SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Xuska Maalintii ay Diyaaradaha Ethiopia Ku Gumaadeen Ardaydii ku Jirtay Elementary School Ee Magaalada Borama (Warsiyo ay Sawnews ka soo qaaday Dad goob joog ahaa malintaasi)

    Posted by Sawnews.tk on February 2, 2010

    Maanta oo laga joogo maalintaasi ay diyaaradahaasi gaysteen xasuuqaasi  mudo ku dhawaad 26 sanadood , waxana ay ku beegnayd maanta oo kale 30/01/1984.

    Waxa ay ahayd maalin murugo leh , waa maalintii Ubixii magaalada ay diyaaradaha Ethiopianku Gumaadka u gaysteen , Ardaydaasi oo  ku guda jirtay waxbarashadoodii maalintaasi , Goor aroornima ah ayaa waxaa la maqlaayay guuxa Diyaaradaha ,

    Kuwaasi oo dadka cabsi ku beeray , in yar ka bacdi markii ay ardayu rabeen in ay break tagaan ayaa waxa bilaamantay duqayntii , halkaasina waxa ku nafwaayay Ubax , qaarkalena way ku curyaameen .

    Hadaba waxa ay dhibi kataagantahay  Bulshadaasi Gumaadka loo gaystay , oo ka gaabisay  in ay xusto maalintaasi taariikhiga ah , Umad waliba waxa ay xustaa Farxad iyo murugo labada midkii soo mara taariikhdeeda , waxaa haboonayd inta layskugu yimaad meel fagaare ah in laga xuso , oona si aada looga sheekeeyo wixii halkaasi ka dhacay , waayo waxa u xuskaasi baraarujinayaa arday badan amaba dhalin badan oo aan war kahaynin amaba wax macluumaada kahaysan maalintaasi ,

    Isku soo wada duuboo in maalintaasi la xuso  oo bulshada loo sheego lagana dhigo maalin sanad walba la xuso waxaa is waydiin mudan

    Ma waxaa gabay haldoorkii umada?

    Mise waxaa dhamaaday dadkii maalintaasi goob jooga ahaa ?

    Iyada oo ay sidaa tahay ayaan waxay isku dayday shabakada wararka ee SAWNEWS  bal in ay hesho dad maalintaasi goobjoogayaal ahaa wayna noo suura gashay iaan helno ,dadkii maalintaasi joogay , amaba ay ku geeriyooden dad qaraabadooda ahi ,

    Waxaanan inii haynaa waraysiyo , aan leyeelanay dadkaasi qaar ka mida

    Iyogoo dhana halkan ka dhagaysta

    1-     Faysal X.nuur Maxamuud WS110074 2-     Maxamed   (kaarto)WS110075

    Wariye :-

    Omer Albashiir &A/aziiz

    Sawnews.tk

    Borama

     

    Leave a comment