SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Oo Shirgudoonka Wakiilada Ku Eedeeyay Inay Abaabulayaan Maleeshiyo Beeleedyo Iyo Digniin Adagna Soo Saaray

    Posted by Sawnews.tk on September 11, 2009

    “Waxaan leeyahay caqli iyo tallo keena labadiina garab iyadoo aanay cidi idin dhexdhexaadin ama ha la idin dhex dhexaadiyabe’e heshiiya”

    wasiirka arimaha gudahaHargeysa(Sawnews)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa caawa farriin u diray shacbiga reer Hargeysa oo uu uga digay inay ka qeyb qaataan mudaharaado iyo wax uu ku tilmaamay qalalaansaha baarlamaanka ka dhex oogan.

    Md. Cabdilaahi Ismaaciil Cali (Cirro), oo ka hadlayay khilaafaadka Golaha Wakiilada Somaliland, wuxuu yidhi “Waxaan iskugu kiin yeedhay haddii aad tihiin Saxaafada, Maalmahanba waad ogaydeen buuqii ka taagnaa Baarlamaanka iyo sababihii keenay in Ciidanka Boolisku halkaasi tago oo ka dhashay khilaaf dhexdooda ah, khilaafka awalba dhexdooda way is khilaafi jireene’e muran iyo saxwaxanba wuu dhici jiraye’e markii ay adeegsadeen hub, taasi oo nagu kaliftay halkii dhiig ka iman lahaa ee dhibaato weyni iman lahayd aanu u gurmano oo aanu dhex galo. Laba Garab ayay noqdeen oo labadooduba galabta hadlayay waad maqalayseen gaar ahaan Guddoomiyaha Wakiiladu wuxuu jeediyay baaq hanjabaad ah oo uu leeyahay Sabtida anagoo awood adeegsanayna ayaanu Baarlamaanka Xoog ku geli doonaa.”

    Wasiirka Arrimaha Guduhu wuxuu sheegay in Xukuumadu aanay Baarlamaanka ka haysan xaruntooda ee ay baarlamaanku dhexdooda is haystaan ciidamaduna u joogaan sugida amniga oo qudha, waxaanu ugu baaqay inay Mudaneyaashu heshiiyaan.

    “Waxaan caawa halkan u soo fadhiistay inaan halkan ka hadlo inaan ummadda reer Somaliland gaar ahaan reer Hargeysa u sheego illaa habeen hore waxa la ururinayay Ciidan beeleedyo la soo urursado Somaliland sumcad xumo ku ah.Waxaan reer Hargeysa dareensiinayaa oo ku wargelinayaa in nin kastaaba maalinta Sabtida ee uu Guddoomiyaha Baarlamaanku ku baaqay inay xoog ku galayaan inaan loo adeegsan shacbiga oo ay dadweynuhu danahooda iska qabsadaan.Waxaanu leenahay, Dhalinyarada, Ganacsatada iyo dadweynuhuba maalintaasi ha iska jiraan dadweynuhuna uma baahna in quutal daruurigooda laga carqaladeeyo oo ay meheradahooda kala soo baxaan,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Guduhu.

     

    Md. Cabdilaahi Cirro wuxuu Xildhibaanada Wakiilada u soo jeediyay inay caqli keenaan oo ay heshiiyaan, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay caqli iyo tallo keena labadiina garab iyadoo aanay cidi idin dhexdhexaadin ama ha la idin dhex dhexaadiyabe’e heshiiya , hase ahaatee hanjabaada aad hanjabaysaan waxba ma tarayso. Ma istaahilaan in dadku dhagahooda la maqashiiyo dagaalo sokeeye iyo xabad.”

    Wasiirku wuxuu waalidiinta ka dalbaday inay carruurtooda ka joojiyaan inay qaska ka qeyb qaataan, waxaanu mucaaridka ku eedeeyay inay carruurta ka qeyb qaadashada mudaharaadyada ay ku siiyaan lacago yar yar oo kun kun shilin ama laba laba kun oo shilin ah.

     

    Ramaasnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: