SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Arday Somaliyeed oo Wacdaro ka Dhigay Bandhig Dhaqameed ay ku Tartamayeen 4 Dal oo Carabta ah + Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on April 13, 2010

    Haydarbad(Sawnews)Markay bishu ahayd 11/ April, ayaa waxa ka dhacay Magalada Haydarabad ee dalka Pakistan Xaflad lagu soo Bandhigayo Bandhig Dhaqameedyada Ardayda  wax ka barta Jamacada jamshoro oo magacoogu yahay { Somali student Association } Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen ilaa 4  Wadan oo ay ka mid ahayeen Somalia, Suudan , syria, ,Falstin, waxaa soo qaban qaabiyey xafladaas ururka Ardayda Arbta ee wax ka barata magaaladaas hayderabad  gaar ahaan jamshooro.

     

     
    waxaana kasoo qeybgalay xafladani masuliyiin isugu jirtay madaxda jamacadaha ku yaala Haydarabad gaar ahaan Jamshoro iyo safiiro ka kala socday safaaradaha Carabta Masuulliyiintii ka soo qayb gashay Xafladaasi waxaa laga xusi kara,
    1)vice-chancellor of university of sindh prof.Dr.nazir ahmed mughal
    2)vice-chancellor mehran university of engineering and technology jamshoro professor Dr. abdul qadeer rajput
    3)pro-vice-chancellor university of sindh prof.Dr. iqbal ahmed panhwar
    4)vice-chancellor liquate university of medical and health sciences prof Dr. noshad ahmed sheikh.


    Waxaa sidoo kale halkaasi isugu yimid marti sharaf ka kala socotay jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Pakistan gaar ahaan magalada Karachi , gudoomiyha ardayda somalida ee jamshoro ibrahim Mahmud iyo gudoomiyaha ururka ardayda karachi university Mr shaafici iyo gudoomiyaha ururka wadaniga ee somaliyeed mr kamal Guleed iyo gudoomiya ku xigeenka Ururka Wadaniga Soomaaliyeed sheikh abdi nasir.

    Ardayda Somliyeed { Somali student Association } oo si aad ah isugu howlay in ay soo bandhigaan Xafladaasi ayaa wax ay soo badndhigeen Hidaha iyo Dhaqanka Somaliyeed taasoo Run ahaantii soo jiidatay indhahii Dadkii u soo daawasho tagay iyo Ardaydii Ajaanibta ahaaba, Bandhig Dhaqameedkaasi oo si heer sare ah ay ugu soo Tabaabushaysteen Ardayda Somaliyeed Ayaa Waxay Ku Daah Furteen Heesta { Haybad waxad ku leedahay dhulkaaga Hooyo } Taasi Oo mar Qudha Fadhiga Kawada Kicisay Daawadayaashii Soomaalida Ahaa Ee Yimid Madasha Aykadhacaysay Xafladu.


     
    Kadibna waxa la guda galay Qaybihii kala duwanaa ee Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka somaliyeed kuwooda ugu Caansan sida :Saylcida iyo,Dhaantada.oo wiilasha iyo habalaha somaliyeed oo ku labisnaa Calanka somliya ay si wanaagsan u soo bandhigeen ciyarahaasi waxa kale oo iyadana la ilaawi Karin sidii Habsamida Lahayd ee Gabadhaha Soomaliyeed u Muujiyeen Doorka ay ku leeyhiin Hidaha iyo Dhaqanka Dalkooda hooyo.


     
    wax kale oo xusuid mudan in Ciyaarta dhaantada markii ay ciyaarayeen Dhalinta iyo gabdhaha somaliyeed  ay si wanaagsan ula dheceen Jamaahirtii kala duwnayd ee ka soo qayb gashay Madashii ay Xafladu ka Dhacaysay.

     
     
    Adray ka mid ahaa Ardayda soomaliyeed Mr.Ahmed Muhumed Hussein suufi,raju Ayaa isuguna Waxoogaa Sharaxaada Siiyay Masuuliyiintii Goobtaas isugu Timi isagoo Uga Xog Waramay Taariikhda Soomaalia. Dabadeedna Waxuu Halkaas Ku Gudoonsiiyay  Dadyowgii Kasoo Qayb Galay Warqado Diyaarsanaa oo Siwanaagsan Looga soo Shaqeeyay Warqadahaas oo ay Kuqoraayeen Taariikhda Soomaaliya.Kuna Qornaa Luqada Englishka Si Ay U Aqristaan Umadaha Kale Ee Madasha Xaflada Kadhacaysay Joogay.
     
    Sidoo Kale Waxaa Halkaas Kadhacday Oo iyana Aan Sinaba Loo iloobi Karayn Riwaayadii Wanaagsanayd Ee indhaha Dadweynaha Sida Wacan usoo Jiidatay Ee Ay Wadajir Ku  Dhigeen Dhamaan 4tii Wadan Ee Kasoo Qayb Gashay Xafladaas Qiimaha Badnayd. Riwaayadaas Oo Ay Ku Matalayeen Ururka Jaamacada Carabta.


     
     
    Iskusoo Wada Duuboo Gabagabadii iyo Gunaanadkii Xafladaas Waxay Kusoo Gabagabowday Soomaalida Oo Noqotay Hormuudka 4tii Wadan Ee isugu Yimid Xafladaas  iyagoo Aad iyo Aad Loola Dhacay Qaababkii Farsamada Lahaa Ee Ay usoo Bandhigeen Ciyaarahooda iyo Heesahoodii Wanwanaagsanaa iyo Waliba Shacniga iyo Labiska Ay Wateen inamada Soomaaliyeed iyo Hablaha Soomaaliyeed oo Aad Moodaysay Sidii Dayax 15aad Ah Calashaan Nuurka Kabaxayay Dhalintaa Soomaaliyeed.
     
    Abdisamad x Mizan { Khan }
    Safar65@hotmail.com

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: