SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Nin Taxi-le ah oo Kilidiisa ugu deeqay bukaan uu Isbitaal geeyay.

    Posted by Sawnews.tk on August 31, 2009

    u_1754d_2009-8-30-0-28-32f_qaRita Van Loenen oo dagan Phoenix, USA, iyadoo rabta iney tagto isbitaal ayay dalbatey Taxi, wuxuuna  ka soo raagey saacad badhkeed, aad ayay arintaa uga xanaaqdey Rita, laakiin markaa mey ogeyn inuu dirawalkaa ka daahey ee ay ka xanaaqdey uu nolosheeda wax weyn ku tari doono.

    Maalintii xigtey ayay misna dalbatey tagsi si ay u tagto isbitaalkii, shirkadii tagsiga ayaa usoo dirtey isla dirawalkii maalintii hore.Dirawalkii iyo Rita ayaa sheekeystey intii ay safarka ku guda jireen,waxaaney uga warantey iney aad u xanuunsantahey oo kalyaha laga hayo in loo hagaajiyona lagu guul dareystey, qaraabadeeda oo kali ku caawinlaheydna ay kala jaad noqdeen.

    Thomas Chapell, 56jir, waxuu u noqdey macmiil Rida wuxu bishiiba 3 ilaa 4 jeer u qaadi jirey isbitaalka si ay usoo gudato howlaheeda caafimaad xidhiidhkoodina wuu sii xoogeystey.Maalinkii danbe ayuu qaadey tagsiilihii Rita oo caafimaadkeedu liito iyo wiil ay dhashey, dhakhatirta ayaa hubinaayey in wiilku uu u saari karo hooyadii kali si loo badbaadiyo nafteeda.

    u_1754d_2009-8-30-0-28-32f_qa
    Bukaanada & Taxi-laha

    Tagsilihii ayaa  go’aan ku gaadhey inuu ka qeyb qaato hubintaa lagu eegayo in Rita loo helo kali ku haboon kii oo ka shidaal qaadanayey qaraabadii badneyd ee isku daydey iney rida u saaran kali balse ku guul dareystey oo wuxuu is yidhi wiilkuna waa dayar ee bal adna is hubi waa intaaso taadu ku habonatahaye. 

    -Waxaan idhi Rita wiilkagu wali waa dayar oo mustaqbalkiisu waa curdin anigaa kuu saaraya kali hadii ay kugu haboonaato.

    Rita Van Loenen ayaa shoog qaadey oo dhagaheedu rumeysan kari waayeen arinkan uu ka dhawaajey tagsiilahu.

    Tagsiilihi wuu ka dhabeyey balantiisii waana la baadhey, markaas ayaa shoogii labaad oo farxad ah ay hadana qaadey Rita filanwaa iyo fajacna u yimid, waxey noqdeen isku dhiig, kalidii tagsiiluhuna waaba tay tabeysey ee ay ku taabo gali laheyd. 

    -Kursigaan ka dhici gaadhey, inuu danab i qabsadaad moodeysey sidu jidhkeygu isku kay galey farxad aw geed, sidaa waxay ku tidhi Rita oo raynrayn iyo farxad ka muuqatey AP.

    Tijaaboyinkii waa diyaar waxey Rida iyo Tagsiiluhu sugaanba waa Qaliin hada ka dib.

    -Waa badbaadiyaheygii la ii soo direy ,Sidaa waxey Rita u sheegtey ABC News. 
    Tagsiiluhu kama walaacin go’aankisa oo wuxuu yidhi tani waa tu banii’adamnimo waanan ku faraxsanahey inaan sidan yeelo.

    -Waligey marna ma fileyn inaan naf badbaadin doono, hadase waa sida tan aan sameynayaa. Sidaa waxaa isna u sheegey ABC News Tagsilihii

    http://hosted.ap.org/dynamic/stories/U/US_TAXI_DRIVERS_KIDNEY?SITE=CARIE&SECTION=HOME&TEMPLATE=DEFAULT

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: