SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Natiijadii Imtixaanaadka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe ee dalka.

    Posted by Sawnews.tk on September 11, 2009

    imtixaanka natiijoimtaxaan shahaadiHargeysa(Sawnews) – Xafiiska Imtixaanaadka Guud ee Qaranka ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey natiijadii imtixaanaadka shahaadiga ee sanad dugsiyeedka 2008/2009 ee dugsiyada sare iyo dhexe ee Somaliland.

    Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Guud Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ka warbixiyey sida imtixaanaadka ardayda u fadhiisatay sanad dugsiyeedkan iyo natiijadii ka soo baxday, dadaalka ay muujiyeen ardaydu iyo dhibaatooynka la soo darsay sanadkan imtixaanaadka oo uu sheegay inaanay caqabado waaweyni ka hor iman islamarkaana jawgii imtixaanaadku si fiican ay ugu dhamaata.

    Waxaanu sheegay oo kale nay sanad dusyeedkani ka duwanaa kuwii hore lana odhan karo guulweyn oo dadaal ku timid inay dhacday xaga ardayda, macalimiinta iyo maamulka.

     

    Wasiirka wasaarada waxbarashada Xasan X Maxamuud Warsame (Xasan Gadh-weyne} oo xaflada qudbad ka jeediyey ayaa ku dhawaaqay tirada ardayda u fadhiisatay imticxaanka ee dugsiyada sare/dhexe iyo natiijadii Sanad dugsiyaadkan ka soo baxday.

     

    Wasiirku waxa uu sheegay in sanad dugsiyeedkani aad uga duwanaa sanadkii hore isla markaana waxbarashadii sanad dugsiyeedkan marka loo eego sanadkii hore ay aad u kala duwan yihiin oo horumar sanad dugsiyeedkan gaadhay, taas oo uu sheegay inay ku timid dadaalka ardayda, macalimiinta iyo maamulka.

     

    Xaflad loo sameeyay ku dhawaaqdida natiijada sanad dugsiyeedkan oo lagu qabtay xarunta Imtixaanaadka Guud ee Qaranka ayaa ugu horay waxa halkaas hadal kooban ka jeediyey Gudoomiyaha xafiiska Imtixaanaadka Guud Daa’uud Maxamed Faraax, waxanu hadalkiisa ku bilaabay “Soo saarista natiijadii sanad dugsiyeedkii 2009/2009 ee dusiyada sare ee dalka iyo kuwa dhexe-ba ah.

     

    Marka xaga dugsiga sare laga tiriyo wuxuu noqonayaa sanadkii tobnaad ee Somaliland ay qado Imtixaan dugsi sare ah, xaga dugsiyada dhexe marka laga tiriyana wuxuu noqonayaa sanadkii afar iyo tobnaad, oo dugsiyada dhexe ayaa horeeyay.

     

    Sidaa awgeed iyada oo aan faahfaahinta iyo wixii talo iyo tusaale-ba ah wasiirka ku wareejin doono.

     

    Sanadkan imtixaanaadku way ka duwanaayeen sanadadii hore sababta oo ah sanadkan wuxuu imtixaanku ka koobnaa oo ardayda imtixaanka ku galeen doorashadii maadooyinka oo ay iyagu sameeyeen oo sanadkan hirgashay sida arday waliba maadadu doorto inuu imtixaanka ku galo, oo ah Saynis iyo Arts.

     

    Waxa kale oo u kaga duwanaa sanadkan sanadadii hore tirada oo aad moodo inay aad iyo aad u kortay runrtii siiba walibadugsiyada dhexe ayaa iyadana aad iyo aad aanu ula yaaban oo sanadkan korodhsiimadoodu aad u fara badnayd, waxa kale oo aan runtii jeclahay inaan ka dhawaajiyo in ay iskuulo fara badanina sanadkan ku soo biireen oo xataa iskuulada gaar loo leeyahayna oo aan hore ula gali jirin imtixaanka sanadkan wasaarada ku soo xidhmeen”sidaas ayuu yidhi, waxana uu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu sanadkan ad ugu faraxasanahay guud ahaanba dalka oo wasiirkana an u sheego oo maamulayaashuna runtii maqlaan in maadooyinka qaar oo aad loogu liidan jiray dusiyada sare sida Saynisiska inay sanadkan aad uga muujiyeen dadaal aad u fiican oo marka la eego xaga horumarka ay sameeyeen oo markiskoodu uu fiican yahay oo matalan Sayniska oo kale iyo xisaabta oo kale horumarka sameeyeen marka loo eego sanadkii hore” ayuu yidhi Daa’uud.

     

    “wixii indhiteel ah ee in la yeedhiyo tobanka arday ee ugu sareeya dugsiyada sare iyo shanta ugu sareeya gabdhaha iyo iskuulka Sos oo ah isagu ka ugu wada sareeya marka la eego Somaliland, waana iskuul Regional ah aad iyo aadna runtii tayadiisa ardaydoodu u dhisan tahay.

    Waxa kale oo aan jeclahay dhibaatooyinka sanadkan ugu waaweynaa ee sanadkan naga hor yimid waxa weeyi imtixaanaadka haddii dhibi ku timaado matalan oo la yidhaahdo arday aan xariif ahayn baa dhici karta inuu meel fiican ka soo baxo, dhibta kaliya ee aanu mtixaanaadka kala kulanay waxa weeyi wakhtiga imtixaanaadka adeegsiga Mobile-da oo dhib weyn imtixaanaadka runtii ku haya oo aan jecelahay in kolay arrintaasi noqoto arrin qaranka u taala waayo waxa weeyi markaad ka ururisidna waxaad arkaysaa Supervisor 150 mobile qaadaya wuu ku kala lumayaa boqol iyo kontonkii mobileba isagaa loo haystaa markaa si alla si arrintaa loo xaliyo iyaduna dhibkeeda ayay leedahay waxyaalihii naga hor yimid, si fiican buu sanadkan imtixaanku noogu dhamaatay.

     

    Waxa kale oo iyaduna jirta arday laga baa’biiyey imtixaanaadka oo iskuulada iyo maamulayaashu ogaa arki doona runtii tiradooda dugsiyada sare sanadkan way yaraayeen waxaan jeclahay ilaa sideed arday inay ahaayeen kuwa laga baa’biiyey, waxa lagaga baabiiyeyna waxay ahayd waa arday, waa u gelis oo ama gaadh arday kale foojari ku sameeyay iwm iyo ardaygii oo xataa ardaygan caadiga ah kaadhkiisii iskaga fadhiista ayaa iyaduna jirtay kuwaana waa laga baa’biiyey.”ayuu yidhi Daa’uud Axmed Faarax

     

    Waxanu gudoomiyaha imtixaanaadku seegay in sanadkan ardaydu daaal dheeraad ah sameeyeen ayna guulu tahay dugsiyada Somaliland sanadkan iyo dugsiyada gaarka loo leeyahayba.

     

    Intaa ka dib waxa xafladan qudbad ka jeediyey ku saabsan natiijada imtixaanadka Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xasan X Maxamuud Warsame (Xasan-Gadh-weyne) oo ka hadlay natiijada imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee sanad dugsiyeedka, waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “maanta waxaanu si rasmiya ugu dhawaaqynaa imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare, dhexe ee natiijadiisii ka soo baxaday imtixaanaadkii loo fadhiistay sanad dugsiyeedka 2008/2009 oo dhamaystirmay sixitaankiisii inaanu si rasiya uga sii dayno halkan anaga oo u sii marinayna warbaahinta dalka ee kala duwan” ayuu yidhi Xasan Gadh-waye, waxanu intaas ku sii daray “haddii ay tahay ardayda dugsiyada sare u fadhiisatay oo tiradoodu ahayd 3174, waxa gudbay oo baas-gareeyay 3000 arday, waxa dhacay ama ka maqnaa 174 waxaad arkaysaa markaa 94.5% inay baas-gareeyeen. Waxa guushu tahay waxa weeyi markaad u eegto ardayda dugsiga sare sanadkii hore inta A. ka keentay waxa weeye 112 baa sanadkii hore ama halka sanadkan 304 ay A. keeneen, ardayda dugsiyada dhexe oo iyaguna ad u badnaa 8142 ayaa imtixaanka u fadhiistay waxaana gudubtay 7402 halkii sanadkii hore ay uga fadhiisteen lix kun iyo dheeraad” sidaas ayuu yidhi, waxana intaas ku daray “Wasaarada waxa gacan ku haya oo gacan weyn ku siiya oo halkan mahad-naq weyn uga jeedinaysaa waxa weeye hay’ada gacanta ku haysa dugsiyada sare AET, waxa kale oo aanu mahad naq u soo jeedinaynaa hay’adaha kaalinta muga leh ka qaata taakulaynta waxbarashada oo aanu ugu horaysiinayno ha’ada UNECEF iyo hay’ada kale oo ka qayb qaata oo ad u faro-badan” Sidaas ayuu yidhi Wasiirku.

    Intaa ka dib wasiirku waxa uu ku dhawaaqay tirada ardayda ugu sareeysay ee dugsiyada sare, dhexe iyo dugsiyada gaarka loo leeyahay.

     

     

     

    Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: