SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxwayne Rayaale oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi ka socda Qaramada Midoobay.

    Posted by Sawnews.tk on September 3, 2009

    93200940944JPGHargeysa,(Sawnews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa maanta uu kulan kula yeeshay qasriga Madaxtooyada wefdi balaadhan oo uu hogaaminayo ku xigeenka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha siyaasadda ee Somaliland iyo Somalia Mr Charles Betrie.Wefdigaasi oo booqasho gaaban ku yimid Somaliland,

     waxa ay maanta Madaxweynaha ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin Nabad gelyada iyo xasiloonida Somaliland iyo mashaariicda horumarinta ah ee Qaramada Midoobay ay ka fuliyeen Somaliland.

    Madaxweynuhu, waxa uu ugu mahad naqay wefdigaasi booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, si ay indhahooda ugu arkaan xaaladda ay ku sugan tahay Somaliland, siiba dhinacyada Nabad gelyada iyo Xasiloonida, waxana uu carabka ku dhuftay in isaga iyo xukuumadiisaba ay ka go’an tahay in ay sii wadaan geedi socodka dimuqraadiyada Somaliland ay ku caano maashay.

    Mr Charles, oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay waxa uu sheegay in ujeedada socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland ay daaran tahay in wax ka bedel lagu sameeyo habkii hore ee ay Qaramada Midoobay ula dhaqmi jirtay Somaliland, iyadoo si toos ah loo siin doono kaalmada iyo mucaawimooyinka Somaliland ay QM ku taakulayso.

     Waxa kale oo uu sheegay Mr Charles in ay xafiis cusub ka furan doonaan Qaramada Midoobay caasimada Somaliland ee Hargeysa, isagoo ka waramaya arrimaha ay QM danaynayso in ay ka caawiso Somaliland waxa ka mid ayuu sheegay Mr Charles dhibaatooyinka Budhcad-badeedka iyo sidii loo sugi lahaa amaanka xeebaha iyo dalka Somalilandba guud ahaan.

     Mr Charles iyo wefdigiisu intii aanay Madaxweynaha la kulmin waxa ay kulamo la yeesheen dhawr Wasiir oo ka tirsan xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Qorshaynta Mudane Cali Maxamed Ibraahim, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cabdillaahi Ismaaciil Cali, Wasiirka Cadaalada Mudane Axmed Cali Casoowe iyo  Wasiirul dawlaha Arrimaha Dibada Mudane Siciid Maxamed Nuur, oo si faah faahsan uga xog waramay wefdiga, isla markaana ka warbixiyay baahiyaha deg deg ah ee Somaliland u baahan tahay in wax lagala qabto, sidaasi waxa lagu sheegay war ka soo baxay ama uu ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge.93200940531GABI

    Source Qarannews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: