SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale oo Taageeray Eriga Wakiilkii Interpeace ee Somaliland, Sheegayna in aan Caawimo Dambe Cid laga Sugayn !!

    Posted by Sawnews.tk on July 30, 2009

    riyaale2Hargeysa (Sawnews)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale, ayaa taageeray eriga wakiilkii hay’adda Interpeace ee Somaliland Mr. Zamora oo maanta dalka laga mastaafuriyey, waxaannu ku tilmaamay inuu ahaa nin in badan loo dulqaatay.
    Madaxweyne Rayaale oo maanta waraysi dhinacyo kala duwan taabanaya siiyey Idaacadda BBC-da laanteeda afka Soomaaliga,

    waxa uu shaaca ka qaaday in aanay xukuumaddiisu raadin doonto kharashka lagu geliyo doorashada ee aanay cidna ka sugayn.

    Md. Rayaale waxa kale oo uu ku raacay Komishanka Doorashooyinka go’aan ku gaadheen in doorashada Madaxtooyada lagu galo diiwaangelin la’aan, kadib markii ay diideen tirada liis hay’adda Interpeace ka soo saartay kala shaandhayntii diiwaangelinta codbixiyayaasha.

    Ugu horreyn Madaxweyne Rayaale oo ka hadlayey eriga Mr. Zamora, diiwaangelintii codbixiyayaasha, kala doorashadii Interpeace u keentay iyo siday xukuumaddu u aragtay waxa uu yidhi; “Run ahaantii ninkani wuxuu Komishanka ula shaqaynayey caawiye farsamo, Komishankii wuu la shaqayn waayey oo liisas been ah oo aan xaqiiqda diiwaangelintii ka turjumayn ayuu shalay faafiyey, Komishankuna iyagaa soo codsaday (in la mastaafuriyo), markaa sidaas ayuu ku baxay. Waa ta labaad

    Somaliland muddo dheer ayaanu deeqbixiyayaasha ka sugaynay inay naga caawiyaan sidii diiwaangelin xaq iyo xalaalah oo aan lahayn ku noqnoqod, taasna wixii ku dhacay waad ogayd oo oo khaladaad badan baa lagu sameeyay, ilaa haddana wax la saxay ma jiro. Komishanka Doorashooyinka Qarankuna waa hay’dda keliya ee u xilsaaran Doorashadan iyo siday ku qabsoomayso. Markii ninkan Zamora uu saddex dookh noo keenay ee uu yidhi, suga inta wax la saxayo ama diiwaangelin-la’aan ku gala ama tiradaa qaldan ee milyanka iyo afarta boqol iyo dheeraadka qof ah ku gala Doorashada, ayaa Komishanku xukuumad ahaan waxay noo soo gudbiyeen qoraal ay ku yidhaahdeen, laguma talogeli karo diiwaangelinta ee waxaanu doonaynaa in doorasho toos ah la qabto. Sidaa darteed, Xukuumaddu waxay go’aansatay in doorasho toos ah la galo, lacagtana xukuumaddu iyadaa raadinaysa, cid dambe oo ay wax ka sugaysaana ma jirto, waqtigeediina doorashada way ku qabanaysaa.”

    Md. Rayaale oo la waydiiyey in amarka xukuumaddu dalka kaga saartay wakiilka Interpeace uu yahay mid ay ku degdegeen oo aanay baadhis ku samayn eeda Komishanka waxa uu ku jawaabay, “Waan ku qanacnay oo wax lagu degdegayna ma jiro, muddo badanba waa loo dul qaadanayay ninkaa iyo wuxuu dalkan ka waday. Isagiibaa isu qaatay in uu Komishan yahay, waanu dafiray inuu Komishanka la shaqeeyo, waxaanu dhex socday inuu isku diro xisbiyada iyo Komishanka oo ay shaqadiisii noqotay, shaqsi noocaas ahna dalkan loogama baahna.”

    Mar la waydiiyay in ay hay’adda Interpeace xaq u leedahay inay axsaabta u gudbiso oo ay tusto liiska codbixiyayaasha doorashada ee is diiwaangeliyay, ayaa waxa uu yidhi; “Horta isagu (Zamora) xaq uma lahayn in uu tuso ee heshiiska meesha yaalay waxa uu ahaa in Komishanka iyo Axsaabta uu u soo bandhigo liiska, laakiin wuxuu xisbiyada mucaaradka ah siiyay liis gaar ah, isaga oo aan kala tashan Komishankii uu la shaqaynayay. Markaa, in xisbiyadu iyagoo wada dhan oo wada jooga la tuso oo Liiska hordhaca ah loo keeno muran kama taagna, marka inta uu saddex dookh keenay, haddana uu Xisbiyada Liis gaar ah siiyo. Taasi waa dembi iyo isku-dir umadda ah.”

    Waxa kale oo la su’aalay Daahir Rayaale go’aanka deeqbixiyayaashu ka qaateen liiska soo baxay ee ay taageereen iyo waxay ku diidan yihiin isaga iyo xisbigiisa UDUB, waxa waxa uu ku jawaabay, “Horta, Deeqbixiyayaashu Somaliland dimuqraadiyadda umay samayn ee dadka reer Somaliland iyagaa samaystay dimuqraadiyadda, doorashooyin caadi ah oo bilaa dhibaato ahna waynu qabsanaynay. Deeqbixiyayaashu hadday doonaan in Somaliland lagu dumiyo diiwaangelin aan sax ahayn dawladdu ma aqbalayso, shacbigeedana ma khiyaamaynayso, go’aanka ay xaqa u leedahay ayay qaadanaysa, mana maamulaan deeqbixiyayaashu Somaliland iyo doorashadeeda, inay na caawiyaan bay ahayd, mucaawimo wax ka badan oo aanu ka aqbalaynaa ma jirto.”

    Madaxweynaha waxa kale oo weriyuhu weydiiyey in labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ay isaga ku eedaynayaan inuu hortaagan yahay doorashada arrintaa sideed u aragtaa, waxaannu yidhi; “Macquul maaha, diiwaangelin aan xaq ahayn oo aan reebayn ku noq-noqod umaddani xaq kama dhigayso oo isku dir iyo fidmo ayay abuuraysaa. Axsaabta Qarankana waxaan u sheegayaa Komishanka

    Doorashooyinka Qaranka ayaa u xilsaaran doorashooyinka ee Interpeace uma xil-saarna.”

    Madaxweynaha waxa la su’aalay sidee ayey markaasi ku dhacaysaa doorasho xaq iyo xalaal ahi, maadaama waqtigu aad u yar yahay khilaaf cusubina ka dhex dilaacay xisbiyadii, waxa uu ku jawaabay, “Anigu Madaxweynihii qaranka ayaan ahay masuuliyadayda iyo go’aankayga in aan qaato oo ummaddan aan badbaadiyo, haddii cid shisheeye iyo mid sokeeye duminaayaba midnaba kama aqbalayo, ummadani siday ku badbaadayso ayaan yeelayaa, soo jeedintaa

    Komishanka Doorashooyinka ee xaqa u leh doorashadaasi inay talo ka bixiyaan ayaan raacayaa, taas ayaa doorashada lagu gelayaa, taas ayaan xaq u arkaa oo ah in doorasho toos ah in doorasho toos ah la galo, maadaama diiwaangelintii codbixiyayaashu guuldarraysatay, Malawi-ba (Dal Afrika ku yaala) way guuldarraysatay waana la tirtiray (canceled), Somaliland-na in la tirtiro maxaa u diidaya, waa in la tirtiraa. Mar haddii ay guuldarraysatay waqti kale ma hayno lagamana gaadhsiinayo diiwaangelin xaq ah oo xalaal ah oo aynu dib ugu dhiganaa haddii diiwaangelin la rabo mar dambe oo waqti loo helo.”

    Markaa lacagtii doorashada lagu qabanayey ma haysaa Madaxweyne? Ayaa la weydiiyey Rayaale, waxaannu ku jawaabay, “Somaliland awalba waxay socon jirtay bilaa deeqbixiyayaal, meel aannu ka keenaba waanu keenaynaa.”
    Intaa kadibna waxa uu weriyuhu weydiiyey, taasi miyaanay saamaynayn ku yeelanaynayn caawimadii kale oo aanay xidhiidhkiina xumaynayn, waxaannu ku jawaabay Madaxweynuhu, “Xumayn mayso, dee bulshada caalamkuna xaq iiguma leh burburi waddankaaga cid xaq iigu leh ma jirto, cid aan ka aqbalayaana ma jirto, cid aan ku ixtiraamayaana ma jirto.”

    Mar Md. Rayaale su’aal laga weydiiyey xadhiga suxufiyiinta xidhan iyo xidhitaanka qaybo ka mid ah xafiisyada telefishanka madaxabannaan ee Horn Cable Tv, inay tahay cabudhin xukuumaddiisu ku doonayso inay warbaahinta ku soo rogto, waxa uu si kooban u yidhi; “Horta weriyayaashu iyagaa dadka cabudhiya ee cidina ma cabudhiso, dalkan sharci buu leeyahay, hay’adaha sharciga ayaa ku shaqo leh ee taasi aniga mid I khusaysa oo aan ka hadlayo maahin ee hay’adaha sharciga ee kiiska ku qaadaya ayaad ka waraysan.”

    Geesta kale waxa la weydiiyey sida xukuumadiisu doonayso inay u furdaamiso shaqaaqada degaanka Ceelbardaale ee labada beelood ee walaalaha ah dirirtu kala dhaxayso, waxaannu ku jawaabay, “Arrintaasi waa nasiib-darro, mid loo baahnaana may ahayn in lagu dagaalamana may ahayn ee in sifo sharci ah oo degan lagu raadiyo ayey ahayd. Dawladdu nabadda markay xasiliso arrinta way geli doontaa si sharci ahna way ku dhamayn doontaa, cidii xaq lehna xaqeeda ayey heli doontaa ee dagaal iyo rabash meel looga baahan yahay ma jiro.”

    Xisbiyada mucaaradka ah iyo dad badan oo kale idinka ayey arrintan idinku eedaynayaan oo waxay leeyihiin waxa keenay fulin la’aantii go’aamadii Guurtida oo weliba adiga laguu soo jeedinayo ee maxaad taa ka leedahay Madaxweyne? Ayaa la weydiiyey Madaxweynaha, waxaannu ku jawaabay, “Guurtidu 1993-kiiba go’aan bay gaadhay ee muxuu u fuli waayey, kuwa mucaaradka ah ee ka hadlayaa kuwii Wasiirka Daakhiliga ahaa bay ahaayeen maxay u fulinwaayeen, arrintu baaxadeeda ayey lahayd, ka fiirsigeeda ayey lahayd, dawladdu go’aan kasta oo la gaadho inay ka fiirsato sida ugu sahlana loo fuliyo weeye, muxuu go’aankani ku dhammaanayaa natiijadiisa inay eegto weeye, annaga ayaa xaq u leh in aannu ka fiirsano go’aanka, waanan u yeedhay qolada Gabiley oo annaga oo is aragnay habeenkii ayaa fidno la sameeyey oo wadada la istaagay, wadada la istaagayna waa dambi ummadda Somaliland oo dhan laga galay, kuma eeka uun afarta shakhsi ee la dilay ee Somaliland oo dhan bay dileen, waana arrin aan dhaqan u ahayn Somaliland, waxaan ku ammaanayaa dadkii ka hadlay ee siday u xun tahay arrintaas jawaabaha ka bixiyey. Xisbiyada mucaaradkuna waa niman dalka haddii la duminayo laftiisa faan u haysta, ololena u haysta, niman ra’yigoodu wax ka soo qaad leeyahay maaha, ra’yi fiican oo ay gudbiyeena lagama hayo taariikhda intay ololaha doorashooyinka ku jireen.”

    Waxa kale oo la weydiiyey su’aal ahayd, laakiin waxay leeyihiin (mucaaradka) marar badan Madaxweyne Rayaale oo degaanka Boorama iyo Gabileyba ay tahay halka uu ka soo jeedo intuu tago muu dhex fadhiisto labada beelood mar horeba way dhammaan lahayde? Waxaannu Madaxweyne Rayaale ku jawaabay, “Horta

    Madaxweyne markaan ahayn hawsha in badan baa iga hoosaysa, anigu in aan mar kasta tago maaha, jaran-jarooyinka iga hooseeya ayaa waxaas ku shaqo leh, awaamiir ayaan anigu bixiyaa ee fuliye ma ihi, waa inuu ninku gartaa Madaxweynuhu waxa uu yahay, waxaan la yaabanahay nimankan axsaabta mucaaradka ee Madaxweynuhu waxa uu yahay weli ilaa iminka garan la’,

    Madaxweynuhu amar buu bixiyaa oo hay’adihiisa ayuu adeegsadaa oo dabagala oo uu go’aamada faraa, laakiin Madaxweynuhu goobta ma tago oo garsoore ma noqdo.”

    Salalnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: