SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Balanqaadyadii Ardayda Dugsiyada Ee Qaadhaanka Wadooyinka G/Awdal/Salal Waa Fariin La Micno Ah Waxqabadka Nagula Tartama Oo Ku Aadan Qurbojoga Awdal/Salal

    Posted by Sawnews.tk on April 25, 2010

    Hal Dugsi Ayaa Balan Qaaday 1km Dhismihiisa….Waano Dhirbaaxo Ku Aadan Qurbojooga Awdal/Salal Oo Waxqabadkoodu aanu waligii Qabyo Bixin”.

    asarda-iyo-dug-al-aqsa.JPGBoorama-(Sawnews)- Balanqaadyada ay sameeyeen ardayda dugsiyadu ee ay kaga dhawaaqeen kulanadii ay masuuliyiinta ASARDA la yeesheen ardayda dugsiyada Sare ee Magaalada Boorama waa fariimo cad oo looga gol leeyahay in lagu xanxanteeyo dhagaha qurbojoog badan oo aan ilaa hada sidii laga filayay uga qayb qaadan qaadhaanada loo ururinayo dhismaha bilowga ah ee wadooyinka gobolada Awdal/Salal.

    asarda-iyo-dug-al-aqsa.JPG

    Balanqaadyadan ayaa ahaa fariimo xoogan oo sida mowjadaha hirka isaga oo daba dhacayay kuwaas oo u tartamayay inay iyagu noqdaan inta galaysa kaalinta koowaad ee tartanka, ardaydu waxa ay soo kacayeen iyaga oo makarafoonka soo beegsanaya, waxa ay xusayeen in ay yihiin muwaadiniin u diyaar ah wax qabad.. waxa tan ku lamaanaa oo ay qaarkood ku dhawaaqayeenn qadarka lacagta ah ee ay ku yaboohayaan oo marka dib la isugu geeyo ka turjumaysa cududa gudaha ee jeebka ardayda. Waxa intaas sii dheer oo ay ardaydu ahaayeen kuwo muruqa iyo xooga ugu horeeya uguna dambeeya cahdi ku maray inay ku bixinayaan wax walba oo ay wadooyinku u baahan yihiin.

    asarda-iyo-dug-al-aqsa-6.JPG

    Fariimahan ayaa ku faafay suuqyada magaalada Boorama waxana ay noqdeen kuwo durtadiiba gaadhay meel kasta oo gudaha magaalada Boorama ah, waxa tani ka dhashay in la falanqeeyo kaalinta ay ardaydu qaadanayaan iyo kaalinta qurbajooga mida miisaan cuslus ku fadhida, ilaa hada inkasta oo ay labada garaba yihiin kuwo loo baahan yahay ka qaybqaadashadooda ayaa tartankan bilowday ay kubadu tahay mid u janjeedha dhinaca ardayda dugsiyada, waxa aan saas u leeyahay ardaydu waxa ay muujijeen dhiiranaan iyo yididiilo wax qabad halka ay ilaa hada qurbojoogu ka yihiin kuwo aanay cadayn kaalintoodu ama waxa ka soo baxay uu ka yaryahay waxii laga filayay.

    basra-jirde-asarda.JPG

    Waa hubaal oo qurbojoog badani ma jeclaysanayaan in ay arday dalkii joogta tartan dhinaca wanaaga ah ugu baaqdo, waase lama huraan waa lagaadhay waqtigii la tartami lahaa, qurbojooguna waxa kaliya ee iinta ugu wayn u yeelay waa sida ay u yihiin bulsho aan midaysnayn  hadana aaminsan inay iyagu waxwalba suurto galin karaan. Mana aha sidan ee wacyigu waa ka duwan yahay fursada ugu muhiimsan ee ay haystaan ilaa hada qurbojooguna waa inay ka soo jawaabaan dalabyada ku aadan waxqabadka jidadka una xayd-xaytaan sidii qof waa hore laga jarmaaday.

    Wax walba waa bilow… waxana la gaadhi doonaa maalin ay taariikhdu qorto maqaalo waawayn oo dhaxal reeb ah, tusaale ahaan ardayda dugsiga sare ee Al-aqsa waxa ay balan qaadeeen in ay uguntan doonaan sidii ay ugu yaboohi lahaayeen kharashka ku baxi kara 1km oo dhaaan kara 100kun oo doolar celcelis ahaan, hadaba tani waxa ay sii fogaynaysaa waxa dad badani ka filayaan inay qurbojoogu qabtaan iyadoo la og yahay in qurbojooga Awdal/Salal aanay si muuqata oo la mid ah midka qurbojooga gobolada kale ee dalka uga qayb qaadan hormarka iyo waxqabadka gudaha gobolada Awdal iyo Salal.

    Kaalinta qurbajooga Awdal iyo Salal inkasta oo ay tahay wax laga qabo rajo aanan wali laga quusan ayaa hadana waxa hubaal ah inay dad badani aaminsan yihiin inuu yahay shilinka ay hormarka kaga qayb qaataan “Biyo Col Dhaanshay” oo aan faa’iido gaadhsan intii laga filayay lahayn. Maantana waxa ay waxwalba noqdeen kowo ay dad badani simayaan Awooda Ardayda gudaha iyo mida qurbojoog badan oo ku baahsan dunida dacaladeeda hadiiba aanay badan mida imika uun ka soo if baxday gudaha.

    Si kastaba ha ahaatee tartankani waa mid bilowday, waa  mid u dhexeeya Arday iyo Bahwaynta Qurbaha ee Awdal/Salal waa mid ay taariikhdu garsoore ka tahay oo ay calaamadayn doonto cid walba waxa ay la timaado… waa tartan aanan u naruuraynayn inta ku gacan saydha meelkasta ha joogtoo kuna tuuri doona boga madoow ee taariikhda gobolada Awdal iyo Salal. Waa tartan ilaa imika ay hogaaminayaan Ardayda dugsiyadu halka ay qurbajoogu ka yihiin kuwo aan wali si qaabaysan uga soo qayb galin… waase hubaal in taariikhdu aanay cidna u naxariisanayn cidna u naruuraynayn ee ay iskeed isku qorayso.

    Wariye:-
    Abokor Xasan Caafi
    Lughayanews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: