SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Koomishanka Doorashooyinka oo ku Baaqay in Dalka laga Saaro Interpeace

    Posted by Sawnews.tk on July 30, 2009

    Jaamac_SwedenHargeysa(Sawnews)- Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka Md Jamac Maxamuud Cumar (Jamac Sweden) ayaa ugu baaqay Xukuumada Somaliland inay si deg deg ah dalka uga Saarto Hayad

    a Interpeace iyo Madaxda Hayada ee Hargeysa Ku sugan.

    Warsaxafadeed uu soo saaray Saaka Gudoomiyuhu oo uu ku socodsiiyey Wasaarada Arrimaha Gudaha ayuu ka codsaday Wasarada inay sida ugu dhakhsaha badan ku filiso Go’aankan.

    Wuxuna Warsaxafadeedkisa ku yidhi:

    Waxaanu Idinla Socodsiineynaa In Ninka La Yidhaa Rebun Zemora, Oo Ah Ninka Agaasimaha U Ah Hay’adda Interpeace Hargaysa Oo Sheegta Inuu Yahay Agaasimaha Dimoqraadiyeynta Somaaliya Uu Ku Kacay Dunuub Aan La Koobi Karayn Oo Lid U Ah Qarannimada Somaliland.

    1.      Wuxuu Mar Walba Ku Hawlan Yahay Inuu Qas Iyo Qalalaase Ka Abuuro Dalka, Xisbiyada Qarankana Si Joogto Ah Ugu Sheego Warar Aan Jirin Oo Been Ah.

    2.      Fariimo Been Ah Oo Yidhaa Waxaan Ka Soo Qaaday Qaadhaan-Bixiyayaasha Oo Uu Kolba Sida Uu Doono Ugu Tagrifallo Awood U Gaar Ah.

    3.      Wuxuu Diiday Amarkii Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka Iyo Xubnaha Kaleba Ee Ahaa In Aanu Bixin Liis Macmal Ah Oo Aan Sax Ahayn Uuna Iska Dhega Mariyay Iyadoo Aanu Lahayn Awood Uu Ku Bixin Karo

    4.      Koomishanku Wuxuu Ka Gaadhay Arrinta Liiska Go’aan Ku Saabsan In Aan Lagu Gelin Karayn Doorasho Xalal Ah.

    5.      Wuxuu Sheegtay Inuu Leeyahay Awooda Soo Saarista Liis Kama Danbays Ah Taasoo Ah Awoodii Koomishanka

    6.      Wuxuu Ku Gefay Dhamaan Xeerarkii Doorashooyinka Iyo Diiwaangelinta Ee Dalka

    7.      Wuxuu Ku Sheegay Warsaxaafadeed Inuu Ku Joogo Wadanka Casuumada Koomishanka Doorashooyinka Qaranka Isagoo Xaga Kalena Sheegana Inuu Yahay Hay’ad Madaxbanaan.

    8.      Intii Uu Waddanka Joogay Warwalba Wuxuu U Foognaa In Dalka Arbusho, Koomishanku Hore Ayuu Uga Dalbay In Ninkaasi Rebun La Yidhaa Laga Baddelo Oo Ay Meel Kale U Baddalaan.

    Haddaba, Waxaanu Faraynaa Wasaarada Daakhliga In Dalka Laga Saaro Personanon Granta, Ninka Magaciisu Kor Ku Xusan Yahay Kuna Kacay Khiyaamo Qaran.

     

    Jaamac Maxamud Cumar
    Gudoomiyaha Guddida Doorashooyinka

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: