wakiiladu ka dhex socday olale balaadhan oo dhinac kastaa taageero balaadhan u raadinayo mooshinka uu wato, waxaanay Mudaneyaashu u kala faqayeen koox-koox. Waxaana labada dhinac ee mucaaridka iyo muxaafidkuba ay olale ugu jiraan in la soo horeysiiyo Mooshinka ay wataan.

    Mudaneyaasha mucaaridka ee isbahaysiga KULMIYE iyo UCID waxay dedaal ugu jiraan in la horeysiiyo mooshinka maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha ee ay golaha horkeeneen waxaanay ku adkaysanayaan in ay yihiin aqlabiyada Golaha.

    Xildhibaanada muxaafidka ah ayaa iyaguna sheeganaya in ay yihiin aqlabiyad waxaanay qabaan in Xildhibaano badan oo mucaarid ahi ay ku soo biiri doonaan fadhiyada soo socda, oo ay ka noqon doonaan wax ay ugu yeedheen mooshinka inqilaabka ah ee Golaha la horkeenay.

     

    Muuqaalkii Golaha Dibadiisa

    Waxa Golaha saaka waabarigii la dhigay ciidan Boolis ah oo aad u badan kuwaas oo ay diyaar u yihiin Gaadiidka lagu qaado maxaabiista. Waxaanay ciidankaasi xidheen dhamaan wadooyinka ku gadaaman Golaha Wakiilada, halka ay Saxaafada dalkana intoodii badnayd u diideen inay galaan gudaha.

    Ciidankaasi waxay dhoobnaayeen illaa agagaarka Cisbitaalka guud ee Hargeysa, waxaanay dadka iyo gaadiidkaba ka celinayeen Jidkaasi oo xidhnaa. Waxaanay xildhibaanada laftooda ay weydiinayeen aqoonsigoodii

    Dadweynihii Ka dhursugayay Fadhiga

    Boqolaal dadweyne ah oo u badan dhalinyaro iyo Haween ayaa iyaguna dhoobnaa agagaarka wadooyinka Golaha ku dhow, waxaanay ka dhursugayeen natiijada fadhigan oo ay u qabeen in isla maantaba loo gacan taagayo maamuus ka xayuubinta Madaxweyne Rayaale iyo Ku Xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin.

    Dhalinyaradaasi oo ay ka dhex muuqdeen qaar ka mid ah taageereyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee caanka ah, waxay mar mar isku dhacayeen ciidanka Booliska ee halkaa joogay oo isku dayay inay shacbiga iska fogeeyaan oo aanay ku soo dhawaan.

     

    Hargeisa

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: