SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxweyne Rayaale Oo Xaley Madaxtooyada Casho Sharaf Ugu Sameeyey Gudoomiyaha Doorashooyinka Dalka Ghana

    Posted by Sawnews.tk on April 15, 2010

    Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Waxaa u xalayto Casho Sharaf ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyadda Dr.kwadwo Afarigayan, Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka ee Dalka Ghana oo booqasho shan casho ah ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland.

    Madaxweynuhu waxa ugu horantii  ugu mahadnaqay Dr.kwadwo Afariyan booqashada uu ku yimi Somaliland waxana uu ku amaanay Dalka Ghana oo ah wadamada Qaaradda Africa ugu horeeya dhinacyada geedi socodka Dimuqraadiyada, isagoo xusay Madaxweynuhu booqashadii uu ku tagay Dalka Ghana sanadkii 2007-dii  .

     Isagoo ka hadlaya nabadgelyada iyo Dimuqraadiyada Somaliland ay ku caano maashay waxa Madaxweynuhu sheegay in Dawladiisa ay ka go’antahay in Dalka ay ka qabsoomaan Doorashooyin Xor ah oo Xalaal ah oo ay ugu horayso tii Madaxtooyadda, sidii kuwii hore ee Dalka ka dhacay.

     Waxa kale oo Madaxweynuhu intaa raaciyey in kalsooni buuxda uu ku qabo in shacbiga Somaliland ay si nabadgelya ah u dhiiban doonaan Codkooda marka lagu dhawaaqo in Doorashadu ay dhici doonto.

     Dr.kwadwo Afarigayan  waxa isna ugu mahadnaqay Madaxweynaha, Xukumada iyo Shacbiga Somalilandba sidii diiranayd iyo kalgacalkii loogu soo dhaweeyey intuu joogay Dalka .

     Dr.kwadwo oo ahaan jiray Macalin ka dhigi jiray Jamacadaha Dalka Ghana iyo wadanka Maraykankaba, waxaa lagu tilmaama in uu ka midyahay dadka waayo aragnimada iyo khibrada u leh arimaha Doorashooyinka Qaaradda Africa, waxaana wadamo badan oo Africa ah uu ka siiyey talo bixin iyo tababaro la xidhiidha habka Doorashooyinka.

    Dr.kwadwo intu joogay Somaliland waxa uu kulamo kala duwan la yeelan doona Komishanka Doorashooyinka, Axsaabta Qaranka iyo Hay’addo kale oo ka tirsan Somaliland.

    ALAA MAHAD LEH

    Af-hayeenka Madaxtooyadda

    (Siciid Cadaani Mooge)

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: