SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Daawo sawirada: Quruxda Seeraha Magaalada Boorama!!

    Posted by Sawnews.tk on April 26, 2010

    Borama(Sawnews)Magaalada Borama oo ah Caasimada Gobolka Awdal waxa ay caan ku ahaan jirtey Seeraha oo ah meel ay dadka  dalxiisayaasha ahi u tagi jireen in ay soo daawadaan dhirta quruxda badan ee ka baxda, dhirtaas oo u badnaan jirtey daaq iyo geedo ay ka mid yihiin qudhaca dhaadheer iyo sog sogta gaagaaban, waxaa kale oo Seeraha Borama caan ku ahaa biyo fadhiisimaad kuwaasi oo wakhtiga Gu,ga ka soo rogman jirey Buuraha Waa weyn ee ku meegaarsan magaalada Borama gaar ahaan labada buurood ee ku magac dheer SAW iyo SHAR LAGA NAADI.

    Seeraha Borama waxaa sameeyey oo xidhey gumeystihii Ingiriiska ahaa ee ka talin jirey Somaliland, waxaana uu ahaa seeruhu meel iska lahaan jirey ilaalo gaara oo wakhtigii gumeystaha iyo dawladihii Soomaaliyeed-ba la siin jirey mushaaro hase yeeshee markii ay dhacdey Dawladii Maxamed Siyaad Barre waxa uu noqdey seeraha Borama meel ay dad badan ka dhigteen Beero ay ka beertaan dalaga ay ka mid yihiin Hadhuudhka iyo Galeyda, siddaas oo ay tahay hadana waxaa jirra banaan badan oo wali ka hadhan seerihii Borama.

    Wakhtigii Ibraahim Magan Nuur Magaalada Borama Mayerka ka ahaa ayuu ku dadaaley in u dib u soo celiyo Seerihii Borama, waxaana Mr Magan u suuro gashey in uu ku guuleysto arrintaas, Ibraahim Magan waxa uu gacanta Dawlada Hoose ee Borama dib ugu soo celiyey seerihii Borama gaar ahaan  intii aan dad weynuhu qaadan amma aanan qaybsan, ka dib waxa ay Dawlada Hoose ee Borama bilowdey in ay seeraha ku beerto  geedo yar yar oo aad u qurux badan iyo dhir kala duwan.

    In kasta oo wakhtiga jiilaal lagu jiro  seeraha Borama la odhan karro waa mid aan isha bu,deedu kuu qabaney hadana wakhtiga Gu,ga lagu jirro waxaa ka baxda dhir badan oo aad u qurux badan taas oo dadka u daawasho taga xusuusisa wakhtiyadii horre ee uu soo marey Seeraha Borama.

    Abdirashid Maxamed dahir

    Source Camuudnews

                   

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: