SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Ururka Gurmad oo habmalyo iyo bogaadin u diraya Maamulka, Macalimiinta, Ardayda iyo Shaqaalaha dugsiga Sare ee Al-Aqsa ee Magaalada Borama ..Tariikhdu iyadaa dib isku saxda. Yabooha tariikhiga ah ee ay maanta uu dugsiga Al-Aqsa ugu yaboohay mashruuca dhismaha Jidka u dhexeeya Borama iyo Dilla waxa uu xaqiijiyey..April 24,2010

    Posted by Sawnews.tk on April 26, 2010

    Stockholm(Sawnews)- Tariikhdu iyadaa dib isku saxda. Yabooha tariikhiga ah ee ay maanta uu dugsiga Al-Aqsa ugu yaboohay mashruuca dhismaha Jidka u dhexeeya Borama iyo Dilla waxa uu xaqiijiyey ama uu boodhka ka tirtiray tariikhda soo jireen ee dadweynaha reer Awdal iyo Selel ay lahaayeen oo ah (Iskaa wax u qabso).

    Dugsiga Al-Aqsa waxa uu maanta ugu yaboohay ururka ASARDA ee ku hawljira dhismaha Jidka Borama iyo Dilla u dhexeeya lacag qadarkeedu dhan yahay $80,000 sideedan kun oo doolarka Maraykanka ah!! Ururka Gurmad waxa uu aad ugu farxay dhiiranaanta ay muwaadiniinta dugsiga sare ee Al-Aqsa sameeyeen oo tusaale ugu filan cidwalba oo gobolka horumarkiisa jecel.

    Arimaha la yaabka dadka ku dhaliyey ayaa waxa ugu horeeya- Arday aan shaqayn oo ay soomaalidu odhan jireen geedka ardaygu ku turaanturoodaayi wuu qalalaa inuu maanta waxtarka gobolkiisa ugaga horeeyey qurbojooga gobolka Awdal!! Sida dhabta ah waxa dugsiga Al-Aqsa ka dhacay maanta waxa lagu tilmaami karaa “Mucjiso Rabaani ah” Ardayda Dugsiga sare ee Al-Aqsa oo tiradoodu dhan tahay 800 arday oo iskugu jira Gabdho iyo Wiil waxay noqdeen Astaan lagu daydo oo umada horsocota sida ilaysa wax lagu arko.

    Sidoo kale Maamulka Dugsiga Al-Aqsa waxa uu mudan yahay amaan sharaf iyo maamuus ta ugu sareysa ee gobolku yeelan karo waxaanu ururka Gurmad u aqoonsaday dugsiga Al-Aqsa (Dugsiga Sanadka 2010)

    Gabagabadii warmurtiyeedkan maanta kasoo baxay xafiiska Ururka Gurmad ee Magaalo madaxda dalka Sweden ee Stockholm waxa uu qasdigiisu yahay in qurbo jooga reer Awdal maqleen, Arkeen isla markaana dareemeen qiimaha ay ardayda Dugsiga sare ee Al-Aqsa ugu fadhido guud ahaan Jamuuriyada Soomaaliland gaar ahaana gobolada Awdal iyo Selel.

    “Waan idiin ognahay, Umaduna way idiin Ogtahay Jiilka danbena wuu idin xusi doonaa sida fiican ee aad yeesheen waxaanad maanta rumeyseen maahmaahdii soomaaliyeed ee ahayd “Ruuxa gurigiisa kaa martiya – nin raga dhex – Ruuxa guri kale kaa martiyana nin labaad dheh” oo murtida ku jirtaayi ay tahay idinkoo arday ah oo aan wax mushahaaro ah helin inaad waxka bixiseen qadarka lacagaha ah ee eheladiinu ama waalidkiinu idinku deeqo. Amaan iyo Salaanba waad Istaahishaan!!

    Agaasimaha Guud ee Ururka Gurmad
    Jawhar Qalinle
    Stockholm, Sweden

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: