SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Alshabaab oo Ka Hadashay Somaliland Diginiina u Jeediyey

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    alshabaab-trainingMugdisho (Sawnews) Sheekh Mutaar Sheekh C/raxmaan (Abuu Subayr) oo Xalay Canjal uu soo diray  si toos ah looga Baahiyay Warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa uu fariin u diray Maamulka Somaliland oo uu sheegay in ay isku dhiibeen dowladda Ethiopia.

    Amiirka Xarakada  Al Shabaab Abuu Sabayr ayaa waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah dekadaha Maamulkaasi loo gacan galiyay sida uu sheegay wadamo gaalo ah isagoo carabka ku dhiftay dekadda Magaalada Barbar,waxaana uu sheegay in Ethiopia ay wax doonto kala soo degto sida uu hadalka u dhigay.

    Sidoo kale Codka uu soo diray Amiirka Xarakada  Al Shabaab ayaa waxaa uu digniin ugu jeediyay dadka reer Somaliland isagoo uga digay in ay guryaha ka kireystaan ama ay shaqaale ka dhigtaan dadka Ethiopianka iyo in sidoo kale ay ka agdhawaadaan goobaha ay Ethiopianku ku suganyihiin.

    Maamulka haatan talada ka haya Somaliland ayaa waxaa uu ku sheegay amiirku in ay gacanta u galiyeen Ethiopia dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo uu tilmaamay in haatan ay ku xir xiranyihiin Xabsiyo ku yaala dalkaasi Ethiopia,waxaana sidoo kale baaq uu u jeediyay  dhalinyarada,Culumada iyo Bulshada kala duwan ee Somaliland.

    Amiirka waxaa uu sidoo  kale hadlay doorashooyinka dhawaan lagu wado in ay ka dhacaan gobolada Somaliland waxaana uu tilmaamay in doorashooyinkaasi ay yihiin kuwa lagu tuurayo Kitaabka Alle islaamkana lagula dirirayo islamarkaana Xoolaha dadka lagu boobayo sida uu hadalka u dhigay,isagoo carabka ku dhiftay in doorashooyinkaasi ay dabada ka riixayso Ethiopia.

    Umadda Somaliland ayaa amiirku waxaa uu kula taliyay in ay la xisaabtamaan dowladda uu sheegay in ay darawal ka tahay Ethiopia oo haatan ka jirta Somaliland islamarkaana uu madaxkayahay  Madaxweyne Riyaale.

    Sidoo kale Culumada  iyo Waxgaradka Somaliland ayaa waxaa uu ugu baaqay in ay isku xil saaraan sidii ay kaga hortagi lahaayeen dhibaatada Ethiopia ay ka wado Somaliland,waxaana uu sheegay in Ethiopia ay haatan doonayso in ay qabsato dhul  hor leh oo Somaaliyeed.

     waaheen

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: