SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Jawaabaha Kulul oo ay is dhaafsadeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Wasiirka Gudaha

    Posted by Sawnews.tk on September 9, 2009

    Cabdiraxmaan ciro[1]Borama (Sawnews)- Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdilahi Ciro[1]Cabdiraxmaan Ciro ayaa ku eedeeyay Ciidamada Boolisku in ay la wareegeen xaruntii Baarlamaanka, sidaas wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyay BBCda, dhanka wuxuu cadeeyay in xubin baarlamaaka ka mid ah uu Baastoolad la soo baxay golaha dhexdiisa, taasna talaabo laga qaadi doono, xubintaas la soo baxday baastoolada ayaa lagu sheegayaa in uu yahay Bashir Tukaale oo ka soo baxay Gabilay kana mid ahaa xisbiga UCID.
     
    Dhanka kale Jawaab uu ka bixiyay Wasiirka Arimaha guduha Somaliland Cabdilaahi Ciro isna hadalkaas ka soo yeedhay Gudooiyaha baarlamaanka ayuu ku sheegay in ay tahay Nasiib daro soo foodsaartay Golihii baarlamaanka, sidaas awgeedna markii goluhu uu dhaafay gacan ka hadalkii ee ay gaadhay Baastoolado ay ciidamu kala badbaadiyeen, balse ayna qabsan golaha, wuxuu intaas ku daray in ay shirgudoonka Baarlamaanku u adeegayaan cadaw raba in ay burburiyaan Somaliland waa sida uu waraysiga BBCda siiyay ku sheegaye !
     
    Hadaba mooshinka maanta uu buuqu ka dhashay ayaa ah mid aad xasaasi ugu ah dhanka siyaasada Somaliland kaas oo la rabo in xukuumada lagu saaro maamul ka xayuubin wakhti laoo diyaargaroobayay doorasho, waana mid qolyaha muxaafidiintu ku tilmaamayaan in ay tahay mijo xaabin, halka mucaaradkuna ay aaminsan yihiin in xukuumada oo gudan weyday waajibaadkeedi laga qaado xilka.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: