SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweynaha oo Casho Sharaf ugu Sameeyay Madaxtooyada Safiirka France u Fadhiya Jabuuti, sawiro

    Posted by Sawnews.tk on April 19, 2010

    Sawnews(Hargaysa)War-saxaafadeed uu soo saaray Af-hayeenka Madaxtooyada, Siciid Cadaani Mooge, ayaa waxa uu ku yidhi ‘’Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu caawa casho sharaf ugu sameeyay qasriga Madaxtooyada wefdigii ka socday  Dawladda Faransiiska oo uu hogaaminayay, Danjiraha u fadhiya Faransiiska Jamhuuriyadda Jabuuti Mr. Dominique Decherf.Wefdigaasi oo muddo dhawr maalmood ah booqasho ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu ugu horeyntii Madaxweynuhu, si weyn ugu mahad naqay socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland iyo sida ay  diyaarka ugu yihiin in ay indhahooda ku arkaan waxyaabaha ay qabsatay Somaliland oo ay ugu horeyso Nabad gelyada iyo Xasiloonida dalka ka jirta.

     Madaxweynuh, isagoo ka hadlaya geedi socodka dimuqraadiyada ay Somaliland ku caano maashay waxa uu yidhi ‘’Waxa aanu diyaar u nahay in ay dalka ka qabsoonto doorasho xor oo xalaal ah, sidii kuwii hore ee dalkayaga ka dhacay. Waxaanan ku kalsoonahay in shacbiga Somaliland ay si nabad gelyo ah codkooda u dhiiban doonaan marka lagu dhawaaqo wakhtiga doorashada’’.

       Mr. Dominique Decherf, Danjiraha Dawlada Faransiiska, oo isna si kooban uga hadlay casho sharaftii lagu soo dhaweeyay isaga iyo wefdigiisaba, waxa marka hore uu ugu mahad naqay soo dhawaynta fiican ee Xukuumada iyo Shacbiga Somaliland ay ku soo dhaweeyeen intii ay dalka joogeen, isla markaana waxa uu sheegay in socdaalkiisa ujeedadiisu ay tahay in ay indhahooda ku arkaan una kuur galaan xaaladda Somaliland, gaar ahaan sida uu dalku ugu diyaar garoobayo in  ay si nabad gelyo ugu qabsoonto doorashooyinka ku soo food leh.

     

    Waxa kale oo uu intaa raaciyay in Dawlada Faransiisku ay diyaar u tahay in shacbiga Somaliland ay ka caawiso dhinacyada Horumarka oo ay ugu horeyso dhinaca Waxbarashada iyo sidii dhalinyarada loogu fududayn lahaa Waxbarasho bilaash ah oo loo diro Jaamacadaha dalka Faransiiska.

     Safiirka Dawlada Faransiiska ee Jabuuti iyo Wefdigiisu intii ay joogeen Somaliland waxa ay socdaal ku kala bixiyeen, Magaalada Boorama, gaar ahaan Jaamacadda Camuud iyo dhakhtarka cusub ee Al-xayaat ee laga dhisayo Magaalada Boorama.

    Wefdigu waxa kale oo ay kulamo kala duwan la yeesheen Guddida Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi Qaran iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

    Kulankaasi casho sharafta ah waxa kale oo ka qayb galay Wasiirka Arrimaha Dibada, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda , Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Faransiiska iyo Wakiil ku xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Sweden’’

    Camuudnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: