SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shir Ay Jaaliyada Reer Adal Ku Yeesheen Dalka Norway+Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on April 19, 2010

    Oslo(Sawnews)Shir ballaadhan oo ay maanta isugu yimaadeen Jaliyada Beesha Samaroon ee Dalka Norway ayaa lagu qabtay Magalada Oslo shirkaas ayaa ku bilowday jawi aad u wanaaagsan waxaa kaso qayb galay dadweyne aad u tiro badan oo ka kala yimiday inta badan gobolada dalka Norway. 

    Dadka shirkaas kaso qayb galay oo iskugu jiray Aqoonyahano dhalinyaro iyo Culima`udin shirkaan oo ahaa mid looga wada hadlayay sida ay iskugu xidhmi lahayen Jaliyada Beesha Samaaron ee ku dhaqan Dalka Norway isla markana waxi horumar ahna uga wada hadli lahayen. Waxaa shirkaas hadalo iyo fikrado isku waydarsaday dadka meeshi iskugu yimid , hadalaasi oo u badnaa guubaabaabo , dhiiri galin iyo sidii loo xoojin lahaa midnimada tolka meelkastoo ay joogaan. Dadka meesha iskugu yimid oo run ahaanti ahaa dad u diyaar ah in ay wax wada qabsadan fikirkooduna ku salaysna hadafka guud ee Beesha Samaroon ee ku dhaqan dalka Norway.
     
    Marka aad u fiirsato dareenka kii gadaamnaa hoolka shirku ka dhacaayay ayaa waxaad dareemaysay in ay maantu u ahayd maalin dadka shirka ka soo qayb galay uga duwan maalmaha caadiga ah waxana carabkooga iyo maskaxdooda si lama filaan ah uga soo burqanaayay hadalo u badan horumar , guul , midnimo , wax wada qabsi , isku tunaasul .Duur xulka hadalaasi oo hadii laga dhabeeyo aad ka dareemi karto in jaaliyada beesha samaroon ee dagan dalka Norway ay dhabada saartay Wado wanaagsan oo ku hagi doonta dariiqa guusha iyo horumarka.
    Guntii iyo gabagabadii shirkaasi ayaa waxa lagu soo afmeerarey jawi qurxoon , waxana la isku raacay in meeshaasi lagu doorto gudi ku meel gaar ah oo kookaban shan xubnood  sida madasha ka muuqatayna dhamaan kasoo qay galayaasha kulanka ayaa aad ugu mahad celiyay dadkii isku holway kana soo shaqeeyay suura galinta kulankan , kuna dhiiri galiyay in ayna ka daalin isku keenida iyo xidhiidhka jaaliiyada guud ahaan.
    Cabdilaahi Xaaji Saciid
       

                      

     Somalilandeye.com    

         

         

       

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

      

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: