SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Harawa Iyo Hawl galkii Nabada

    Posted by Sawnews.tk on April 16, 2010

    Borama(Sawnews)  Labada beelood ee walaalahaa ee Makayldheere iyo Bahabar Cabdlalee oo ay ka dhaxaysay colaad soo jireen ah marar badana dagaalo ku dhex mareen dixda harawa dagaaladaas oo lagu qiyaasasay dad Boqol kor udhaafaya inay ku dhinteen, ayaa waxa ugurmaday duqayda Jibriil yoonis oo iyagu si iskooda isku xilqaamay

    8/02/2002   ama 20/02/2009   waxay ahayd maalin murugo, waana maalintii gurmadkii ugu horeeyey uu tagay dixda Harawa , maalintaasi dixda laguma arkayn wax dhaqaaqa oo ka ahayn nin dhifays ku jira oo wixii ka soo horbaxa dilaaya , xoolo iyo dad iskaba daaye ugaadhii ayaa ka firixday hasa yeeshee markii muddo 15 cisho ah markii Guddiga nabadaynta labada beelood isaga dab qaadaayey tuulooyinka Cagaar wayne , Sh. Nabad Galyo , Arraabi Iyo Darar wayne .

        Ilaahay mahadi ha kagaadhee wuxu guddigu ku guulaystay Xabad joojin hadana waxay qaadeen Tallabadii 2aad oo ah in ay dhinac walba  la kulmaan : Odayaasha dhaqanka qaar ka mid ah .

    Waxaanay kala hadleen odayaasha labada dhinac ee dirirtu udhaxaysay  ujeedooyinka ay u yimaadeen . taas oo ah inay ilaahay dartii ugu soo gurmadeen  oo ay yihiin dad walaalahood ah oo dhalasho iyo deegaanba ka dhexeeyo , ayna rabaan wanaagooda , kana xunyihiin dhiiga daadanaya ee inamada  sidaa darteed ay ka aqbalaan nabada ay ula socdaan si rasmi ahna ay ujoojiyaan Xabbada .

    Markii uu Guddigu intaa xaqiijiyey odayaashiina ka aqbaleen wuxu guddigu ku xijisiiyey in la ka qaado ciidamadii iska soo hor jeedey ee labada dhinac ,inkastoo shiki iyo dareen badani jiray marar badanna lagu guulaysan waayey oo lagu fashilmay joojinta dagaalka hadana waxay odayaashii ka aqbaleen  labadii qodob ee Guddigu  usoo jeediyeen  oo ahaa:

    1. 1.    Xabbada oo la joojiyo  iyo
    2. 2.    Ciidamada oo la kala qaado

               Markii guddigu howshan ku dhex jiray in muddo ah , xaqiijiyeyna labadii qodob inay hir galeen wuxu guddigu usheegay wax garadkii iyo duqaydii  labada dhinac iyo dhallin yaradii qoryaha sidatay inay xaflad ugu qabanayaan tuulada ( Dhamal ) sidaana ay ka aqbalaan , waanay ka aqbaleen, iyo ganacsato bulshada dhexeeda magac kule.

     14/01/2010  waxa xaflad aad loo soo agaasimay  lagu qabtay tuulada Dhamal , xafladaas oo ay ka soo qaybgaleen dhamman odayaashii iyo dhalinyaradii iyo horjoogayaashii maleeshooyinka, waxa kale oo ka soo qaybgalay madaxdii maamulada labada degmo ee Awbarre iyo Danbal.

        Ugu horraynba xafladaas oo si quruxbadan looga soo shaqeeyey waxa hadal halkaa ka jeediyey Gudoomiyaha dhaqaalaha Guddiga dibuheshiisiinta Beelaha Harawa ( Suldaan Faarax  Maxamuud Nuur ) oo markaa ahaa Gudoomiyaha Guddiga ,waxa uu halkaa labada dhinac uga caddeeyey inay walaalnimo iyo wada dhalasho ay ugu soo gurmadeen kana rabin waxa dhaqaale iyo marti  gashiin midna ,ujeedadooduna tahay inay heshiiyaan oo kali ah .

              Waxa kale oo Gudoomiyuhu halkaa ka cadeeyey Hadafka iyo ujeedada ay meesha uyimaadeen iyo sidii ay nabada uwaajihi lahaayeen waxa kale oo uu sheegay inay Guddiga dawladda ka haysato ogolaasho  (mandates) .

        Xafladaasi waxay ahayd mid dhammanba ay isku aamineen labadii dhinac iyo guddidii usoo gurmatay waxa halkaa ka hadlay maamuladii labada degmo kana wakiilka ahaa dawlada Ethiopia,  waxay  halkaa ka caddeeyeen inay dhammaanba labada dhinac ka faa’iidaystaan fursadan qaaliga ah ;sidaasna ay dawlada Ethiopia  ee ay wakiilka ka yihiin raali ku tahay .

    Waxa kale oo maamulada labada degmo ay halkaa ka cadeeyeen taageero Hiil iyo hoob leh inay la garab taagan yihiin guddiga iyo labada beelood ee walaalah cidkasta oo nabada is hortaagtan gacan bir ah lagu qaban doono ,gaar ahaan Gudoomiyaha degmada Awbare Mudane : Yahye Aamir .wuxuna halkaa ka sheegay inay tani tahay fursad qaali ah ,oo ay mudantahay inay ka faa’iidaystaan isagoo cadeeyey inay tani noqon doonin sidii ku wii hore ee wax kasta oo odayaashaasi  soo saaraan ku gacan siin doonaan .

       Markay xafladaasi dhamaatay waxa halkaa lagu sameeyey labo guddi oo min 17 xubnoodah oo labada dhinac ka kooban oo si rasmi ah nabadda ugala shaqeeyey Guddiga nabad ee Jibriil Yoonis. Wuxuna guddigu uga cadeeyay walaalahood qorshe howleedkuu uu uwaajihi lahaa nabada.

    Qodabka 1aad : si ay isku aaminaan way is dhaarsadaan waxan dhaarta ku horeeyey guddiga nabadaynta Jibriil Yoonis waxayn usheegeen inayna ukala eexan labada dhinac , waxana halkaa ku dhaariyey gudoomiyihii degmada maxkamada degmada Denbal, hadana waxaa halkaa ku dhaartay odayaashii labada dhinac oo 34 oday ,dhammaantoodna waxay isku dhaarsadeen inay si wada jir ah uga shaqaynayaan nabada. Qisada halkaa kadhacday waxay ahayd wali lama arag guddi dhaarata isla markaana aanan waxba ka rabin ciddi ay ugar qaadaysay waxana halkaa ka cadaatay inay run ka tahay waxay sheegayso guddigu sidaas ayeyna ku aamineen labadii beelood ee walaalihii ee ay usoo gurmadeen .

    waxana la qarin karayn oo run ah inay si daacad odayaashii labada dhinac ula bilaabeen howshii nabadaynta,waxan lagudo galay qodobadii ugu horreeyey kuwaas oo ahaa

    1)   In la galo wixii la kala dilay .

    Waxaana guddigu ku amartay odayaashii labada dhinaca  inay soo gudbiyaan liiskii ka dhintay labada dhinac, waxayn keeneen dhinicii Baharcabdalle 7 nin ,dhinaca kalena 6 nin, hasayeeshee waxa la’isku dafiray laba nin ,waxaanay qirteen 11 nin  ;guddigu wuxuu dib udhigay labadii muranku ka jiray.

    Waxa kale oo guddigu amray in labo oo ladilay muddadii guddigu joogay la keeno axankoodii iyo kafankoodii oo ah ninkiiba Awr iyo labakun oo bir(2000Bir) waana la keenay.

       Waxa kale oo guddigu amray in muddo 15 maalmood ah lagu keeno dhammaanba magtiii koobiyo tobanka nin (11nin) , sida caadada ahna magta soddon(30) waxa lasiiyaa raaskii ninku ka dhintay  todobaatankana (70) waxa loo reebaa tolka ,sidaa darteed waxaa la’amray in soddonkii (30) raasku lahaa la keeno  todobaatankiina (70) la iska daayo .

    Dhammaanba waxay si sharaf iyo runi ku jirto usoo fuliyeen ,11kii nina magtoodii waxa lagu bixiyey mudadii 15ka maalmood.

    Waxa kale oo guddigu ugudbay labadii muranku uu ka taagnaa iyo nin kale oo Bahabar cabdalle iska dishay ,kadib markii ay ku dacwiyeen labadii muranku ka taagnaa waxa caddaatay inay qolaba ka dhaarato inaanay iyaku dilin.

    Waxana ka dhaartay dhinac walba laba oday ,hasayeeshee si agoontii loo samirsiiyo waxa guddigu amray in soddokii (30) neef la siiyo agoontii sidaas ayey Bahbarcabdalle labadii nin min 30 kii siiyeen ,Makaydheerena aw ninkiisii  isna sidaas oo kale ku bixiyey.

    Hawshaasi waxay ku soo dhamaatay si nabad ah , waxayna ahay wajigii sadexaad sidaas ayuu ku soo dhammaaday.

       1/08/2002  ama 9/04/2010   waxa xaflad kale loogu qabtay labadii dhinaca xarunta nabadaynta Beelaha Harawe.xafladaas oo isugu jirtay sadqo iyo adkaynta nabada .waxana xafladaas ka soo qaybgalay dhammaanba beelihii diriritu udhaxaysay haday tahay : odayaal,dhaliyaro,dumari iyo carruur  dhammaantood .waxana halkaa gacmah is qabsaday dadkii walaalaha ahaa ee mudada ka la maqnaa  ,maalintaas waxay ahay maalin farxada iyo ciyaar iyo rayn rayn ah .waxan halkaa laga akhriyey siddeed qodob oo ku saabsab nabad galyada oo uu guddiga nabadayntu soo bandhigay ,wayna ku qanceen labadii dhinac iyagoo ku ansixiyey cod buuxa , waxayna halkaa caddeeyeen labadii beelood ee walaalihii inay raalli ka yihiin sida ay walaalohood usoo dhammeyeen wajiyadii hore , wajiga danbe oo dhulkii ahna ay sidoo kale raali ka yihiin inay ugalaan intii hawsha hore usoo waday , sidaasna waxay ka hor caddeeyeen dhamaanba guddiggi nabadaynta maamuladii labada degmo Awbare iyo Danbal oo dawlada ka wakiilka ah .

    Waxa xusid mudan oo caddaynaynaa inay dhamaanba labada beelood ee walaalaha ah ay ula soo shaqeeyeen odayaasha nabada.

    Waxaan soo dhawaynaynaa una mahad naqayanaa sidii ay isku kaaya garab taageen madaxdii dawladda ka wakiilka ahayd .

    Waxa isku soo dubbo riday: xoghaya Guddiga nabadaynta beelaha Harawa : Jaamac Faarax Xareed.

    ALLAA  MAHAD  LEH

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: