SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanta Ku Dhigay Sadex Nin Oo Lagu Qabtay Iyagoo Samaynaya lacago Foojari ah.

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    500-somalilandHargeysa(Sawnews)- September 2,2009-Ciidanka Booliska Somaliland ayaa xalay gacanta ku dhigay sadex nin oo lagu eedeeyay inay samaynayeen lacag foojari ah iyo qalabkii ay ku samaynayeenba. Taliyaha Hoggaanka Hawl gelinta Ciidanka Booliska  Somaliland Cabdilaahi Fadal Imaan, ayaa Sheegay in ciidanka Boolisku xalay ku guulaysteen inay qabtaan sadexdaasi nin oo magacyadoodu kala yihiin Liibaan C/Casiis Mayay, C/Fataax Sh. Nuur iyo Maxamed Cabdi-casiis Muuse.

    “Waxaanu qabanay sadexdan nin oo samaynayay lacag foojari ah iyo qalabkii ay ku shaqaynayeenba, waxaanan wadnaa baadhistoodii oo  qaadanaysa muddo dheer, waxaanan ganacsatada iyo xawaaladaha uga digaynaa inay ka taxadaraan lacagahaasi foojariga ee nimankani samaynayeen oo laga yaabo inay qeyb suuqyada geliyeen,”ayuu yidhi Hoggaanka Hawl gelinta ciidanka boolisku.

    Cabdilaahi Fadal Iimaan wuxuu intaasi ku daray inay si dhakhso ah sharciga u horgeyn doonaan sadexdaasi eedaysane.

    Waa  markii u horreysay ee la qabto niman Somaliland gudaheeda ku samaynaya lacago been abuur ah iyo qalabkoodii, hase yeeshee waxa dhici jirtay in dalka la soo geliyo lacago foojari ah.

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: