SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Dadweynaha Reer Boorama Oo u Heelan Dhisida Jidka Boorama iyo Dilla U Dhexeeya

    Posted by Sawnews.tk on April 3, 2010

    Waxa wali socota sidii loo dhaqaajin lahaa hawlaha  lagu heelan yahay baryahani danbe ee ka socda Magaalada Boorama taasi oo ah in la dhiso jidka u dhexeeya Boorama ilaa diLla kadibna la soo gaadh siiyo ilaa jaamacada camuud iyo garoonka diyaaradaha ee Aadan Isaaq International Airport.

    Waxaa taasi wada oo ku jira dadaalkeeda Hay’adda ASARDA  waana dhalin yaro rabta in wadankoodu horumaro maadaama aanay jirin cid wax ka qabanaysa jidkaasi taasina ay keenatay in la soo celiyo iskaa wax u qabsadii lagu dhisay dhismayaal ay ka mid ahaayeen dugsiyada ku yaala magaalada boorama.

    Sida aan ka war qabno waxaa la wacyi galiyey dadweynaha Reer Boorama oo la tusay in dadku wax qabsan karaan oo cidkale awax laga sugi karin ayaa waxa la bilaabay in ganacatada ay soo ururiyaan lacago iyaga oo loo kala saaray sida loo kala hanti badan yahay ee ilahay u siiyey waxaanay kala yihiin heerka loo kala saaray ABC sadexdaa darajo oo kala ah qiimaha laga qaaadayo.

    Waxa kaloo dheer in ardayda dugsiyadu samaysanayaan sanaaduuq deeqeed oo ay ku  ridaan nusasaacahooda , waxa sii dheer gaadiidlayada iyo dadkale oo badan oo isku xil qaamay sidii looga bixi lahaa jid la’aanta haysata gobalka Awdal gaar ahaan magaalo madaxdiisa boorama. Waxa iyagana la ogaysiinayaa dhamaan dadweynaha reer Awadal ee ku kala nool daafaha dunida inay ka qayb qaataan hrumarkaasi laga bilaabay boorama iyo dadkii ku darsanayaa xasanaadkaasi maadaam uu iyaga ilahay ka abaal marinaayo qof kastoo ku darsada tabarucaadkaasi . waxaan idiinku soo gudbinaynaa camuudnews kolba sida loo wado hawshaasi hadii ilahay yidhaa.

    c/rashiid maxamed daahir ( daacad )

    camuudnews

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: