SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Safiirka Faransiiska U Fadhiya Djibouti Oo Maanta Booqasho Ku Yimid Magaalada Borama

    Posted by Sawnews.tk on April 18, 2010

    Borama-(CNN)-Wafti uu hogaaminayo Safiirka dalka Faransiiska u fadhiya dalka Djibouti Md. Dominique Desherf ayaa manta  booqasho ku yimid Magaalada Borama. waftigan ayaa waxa soo dhaweeyey badhasaabka G/Awdal
    waxana ay booqdeen xarunta Jaamacada Camuud oo ay kula kulmeen gudoomiyaha Jaamacada Camuud, intii ay halkaasi ku sugnaayeen, waxa ay madaxda jaamacada iyo waftiga safiirku isku afgarteen sidii luuqada faransiiska loogu dari lahaa luuqadaha wax lagaga barto jaamacada Camuud.

    Gudoomiyaha jaamacada Camuud Prof.Saleebaan Axmed Guuleed ayaa waxa uu u sheegay waftigan inay u qorshaysan tahay in luuqada faransiiska lagu daro luuqadaha wax lagaga dhigto jaamacada Camuud, waxana uu ka dalbaday waftigan inay dowladda faransiisku taageero ka gaysato sidii loo hirgalin lahaa xarun dhaqan oo luuqada faransiiska lagu dhigto oo ay jaamacadu yeelato.

    Waftigan ayaa waxa kale oo ay booqdeen Isbitaalka AL-Xayaat iyo dugsiga sare ee AL-Nuur oo qaar ka mid ah ardayda wax ka dhigta ay luuqada Faransiiska wax ku bartaan, waxana qaar ka mid ah ardaydii ay Safiirka kula hadleen luuqada Faransiiska taasi oo uu aad u soo dhaweeyey.

    Duhurnimadii maanta ayuu badhasaabka G/Awdal ka qayb galay qado sharaf loo sameeyey waftigan , ayaa waxa ay la kulmeen dhalinyaro iyo shaqsiyaad kale oo ay awowyaashood ka mid ahaayeen Askartii u dagaalantay dagaalkii labaad ee dunida dalka Faransiiska, Waftigan ayaa isla galabtaba waxa uu ku laabtay magaalada Hargeysa.

    c/rashiid maxamed daahir (daacad)

    camuudnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: