SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Shirka Minnesota cidii danaha Awdal lexejeclo ka qabti ha ka qaybgasho ninwalba siduu wax u arkana ha ka dhexsheego. Laakiin waxba yaynaan iskugu iman waxbana yaynaan qabsan arin maaha.

    Posted by Sawnews.tk on March 30, 2010

    Khatumada ha seegina

    Ragyahaw khayrka diidaayi

    Khalkhalkii abuurmina

    Tolkuu khaayis galiyaaye

    Hadaydaan khiyaamada kujirin

    Nala khilaaweeya

    Wax badan ayuu reer Awdal agoonimo la murugoonayay, agoonimadaa oo kaga timiday dhinaca siyaasada.

    Waxana hubaal ah in aan maanta dib ugu laabanay tariikh sheekadeeda  aan awoowyadayo iyo abayaashayo ka soo gaadhnay oo ahayd  in wakhti hore gadabuursiga lagu magacaabi jiray TIMADHEER iyada oo wakhtiyadaa ay ahaayeen dad reeraha darisku siday doonaan ay ka yeeli jireen. Nasiib wanaagse wakhtiyadaa rag ayaa u kacay kana saaray ciilkii iyo caloolxumadii ay ku jireen.

    Waxase haatan muuqata in aanu reer Awdal ka faa iidin nidaamkii ingiriisku keenay ee huwanaa magaca DAWLAD nidaamkaas oo nagaadhsiiyay heer hadii labaatan nin oo isku reer ah oo kasoo jeeda beelaha darisku noo hagoogtaan nidaamka ama magaca DAWLAD  aan si yar oo dhibyar iskugu dhiibno deetana aan sacabada u tuno wax aynaan waxba ku lahayn.

    Hadaba haday jirto cid maanta isku imanaysa oo reer Awdala iskuguna imanaysa wax quseeya Awdal xataa haday laba nin oo ilama adeera oo jufo kaliya kasoo wada jeeda ay yihiin waxa haboon in la taageero oo aan la carqaladayn ilayn cidna kama xoogayaan hawl ay gacanta ku hayeene.

    Sida igu maqaala ah majirto wax arina oo ku saabsan sidii arimaha siyaasadeed iyo dhaqan dhaqaale ee maanta Awdal ka jira wax looga qaban lahaaa oo ay layimaadeen dadka diidan shirku. Haday hayaan nidaam ka duwan  kan ay qolada kale wadaana waxa wanaagsanayd in ay iyaguba shir ku baaqaan oo ay dadka iskugu yeedhaan dabadeedna shacbiga reer Awdal ee North America joogaayi xagii la wanaagsanaata  ayay u badan lahaayeen.

    Laakiin waxna qaban mayno cidii wax inay abaabusho  doontana waan mucaaridaynaa waa arin doqoniimo iyo luqabasho leh. Wuxuna arinku u muuqanayaa in inta diidan shirku ay ninkale walaalahood u luqabanayaan waana arin murugo leh mar hadaanay iyagu waxa haloosiya soo bandhigayn.

    Show the people of Awdal an alternative path, but if you can’t please don’t be obstacle to progress.

    Waxa kale oo wanaagsan in la garawaaqsado  in maanta reer Awdal ay u baahanyihiin ilma samatar oo hadii ilaahay u soo jeediyay danaha tolkood ay haboon tahay in lagu shugriyo. Waxa xaqiiqa ah in wax badan ay ila samatar ka faanijireen iskana waynaysiin jireen in ay arimo reer awdal quseeya ka hadlaan laakiin maannta waxa muuqata in ay runta soo taabteen oo ay ogaadeen in tola,aan aanu nina maanta kaligii tamarinayn taasina waa mid ilaahay garansiiyay.

    Mida kale iyadoo  ilma samatar horay loogu dhaleecayn jiray in aanay aarimaha awdal ka hadal hadana in maanta lagu aflagaadeeyo shirbay reer Awdal u qabanayaani waa mid aan lahayn macno loo raaco.

    Anigu shaqsiyan waxan ilaahay ka magan galaa in uu xamar wax noogu daro soomaaliwayna ma rumaysni waanan ka soo horjeedaa laakiin waxa kale oo aan cadaalad daro u arkaa arimaha maanta Soomaliland ka jira lamana odhan karo soomaliland beelaha dagaayi cadaalad ayay wax ku wadaagaan.

    Taasina maaha mid nina ka qarsoon hadaynaan iska indha tirayn, oo dhiig daatay ayaynaan wax inaga qanciya wali hayn. Haday dadka shirka diidan ujeedadoodu tahay madaxwaynaha Sl maanta hogaaminaya ha la maamuuso oo yaan la carqaladayn waxa haboon in ay dadka u sheegaan sobob lagu sharfiyo iyo cida reer Awdal ah ee u madaxwaynuhu wax ka dhagaysto.

    Mansabka madaxtinimo ee reer Awdal maanta hayaa waxay lumisay sharaftii iyo karaamadii shacbiga reer Awdal soomaliland ku dhex lahaa taasna masuuliyadeeda waxa iska leh madaxwayne Rayaale oo quudhsaday reer Awdal, taasina maaha mid maanta lagu taageeri karo.

    Hadaba dadka shirkan diidan waxan odhanlahaa aan aamusno arin  maaha ee wax aan ku aamusno keena hadii kale idinku aamusa inta hadlaysana hadalkooda iyo hadafkooda u daaya idinkana cidi idinku qabsan mayso maxaad u aamusteen laakiin idinku maxaad u hadlaysaan dadka ha ku qabsanina.

    Waxanan kula talinayaa dadka inta mudakarka ah ee shirka ka qaybgalaysa in ay iska ilaaliyaan inta yar ee canaasiirta ah ee iyaguna shirka ka qayb galaysa ee jecel in ay shirka soo dhex galiyaan arimo local ah iyo arimo xisbi xisbiya, mida kale waa in ay iska ilaawaan arimaha somaliwayn oo ah mid maanta hawiye kaligii ku heshiin laayahay islamarkaana aanay meeliba uga banaanayn miskiin Awdal kayimiday.

    Silence is not the solution for our problems, and we need to talk, so let the talks begin.

    Waxa hubaala in aan inbadan oo aan isku figrad nahay kukala duwanahay arinkan. Inbadan  oo aan kala fikrad nahayna iskaga figradnahay arinkan shirka laakiin waxa hadana haboon in si xushmadi ku jirto afkaarta la isku wadaarsado iyada oo aan cidna lagu aflagadaynayn fikirkooda.

    Cabdale Farah Sigad

    London

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: