SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xukuumada Somaliland oo Dalka ka Eriday Madaxda Hayada Interpeace

    Posted by Sawnews.tk on July 30, 2009

    Somaliland_COAHargeysa(Sawnews)- Xukuumada Somaliland ayaa Dalka Ka Caydhisay Madaxda Hayada Caalamiga ah ee Interpeace oo Gacanta ku haysay Serverka kala shaandhaynta Diiwaangalinta Codbixiyayaasha.

    Go’aanka Xukuumada ayaa ka dambeysay kadib markii Koomishanka doorashooyinka Qaranku uu Dowlada u gudbiyey Codsi ku saabsan in dalka Laga Saaro Madaxda Hayada Interpeace oo ay ku eedayeen inay ku guul daraysatay inay keento Natiijada Diiwaangalinta Codbixiyayaasha Xiligii loogu talo galay oo ahaa 27-July ee Sanadkan.

    Laakiin Hayada Interpeace ayaa Natiijo aan la isku Raacsanayn u gudbisay Xisbiyada Qaranka iyadoo sheegtay inay ku guulaystay inay soo saarto Natiijo kama dambeys ah taas oo ka xanaajisay Xubnaha Guddida Doorashooyinka oo sheegay in Madaxda Hayadu maroorsadayn Shaqadii Koomishanka Doorashooyinka isla markana ku tagri falayn Awoodii Sharci ee uu Guddida Doorashoyinku lahaa.

    Xisbiyada Mucaaradka ayaa la dhacsana iyagu Natiijada Interpeace soo saartay waxanu Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID sheegay inaanu isagu galaynba Doorasho bilaa diiwaangalin ah, Wuxuna si adag u cambaareeyey Talaabada Xukuumadu dalka kaga saartay Madaxda Interpeace.

    Waxa isaguna sidoo kale Cambaarayn soo saaray Xisbiga KULMIYE oo isaguna sheegay in talaabadaasi aanay ka turjumayn danaha dalka iyo in la qabto doorashooyin xalaal ah.
    Isku soo wada Duubo waxay u muuqata in Hayada Interpeace ay dalka kaga tagtay Xaalad Cakiran iyo Khilaaf hor leh iyadoo Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqayn in Diiwaan galin La’aan ay ku qabanayaa doorashada Madaxtooyada Xiligii loo Cayimay.

    Cabdi Xasan
    Bnn-Hargeysa

    Leave a comment