SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shariif Sh. Axmed oo ka hadlay goonni-isu-taagga Somaliland

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    sh-shafriifHargeys(Sawnews)Madaxweynaha Dawladda Soomaaliya Shariif Sh. Axmed, ayaa ka hadlay qaddiyadda goonni-isu-taagga Somaliland. Waxaanu amaanay nabadgelyada iyo horumarka ka hirgelay.

    Shariif Sh. Axmed oo u waramay Telefishan ku yaala Magaalada Dubai ee Imaaraadka Carabta, laguna magacaabo Al-AAN TV, ayaa ka hadlay xaaladda qasan ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya. Waxaanu sheegay in uu jiro wada-hadal qarsoon oo u dhaxeeya isaga iyo Xasan Daahir Aweys. Isla markaana ay wada-hadalladaasi u socdaan si hab-sami ah, lana rejaynayo in uu midho-dhalo.

    SShariif Sh. Axmed waxa uu Kooxda Al-Shabaab ku eedeeyay in ay taageero dhaqaale ka helaan Kooxaha Budhcad-Badeedda ah. isla markaana aanay diyaar u ahayn xasilinta Soomaaliya. Hase ahaatee, wuxuu xusay in Dawladdiisu diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho Kooxah Mucaaradka ah.
    Mar Shariif Sh. Axmed wax laga waydiiyay qaddiyadda gooni-isu-taagga Somaliland, ayaa wuxuu Somaliland ku ammaanay horumarka iyo nabad-gelyada uu gaadhay, waxaanu sheegay in uu taageersan yahay. “Waxaan si niyad-sami ah u taageersanahay xasilloonida ballaadhan ee ka jirta Somaliland,

    runtiina way u qalmaan in lagu ammaano dedaalada ay sameeyeen. Waana wax jira sheegashada dadka reer Somaliland ee wixii uu ku sameeyay taliskii hore ee Kaligii-taliyihii Maxamed Siyaad Barre, laakiin, tani (goonni-isu-taaggu) waa wax ka duwan.” Ayuu su’aashaa kaga gaabsaday Shariif Sh. Axmed

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: