SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Kulan lagaga Hadlaayay Wax Qabadka Cisbtaalalka Guud Ee Magaalada Boorama Oo ay Soo Qaban Qabisay Ururka Dhalinyarada SAYS(+Sawiro)

    Posted by Sawnews.tk on February 2, 2010

    Borama (Sawnews)Kulan balaadhan oo lagaga hadalaayay waxka qabadka baahiyaha Cisbitaalka guud ee magaalada Boorama ayaa ka dhacay xarunta dhalinyarada SAYS ee magaalada Boorama.

    Kulankani oo ahaa mid in badan loo hanqal taagayay ay ka so qayb galeen masuliyiin kala duwan,xubnaha ururka dhalinyarada SAYS .Gudoomiyaha gobolka Awdal ,Maxamuud C/laahi Cige, Agaasimaha cisbitaalka guud ee magaalada Boorama Dr. Ismaaciil X. Muxumed Aye ,Xubno ka socday ururka Amoud foundation , xubno ka tirsan ganacsatada magaalada , iyo maxkamada dagmada .

    Ugu horaytii oo uu furay gudoomiyaha gobolka Awdal mudane Maxamuud C/laahi Cige waxaa uu gudomiyuhu  madasha dhalinyarada  SAYS ugu hambalyeey kuna dhiiri galiyay hanaan wanaaga ay ku kicatimeen oo ah mid horay loga bartay  waxaan ka mid ahaa hadaladiisii :

    “Sida laga warqabo waxaa jira abaaro ba’an oo baahsan  kuwaas oo guud ahaanba dagmooyinka ugu badan gobolka lagawada  dareemay ,lagana ogsoon yahay  in loo bahanyahay waxkaqabad horle. Waxaa kale oo u gudoomiyuhu ganacsatada ugu  baaqay waxqabad la sii   wada ogaado taasi oo u wanaagsan dhamaanba dalka. 

    Waxaakale oo halkaa kahadalay agaasimaha  cisbitaalka guud eemagaalada Boorama Dr:  Ismaaciil   Aye    waxaanu ku qaadaa dhigay waxqabadyadii ugu balaadhnaa ee u qaaday cisbitaala shantii sanadood ee ugu danbaysay , waxaanu tusaale uga dhigay   mudooyinki hore ee cisbitaalku sida  lawada ogsoonyahay  waxaa u ahaa mid baahiyo baladhan tabayay , waxaana ka mid ahaa hadaladiisii :  ” waxaan ugu horaantii ugu hambalyaynayaa dhamaanba xubnaha soo qaban qaabisay ee ururka dhalinyarada SAYS  isuna hawshay waxkaqabadka  baahiyaha cisbitaalka,  ugna tafaxaydan waxa qabadka baahiyani oo ah kuwo umuuqda  cisbitaalkeen  , waxaa yimaada raxan raxan  dhakhaatiir ah oo kasocota  dibada kana fulisa qaliino kala duwan  ,oo loga kalayimado guud ahaanba geeska afrika taasna waxaa ay noqontay waxyaabo uu kaga duwanyahay cisbitaalada dalka , waxaan keenay marka ay yimaadaan dhakhaatiirtu  , waxaan u soo dhawaynaa oo aan gacanta ku dhignaa amaankooda , dhamaanba waxqabadkooda  iyo sidii aan ugu dabooli lahayn  baahiyaha guud   ,waxaa la iswaydiiyaa oo ay daku yidhaahdaan inta badan xagee ay wax maraan lacagta dadka laga guro  inta hada baahiyah kazoo hadhana   waxaan ku qabanaa oo aan dib u galinaa dhamaan wixii aan waxkaga qaban karno .

    Waxaa kale oo ka hadlay isaguna taageeray ururka dhinyarada ee SAYS  sida   qiimaha badan ee ay isu xilsaareen uguna diyaar yihiin wax ka qabadka baahiyiyaha  , intii ay hadba karaan kuna doonayaa inay kabasii badiyaan

    Hadaba  ururka dhlianyarada ee  SAYS  oo ah isagu ka bilaabay   urrurint lacagaha lagu daboli doono kuwa  baahiyaha cisbitaala ayaa ugu huraantii  iyagu  ku deeqay  lacagdhan $500   waxaa kale oo ay dhamaanba  ganacsatadii ku sugnayd halkaasi ugu talagaleen  wax ka qabad  horle uguna balan qaadeen cisbitaalka   

    Isku  soo wada duuboo Kulankan ayaa ah midkii ugu horeeyay oo lagaga hadlo baahiyaha kala duwan ee dhakhtarka , iyo sidii layskaga kaashan lahaa wax ka qabadka baahiyaha badan ee Dhakhtarka ka jira , loogana baahnayahay qaybaha kala duwan ee bulshadu sidii ay isku kaashan lahaayeen .

     

    Wariye:-

    Omer Albashiir

    Sawnews,

    Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: