SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shir Jaraa’id oo uu qabtay Gudoomiyaha Ururka Horumarinta Wadooyinka ee Gobolada Awdal/Salal +Sawiro

    Posted by Sawnews.tk on April 8, 2010

    altBorama(Sawnews) Gudoomiyaha ururka Horumarinta wadooyinka Awdal/Salal ee marka magaceeda loo soo gaabiyo ASARDA, Pro: Xasan Cali Cisman iyo qaar ka mid ah salaadiinta iyo haweenka , ayaa saaka lagu qabtay Hotel Rays.

    Shirkiisan jaraa’id ayaa waxa uu imanayaa, xili lagu jiro diyaar galow, halkii ugu saraysay, ee dhinaca wadada laamiga ah ee dhawaan bilaabmaysa dhismaheedii.

    Shirkan jaraa’id ayaa ugu horeyn, waxaa lagu furfuray aayado quraanka kariimka ah.

    Quraankii ka bacdi, ayaa waxaa hadalka ugu horeyn qaatay, Suldaan X/C/raxmaan Jaamac Dhawal, oo ku hadlayay magaca salaadiinta, waxa uuna sheegay inuu umahadnaqayo, ganacsatadii ugu horeysay ee soo ajiibtay,codsigii uga yimid, ururkan ASARDA, waxa uuna sheegay qaybta labaad ee ganacsatada, iyagna in dhawaan ay u diyaar goloobi doonaan ka qayb qaadashada dhismahan wadada laamiga ah.

    Sidoo kale waxa uu suldaanku sheegay, ina lacagtii ugu horeyn lagu yaboohay, ay 85% ay soo xarootay, ayna rajaynayaan maalmahan soo socda, in ay inta dhiman ay soo xarayn doonaan ganacsatadu.

    Sidoo kale waxa uu suldaanku fariin udirayaa, qurba jooga ka soo jeeda Goboladan Galbeedka waa SALAL/AWDAL, in ay kaalintoodii ay banaantahay,loona baahan yahay, inay ka wada qayb qaataan wajiga labaad,ee qaadhaan ururinta.

    Sidoo kale waxa uu suldaanku sheegay inay si toos ah iyo si dadbanba ay ula shaqayn doonaan, Xubnaha ururkan ku jira dhamaantood, oo uu ugu Horeeyo, Pro: Xasan Cali Cismaan, oo uu yidhi waa shakhsi, ay damaqday wadaniyad iyo damiir fayow, waxa uuna sheegay in ay hadh iyo habeenba ay la shaqayn doonaan.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadlay, Gudoomiyaha Ururka Horumarinta wadooyinka Gobolada Awdal/Salal, Pro:Xasan Cali Cismaan, waxa uuna ugu horeyn Mahad naq aan la soo koobi Karin hawada umariyay, lacag uu sheegay in ay iminka ku hawlgaleen, oo dhan dhawr iyo toban kun oo doolar, waxa uuna sheegay, lacagtaasi inay ka timid Gabdho iyo wiilal ka soo jeeda Goboladan Awdal/Salal, oo ku kala nool wadamada Engiriiska iyo Swizerland, waxa uu sheegay, in gabdhahani ay soo direen lacag dhan dhawr iyo tobankkun oo doolar, waqtigii ururka hore uu gudoomiye ka ahaa, C/qaadir Adam Nuur, iyo lacag kale oo isla waqtigaa ka timid, dhalinyaro raga oo ku nool Swizerland oo qadarkeedu dhanaa, dhawr kun, waxa uuna sheegay in lacagtaasi ay ku jirtay ilaa waqtigaas, Accountka Ururkii horey loo odhan jiray ARNA ee iminkana la magac baxay ASARDA, waxa uuna sheegay in lacagtaasi ay noqotay , tii ugu horeysay ee aan maalmahan aan ku shaqayno, waxa uuna sheegay gudoomiyuhu inay aad iyo aad umahadsanyihiin, labada qaybood ee bulshadeena ka midka ah ee lacagtoodii maanta qayb ahaan ay shaqaynayso, waxaanan u sheegayaa, dadkaas inay qayb lixaad leh lacagtaasi ay iminka noo hayso.

    Sidoo kale waxa uu sheegay, in hawlihii ay todobaadyadan ay hayeen, ay ugu danbaysay, Sarfeey ay wadeen mudo 4Cisho ah, taas oo ay ku soo sameeyeen, dhul dhan 5 kiiloomitir, taas oo ah tii ay balan qaadeen ganacsatadu in ay bilaabayaan, waxa uuna sheegay in lacagtii aan waqtigaa yaboohnay aan hayno 85% inta kalena aan ka sugayno haweenka iyo ganacsatadii balan qaaday kiiloomitaraadka ugu horeeyay, sidoo kale waxa uu sheegay in ay dhawaan bilaabmayso, dhismihii wadadaas, kana bilaabmayso dhigta Borama una soconayso Dilla,hoosna uga soconayso Cammuud.waxa uuna ka dhawaajiyay waqtiga uu bilaabmayo dhismahaasi, waxa uuna sheegay 24 April/10 in si rasmiya ay wadadu ubilaabmayso.

    Sidoo kale gudoomiyuhu waxa uu mahadnaqay ganacsatadii iyo dadkii kale ee isa soo xilqaamay ee lacagaha ay iminka hayaan ee 85% soo bixiyay, waxa uuna sheegay inta kale ee dhimana ina ay walalohooda jooga dalka dibadiisa iyo gudahiisaba ay ka qayb qaadan doonaan.

    Sidoo kale halkaa waxaa ka hadashay Faa’isa Sh/Xasan Nuuriya, oo ku hadlaysay afka Haweenka , waxa ayna sheegtay, ka haween ahaan inay horeyna uga dhawaajiyeen, kaalintooda iminkana ay leeyihiin waxaan la tartamaynaa raga, waxa ayna sheegtay, in ay iyagu wixii ay yabooheen ee ahayd halka kiiloo mitir, inay ka kordhiyaan mooyee ,inayna hoos uga dhacayn, waxa kale oo ay sheegtay , in ay dhawaan magaalada ka hir galiyeen afarteeda xaafadood, wacyigalin xaafad xaafada, oo aan u sheegnay in ay haweenku ka qayb qaataan dhismaha wadankooda iyo goboladooda , oo ay ugu horeyso wadadan iminka socota.

    Sidoo kale waxa ay  ugu baaqday Faa’isa Haweenka qurba jooga ee ka soo jeeda Goboladan Awdal/Salal/ ee ceelna uqodnayan cidna umaqnayn, in ay Boodhka iska jafaan, kana qayb qaataan dhaqaaqan loo dhaqaaqay, dhinaca wanaaga ah.

    Waxa ayna sheegtay kaalintii haweenka guda jooga ahi, inay buuxiyeen, loona baahan yahay in ay buuxiyaan kaalintoodii ahayd haweenka qurba jooga.

    Ugu danbayn halkaas waxaa laga wada dhawajiyay in laga wada qayb qaato, sidii loo dhisi lahaa wadadaa aynu ka shacab ahaan dusha aan u ridanay,weelkaaga inta ku jirta uunbaa waxa laguugu dari karaa, laakiin hadii aad weel madhan aad la naanaabto, waad ku hungoobi.

    Isku soo wada duuduuboo , bulshada Reer Awdal/Salal, waa ay dhaqaaqday, waxa aanu leenahay hadaan nahay Bahwaynta shabakada Caalamiga ah Ee Borama news yuunan kaa tagin Buskaas dhaqaaqay, ee iminka xaga hore ka soo kor, waxaanan leenahay dad badanina waxa qori doonta taariikhda, waxaanan leenahay taariikhda baalka dahabka ah Ee reer Awdal/Salal Qori doonta xaga hore ka saarnow.

     

    Gudiga wadada dhisaysa wixii faahfaahina ee intaas dheer kala soco

     Gudoomiyaha Ururka ASARDA: Pro: Xasan Cali Cismaan:+252-2-4455707

    Gudoomiye Ku xigeenka ASARDA: X/C/qaadir Adam Nuur:+252-2-4452002

    alt

      

    alt 

    alt 

    alt 

    alt 

     

    alt 

    alt 

    alt 

    Jaabir Omer Ali
    Bnn-Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: