SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Kulankii Maanta ee Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdi Balaadhan oo ka socday Hay’adda UNDP by Siciid Cadaani Mooge

    Posted by Sawnews.tk on September 8, 2009

    Madaxweynaha iyo waftiga UNDP da ka socday  Hargeysa (Sawnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa u maanta ku qaabilay xarunta madaxtooyadda wafti ballaadhan oo ka socda laanta Qaramada midoobay ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan UNDP.
    Waftigaas oo uu hogaaminayo madaxa laanta UNDP-da u qaabilsan horumarinta mashaariicda  iyo xidhiidhka arrimaha gargaaarka bini’aadanimo Mr Mark Bowden waxay madaxweynaha ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin mashaariicda horumarka ah ee laanta UNDP  ay ka wadaan Somaliland iyo kuwa u qorshaysan in ay ka fuliyaan mustaqbalka dhaw.

    Madaxweynuhu waxa uu wafitagaasi UNDP-da si ballaadhan ugaga waramay xaaladda abaaraha iyo roob la’aanta ku habsatay gobolo badan oo ka mid ah Somaliland iyo gar-gaarka deg-dega ah ee ay u baahan yihiin.
    Madaxweynuhu isaga oo arrintaa abaaraha sii faah-faahinaya waxa uu ydhi ” Goboladaa abaaruhu ay ka dhaceen intooda badan dadkii xoolo dhaqadatada ahaa in badan baa xoolihii ka dhamaadeen dadkiina waxa haatan la soo gudboonaaday cunto yari iyo caafimaad xumo, sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah in dadkaa lala gaadho mucaawinooyin xaga cunno qaybinta iyo biyahaba la gaadhsiiyo inta aanay arrintu faraha ka bixin.
    Madaxweynuhu waxa uu carrabka ku adkeeyey in laanta UNDP iyo hay’addaha kale ee gargaarka oo ay ka mid yihiin WFP, FOA iyo UNICEF in ay ka taageeran dadka ay abaaruhu ku habsadeen ee reer Somaliland arrimaha soo socda.
    1.  Cunno degdeg ah oo dadka la gaadhsiiyo.
    2. In xoolaha wixii ka hadhay si dhakhso ah loo talaalo, si caafimaadkooda loo sugo.
    3.In laga hawl galo sidii biyo loo gaadhsiin lahaa dadka tabaalaysan, caafimaadkoodana loo sugi lahaa hadii Eebe idmo.
    Mr Mark Bowden wakiilka UNDP waxa uu marka hore uga mahad naqay madaxweynaha soo dhawaynta fiican ee uu u fidiyey isaga iyo waftigiisa iyadoo aanay hayn markii ugu horeysay ee ay Somaliland yimaadaaan.
    Mr Bowden waxa kale oo uu sheegay in laanta UNDP ay kordhin doonto mucaawinooyinka ay Somaliland ka siiso dhinaca horumarinta biyaha, isla markaana waxa uu sheegay in uu si dhakhso ah u gaadhsiin doono xafiisyada qaramada misdoonbay u qaabilsan taakulaynta dadka baaraha iyo biyo la’aantu ay ku dhacday ee reer Somaliland.

    Madaxweynaha iyo waftiga UNDP da ka socday Madaxweynaha iyo waftiga UNDP da ka socday 

    Mr Bowdan mar uu soo qaaday mashaariicda horumarinta ah ee laanta UNDP ka waddo Somaliland waxa uu sheegay in dhismihii jeelka magaalada Hargeysa in la dhamays tiri doono inta ka horeysa sannadkan dabayaaqadiisa iyada oo waliba UNDP-du Somaliland ay ka taageeri doonto jeelka loogu talo galay caruurta falalka dambiyada ah gasha kaasoo laga hirgalin doono tuulada mija caseeye oo markii hore laga bilaabay.
    Kulankaa madaxweynuhu uu maanta layeeshay waftigaa ka socda laanta UNDP waxa kale oo goob joog ka ahaa wasiirka qorhaynta Mudane Cali Ibraahim (Cali Sanyare).
    Allaa Mahad Leh
    Siciid Cadaani Mooge
    Afhayeenak madaxtooyadda JSL

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: