SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxwayne Rayaale Oo Kulan Shan Daqiiqo Qaatay La Yeeshay Salaadiinta Iyo Cuqaasha Gobolka Kana Muquurtay Garnaqsigii Ay Salaadiintu U Gudbin Lahaayeen

    Posted by Sawnews.tk on March 31, 2010

    Boorama(Sawnews)Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland md Daahir Rayaale kaahin oo maalintii afraad booqasho ku jooga magaalada Boorama ayaa maanta kulamo la yeeshay salaadiinta,cuqaasha gobolka iyo laamaha dawlada,sidoo kalena waxa uu booqday dhawr xarumood oo ay ka mid yihiin cisbitaalka guud ee Boorama iyo xarunta laga dhisayo kawaanka casriga ah ee magaalada loo qorsheeyay.
    Rayaale ayaa barqadii hore ee maanta xarunta maamulka Gobolka waxa uu kula kulmay salaadiinta iyo cuqaasha Gobolka oo la filayay inay ka wada hadlaan waxyaabo badan iyo tabashooyinka jiri kara ee ay labada dhinac isu qabaan iyo wixii danta guud ah ee u baahan in wada jirka looga shaqeeyo,balse kulankaasi uma dhicin sidii la filayay isla markii uu furmayba waxaa hadalka qaatay madaxweyne Rayaale oo ku wargaliyay in socdaalkiisa ujeedadiisu  ahayd sidii uu uga qaybgali lahaa aaskii marxuun Maxamed Xasan Mataan oo dhawaan ku geeriyooday dalka Ingiriiska, magaalada Booramana Isniintii lagu aasay sidaa awgeedna aanay qorshihiisa markii hore ugu jirin wax kulamo balaadhan ah oo uu yeesho,balse uu hadana go,aansaday intaanu noqon inuu salaan iyo xogwaran guud la yeesho qaybo bulshada ah oo ay Saladiinta iyo Cuqaashu ka mid yihiin.
    Madaxweyne Rayaale waxa uu odayada u jeediyay hadal kooban oo guud oo anu ku soo qaadin wax la xidhiidha arimaha siyaasadeed iyo xaalada uu dalku ku sugan yahay,waxa uu soo qaaday goobo uu booqday iyo waxyaabo horumar ah oo uu arkay inay soo kordheen sida jaamacada camuud,Isbitaalka Xayaat iyo goobo kale isaga oo si gaar ah u soo qaaday wadada isku xidha magaalada Boorama iyo caasimada oo ay urur mutadawiciin ahi ku hawlan yihiin sidii wax looga qaban lahaa,waxaanu sheegay inuu ka warhayo dhaq dhaqaaqa la doonayo in wax lagaga qabto jidka Dila, Boorama iyo jidadaka kale ee Gobolka isaga oo sheegay in arimahaas oo kale ay wax ka qaban karaan deeqo caalami ah kuwaas oo uu heli karo wadan haysta aqoonsi caalami ah,ama shirkado caalami ah oo cashuur marka dambe saarta jidkaas iyo cida adeegsanaysa.hadana waxa uu yidhi”mar hadii aynaan maanta awoodaas lahayn waan soo dhaweynaynaa cid kasta oo wax qabsanaysa waxaanan balan qaadayaa inaan inta u badan ku darsan doono”
    Madaxweynaha oo intaa markii uu yidhi waxaa hadalka ka dhexgalay suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo ku dhawaaqay erayo ay ka mid ahaayeen”madaxweyne shirkadaha aad sheegtay ee wadooyinka wax ka qabtaa waanagii keenay ee uu maamulkiinu hor istaagay”
    Rayaale ayaa u holaday inuu jawaab ka bixiyo hadalka suldaanka ka soo yeedhay waxaanu sheegay in shirkada uu suldaanku ka hadlayo ay u arkeen kuwo ku hawlan arimo kale iyo inay bada sun ku aasaan sidaa awgeedna ay u hor istaageen.
    Madaxweynaha waxa kale oo uu odayada ku guubaabiyay in nabadgalyada la wada ilaaliyo,isaga oo sheegay inuu dhawaan soo laaban doono kulamo intan ka balaadhan oo qorshaysana uu la yeelan doono iyaga iyo bulshada inteeda kaleba,hadalkaa kooban oo qaatay waxka yar toban daqiiqo ka dibna madaxweynuhu shirkii wuu soo xidhay iyada oo aan wax hadal ah la siin Cuqaashii iyo Salaadiintii shirka ka qaybgalay.Dhinaca kale waxa uu madaxweynuhu halkaa kula kulmay laamaha dawlada ee Gobolka oo uu ujeediyay hadal guubaabo iyo dardaaran xambaarsanaa
    Mdaxweynaha ayaa kulankaa ka dib waxa uu booqday isbitaalka guud ee magaalada Boorama halkaas oo uu warbixin kaga dhagaystay isku duwaha caafimaadka Gobolka Dr Cabdi Daa’uud iyo Agaasimaha Isbitaalka guud ee Boorama Dr: Ismaaciil X.Muxumed oo sheegay in caafimaadka Gobolku uu ku sugan yahay marxalad wanaagsan isbitaalka iyo Macahyada caafimaadka ee Gobolkuna ay adeegyo caafimaad oo balaadhan u fidiyaan dadka deegaanka.Madaxweynaha ayaa isaguna ku amaanay sida wada jirka ah ee ay u sheqeeyaan isaga oo sheegay in iskaashiga iyo wax wada qabashadu ay shaqada wanaajiyaan isaga oo u balan qaadayna inuu wax kala qaban doono wixii baahiyo ah ee ay tabayaan.Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu booqday xarun laga dhisayo bariga magaalada Boorama oo noqon doonta kawaan casri ah oo loo adeegsan doono qaliiinka xoolaha caadiga ah ee magaaladu isticmaasho,iyo qayb labaad oo ah xoolaha logu talo talagalay in iyaga oo qalan dibada loo dhoofin doono iyada oo qalab casri ah iyo shaybaadh caafimaad la adeegsan doono

     Wariye:-

    Omer Albashiir

    Sawnews

    Borama Office

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: