SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Golaha Wakiilada Afarta Sanadood Waxaa Fadhiidka ka Dhigay Waa Hoggaankooda” Mooshinkan la wadaa waa burburinta Somaliland, shirgudoonkuna mar dambe ayay odhan doonaan sidan ma aanu moodayn’ Xusseen Cali Ducaale (Cawil) Wasiirka Maaliyada

    Posted by Sawnews.tk on September 7, 2009

    wasiirkaHargeysa(Sawnews) – Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Mudane Xuseen Cali Ducaale (Cawil), ayaa ku tilmaamay mooshinka maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee horyaala Golaha Wakiilada mid lagu burburinayo dalka, waxaanu eedo kulul u soo jeediyay shirgudoonka golahaa.

    Wasiirka Maaliyadu ayaa waxa uu tilmaamay in Golaha Wakiilada Somaliland ee la soo doortay aanay wax ummadda anfaca qaban isla markaana ay qaab fadhiid ah u shaqaynayeen muddo afar sanadood ah oo ay xafiiska joogeen.

    Mudane Xuseen Cali Ducaale wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay gurigiisa magaalada Hargeysa, waxaanu tafaasiil dheer ka bixiyey marxaladihii siyaasada Somaliland soo martay muddo ka badan nus qarnigii la soo dhaafay, waxaanu hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi “Waxa mar walba horena aan u idhi oo igu soo noqnoqota maahmaah Ingiriis ah oo tidhaahda “History Repeats Itself” taariikhddu way soo noqnoqotaa waliba nus qarnigiiba 50 sanadoodba dib ayay u soo noqotaa oo marxaladii xilligaas taagnayd oo siddeedii ah ayaa soo noqotaa waxa isbedel ashkhaasta kubadaasi ciyaarayay laakiin arrintu waa siddeedii uun waxa ii muuqata oo qaranimadeenii aynu intaynu laablaabnay aynu tuurnay wax kasta waa la helaa adduunka laakiin dawladnimo iyo calan lama helo. Waxaynu nahay dalka qudha ee Qaranimadiisii tuuray ee haddana dib u helay”.

    Wasiirka Maaliyada Somaliland wuxuu ka sheekeeyey marxaladihii iyo halgankii dib u xoreyntii dalka loo soo maray, waxaanu sheegay inay Somaliland Qaranimadeeda adkaystay 19 sanadood oo adduunkuna albaabada ka xidhay, hase yeeshee xilligan qadiyadeedii ay gaadhay goleyaasha beesha caalamka oo dhan.

    Mudane Xuseen Cali Ducaale oo ka hadlayay xilligan kala guurka ah ee doorashada loo diyaar-garoobayo, waxaanu yidhi “Xilligan doorasho ayaa ina sugaysa waana imtixaankii ugu dambeeyey ee adduun weynuhu inagu xidhay in doorashadaa si nabadgelyo ah oo fiican in loo galo, ummaduhu markay doorashada galaan ee ay dhammaato ayaa la is-qabsadaa oo axsaabta qaar yidhaahdaan waa la boobay laakiin taariikhda la iskuma qabsado.”

    Wasiirka Maaliiyada oo ka hadlayay Golaha Wakiilada Somaliland wuxuu yidhi “Golaha Wakiilada waa Golahaasi umaddu soo dooratay ee loo han weynaa dhibta ugu weyn ee Golaha Afartaa sanadood ee haysataa ee fadhiidka ka dhigay waa hoggaaminta, haddii hoggaamintu Gole ka dhimato wuxuu golahaasi noqonayaa mid aan jirin.

    Afartaasi sanadood haddii taariikhda dib u raacdaan ma jiro wax uu ummadda u soo kordhiyay oo aan ahayn khilaafkaa uu sababta u yahay shirgudoonku, waxaanay garan waayeen sharaftaas calanku siiyey, waa inaanay shirgudoonku noqon sidii ninkii geedka uu saarnaa gudinta ku goynayay. Shirgudoonku waxay wadee waa Somaliland burburin”

    Wasiirka wuxuu ku dooday in xabagta isku haysa ummaduhu ay tahay madaxtooyada waxaanu yidhi “Madaxtooyadu sharaf ayay mudan tahay waana xabagta ummaddan isku haysa Madaxweynuhu wuxuu huwan yahay sharaftii iyo haybadii ummadda in muddadaas uu joogo lala shaqeeyo danta ummadda ayaa ku jirta cod baana lagu doortay, hanjabaadna laguma yimaado.”

    Mudane Cawil wuxuu mooshinka maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ee golaha wakiilada horyaala ku sifeeyey burburinta Somaliland waxaanu yidhi “Mooshinkan la wadaa waa burburinta Somaliland, doorashadan dawladii haddii aanu nahay meelna kama aanu soo gelin dib u dhaca doorashada, dawlad ahaan qaadhaankii lacagtii doorashada waanu dhignay, markii aanu aragnay in doorashadii dib u dhacayso oo aanay deeq-bixiyeyaashii lacagtii soo bixin, waxay nagu kaliftay inaanu nidhaahdo anagaa bixinayna, nabadgelyada doorashadana ilaalinayna, intaa waxa dhaafsiisan waxa leh Komishanka doorashooyinka oo awood u leh arrimaha doorashada kumana faro gelin karo. Haddii doorashada dib u dhaceeda lagu eedeeyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waa been cad.”

    “Doodu way socon doontaa ummadda uun baa ogaan doonta shirgudoonka wakiiladu wuxuu yahay, ma odhan karo cadow bay u adeegayaan laakiin iyagoo aan dareensanayn dalkiisa cadow u la’ooga, waxaanu ku wadnaa inay barri dambe yidhaahdaan sidan ma aan moodayn, maanta haddii madaxweynaha iyo ku xigeenku madaarkaasi ka dhoofaan in albaabka la isku wada qabqabsado, waxa haboon in ummaddeenu ogaato in mooshinkan Somaliland lagu burburinayo in sidaasi loo fahmaa waa muhiim,” ayuu yidhi mudane Cawil.

    Wasiirka Maaliyada wuxuu ku baaqay in axsaabta siyaasadu ay ku dhaqmaan dastuurka dalka, waxaanu tilmaamay in ay xukuumad ahaan ku filan yihiin ilaalinta amniga oo aanu dalku gacmahooda ku burburi doonin.

    Wasiirka Maaliyadu wuxuu xusay inay xukuumadu diyaar u tahay inay la kulanto cidii wadahadal u diyaar ahba.

    Mudane Xuseen Cali Ducaale wuxuu tacsi u diray ganacsatadii uu khasaaruhu ka soo gaadhay Markabkii dhawaan ku gubtay duleedka magaalada Berbera, waxaanu sheegay in ay xukuumadu ka xun tahay khasaarahaasi.

    Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: