SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Professor Hassan Ali Osman Waa Halyey Nool, Oo Naftiisa U Hurey Horumarka Gobolada Awdal iyo Salal

    Posted by Sawnews.tk on April 5, 2010

    Ummadd kasta oo koonkan ku dul nooli waxey leedahay halyeyo lagu hirto Oo lagu xasuusto taariikhda iyo taranka harumarka dhaxal galka ah ee ay uuga tagaan dadkooda, kuwaasi oo dhandhan iyo dherer suuban u sameeya taxanaha sooyaalka iyo nolosha bani,aadamka ay ka dhasheen.

    Waxaa waajib ku ah qofkasta oo qalbigiisa ay biyo dhigtey wadaniyadu inuu si bayaan ah u xasuusto kuwaasi ka dhashey ee ay iftiinkiyo midhihii macaanaa ee ay ka tageen hadhsanayaan ummaddiisu, waxaa la rabaa in ruuxba ruuxa kale u tabiyo wanaagii uu lahaa halyeyga ka dhashey iyo sababihii uu ku muteystey in magiciisu bulshada inteeda kale ka sareeyo, taasi baa keeni karta ka nooli inuu sameeyo ku dayasho daah furka su,aasheedu tahay talow dadkaaga maxaad u qaban kartaa? Si marka aad Geeriyooto geesinimada xasuustaadu guud fadhiisato ga,yiga aad ka dhalatey, qofka fursad u hela jaaniskan dahabiga ah marka la duugo waxa uu la misaal yahay qof nool oo dunida korkeeda kaaha iyo karaamadiisu aan ka libdhin.

    Waxaa jira dad Reer Awdal ah oo taariikh muuqata dadkooda uuga tagey, Nasiib xumo kuwaasi wali fursad umey helin in jiilka yar yar ee soo koraya la baro, loo bayaamiyo, waxqabadkii wanaagsanaa ee ay bulshadooda iyo baladkooda uuga tageen, darka kale waxaa jooga dad Reer Awdal ah oo wali nool, waxtarka ay dadkooda iyo dalkooda u leeyihiin ay tahay mid muuqata oo aan marnaba martabada ay dul fadhido mudnaanteeda la dafiri karin.
    Halyeyadii Diineed, Difaaceed, Siyaasadeed, Suugaaneed, Tacliimeed, Horumarineed, Hogaamineed ee ka dhashey dadka Reer Awdal waxaan leeyahay Rabi naxariistii Janno ka waraabiyo, waxtarkii ay dadkooda iyo dalkooda uuga tageena maanta haddii la waayey xus maamuus oo magacooda iyo waxqabadkoodii lagu muujinayo bi’idnilaahi Kariim berri baa la heli doonaa kuwa u heelan siddii loo hirgalin lahaa in Taalooyin xusuus ah loo dhiso.
    Hase yeeshee maanta waxaan ka hadlaynaa mid ka mid ah Halyeeyada Nool ee Reer Awdal ka dhashey kaas oo Horumarka dalkiisa iyo dadkiisa marnaba aan ka seexan, tilmaamta iyo sifada taas daliilka cad u ahna ay tahay danta guud ee uu maanta shaqadiisii gaarka ahayd ka door bidey, halyeygaas oo ah Prof Hassan Ali Osman oo imika ah Gudoomiyaha Hay’adda ASARDA ee Himiladeedu tahay siddii loo wada dhameys tiri lahaa dhismaha wadooyinka waa weyn ee mara Gobolada Awdal iyo Salal.
    Hadaba waa kuma Prof Hassan Ali Osman? Prof Hassan Ali Osman waxa uu ka mid yahay aqoonyahanada Reer Awdal ee Dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba wax ku bartey, in muddo ah ayuu ku noolaa oo uu deganaa dalalka Khaliijka gaar ahaan Wadanka Saudi Arabia, waxaana lagu tilmaamaa in uu kow ka yahay Aqoonyahanda fara ku tirsiga ah ee hamadooda iyo rabitaankoodu u heelan tahay siddii Horumarka Gobalada Awdal iyo Salal u noqan lahaayeen kuwo hana qaada oo geedka mustaqbalkoodu midho dhalo, waa Aabihii aasaasey Jaamacada Camuud oo ah Jaamacad weyn oo tartan dhinaca tayada Aqoonta ah kula jirta Jaamacadaha ugu wanaagsan kuwa ku yaala Geeska Africa, dadka aqoonta gaara u leh Professor Hassan waxa ay ku tilmaamaan i uu yahay Aqoonyahan fir fircoon oo Naftiisa ka jecel Horumarka dhulkiisa.
    Markii la aasaasayey Jaamacada Camuud wuxuu Prof Hassan Ali Osman ahaa shakhsi habeen iyo maalin u soo jeedi jirey siddii ay arrinta Jaamacada Camuud u midho dhali lahayd, wuxuu codkiisa dheer ee caafimaadka qaba u adeegsan jirey siddii dhaqaale badan loogu heli lahaa hirgalinta Hawlaha Jaamacada, inkasta oo Prof Hassan kaligii uuna aasaasin Jaamacada Camuud hadana waxaa la tilmaamaa oo in badana Prof Suleyman Ahmed Guled ku cel celiyey in uu laf dhabar u ahaa Aqoonyahanadii Jaamacada Aasaasey ee ay ka mid ahaayeen Dr Suleyman Ahmed Walhad, Idiris Muhumed Sacad iyo Abdisalaam Ahmed Nuur (Ilburo).
    Sidoo kale guusha midha dhashey ee Jaamacada Camuud looma wada nisbeyn karro Aqoonahanadan aaan korka ku soo xusey magacyadooda laakiin waxaa haboon in cid kasta oo gacan ka geysatey hana qaadkii Jaamacada iyo cid kasta oo ku deeqdey awood maskaxeed, mid maal iyo mid muqurba magacyadooda la xuso oo qof kastiba intii uu ku lahaa jaamacada Camuud lagu maamuuso ha noqoto mid Magaala Jooga iyo mid miyi Joogabee.
    Markii ugu horeysey ee Prof Hassan Ali Osman dalka dib ugu soo laabto ayaa ahayd wakhti Maamulka Jaamacada Camuud iyo Ardeyda wax ka barataa isu diyaarinayeen dabaal daga iyo damaashaadka Toban guuradii ka soo wareegtey furitaankii Jaamacada, wakhtigaas waxaa Prof Hassan loo soo dhaweeyey si aad u balaadhan waxaana lagaga hor tagey Magaalada Dilla, suxufiyiin Reer Awdal ayaa su,aalo kooban weydiiyey waxaanse hadaladii maalinkaa uu Prof Hassan siiyey warbaahinta ka sii xasuustaa ”Farxad weyn bey ii tahay in aan dalkeygii Hooyo dib ugu soo laabto isla markaana arko Jaamacada Camuud oo Toban jirsatey” wuxuu hadalkiisa ku darey ”Horumarka Gobolka Awdal kama xiiso dhicin waxaanan awooda saarayaa halka ugu muhiimsan in wax laga qabto”.
    Waxaan is leeyahay Maanta hadaladaasi wuu ka run sheegey Prof Hassan mar haddii uu Shaqadiisii, Ooridiisii iyo Awlaadiisii uuga yimid si uu wax uuga qabto jidadka Gobolada Awdal iyo Salal, waxaan aaminsanahay in mustaqbalka dhow arrintani Gudoomiye Hassan ku guuleysan doono midha dhalkeeda mar haddii aanu ka mid ahayn Aqoonyahanada wakhtigooda qaaliga ah ku lumiya Qeylaad, Qabyaalad iyo Qawl maalayacni ah, waxaan kale oo aan qirsanahay in hamada iyo himilada qalbigiisa ku jirtaa tahay quwad aan qiimaheeda qiyaasi karin balse qasdigeedu bar tilmaamsanayo in Horumar buuxa lagu gaadhi karro wax wada qabsi.
    Ugu dambeyntii Waxaan rumeysanahay in qof kasta oo Reer Awdal ah lagu qiimeeyo inta uu dadkiisa iyo dalkiisa u tarey isla markaana lagu tixgaliyo  waxqabadkiisu heerka uu gaadhsiisan yahay,  iyada oo waxtarkiisana loo iftiimiyo bulshada, taas aniga oo ka shidaal qaadanaya ayaan shiishka qalinka maanta dul dhigey Halgamaaga weyn ee dhinaca Horumarka Gobolada Awdal iyo Salal Prof Hassan Ali Osman.
    Abdirasaaq Hammaal

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: