SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Kulan Socday Laba Maalmood Oo ay Iskugu Yimaadeen Ururada ku Bahoobay Dalada Awdal Non-formal Education Network

    Posted by Sawnews.tk on March 30, 2010

    Borama(Sawnews)Kulankan oo loagu qabtay Hoolka Mana Quest House ee magaalda Borama ,ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaanba Xubnaha Ururada ee ku bahoobay dalada lagu magacaabo Awdal Non-formal Education Nerwork ,waxaana mashruucani fulinaysa Ururka AYODA kana ah Facilitator una ah gudoomiye Daladaasi ay ku midoobeen Ururadu ,

    Kulankani socday labada maalmood oo maanta la soo gaba gabeeyay ayaa waxaa goob joogayaal ka ahaa Agaasimaha Guud ee Ururka AYODA Siyaad Cumar Cali ,  Safiya Jibriil oo ah madaxa waaxda waxbarashada ee UNICEF ,Gudoomiya ku xigeenka wasaarada waxbarashada Cabdi Nuur Sugaal ,Madaxa waaxda waxbarashada Dadban ee wasaarada waxbarashada Cumar Xassan (Ambasy )

    Mudadan  ahayd labada maalmood ee uu socday kulankani ayaa waxa uu ahaa mid ay iskaga faa’idaynayeen iyo in la kordhiyo dadaalaka ay wadaan oo hada ah mid liita ,iyo in ay daacad u noqdaan hawshan ay wadaan oo ah mid rabaruca oo wax lagu baraayo Dadka waawayn iyo waliba da’yarta aan fursad waxbarasho  helin arimo dhaqaale awgood ,mashruucan lagu magacaabo waxbarashada dadban oo ay ku bahoobeen Dhamaanba Uururada ka jira laba gobol waa Awdal iyo Salale oo ka kooban 45 Urur .

    Waxaana maanta halkaa laga dhawaajay in ay liidato xidhiidhka ka dhexeeya wasaarada wax barashada iyo hawl wadeenada wax barasha dadban ,oo ay yihiin kuwo gaabinaaya Gudidii loo magacaabay kulamadii kan ka horeeyay waxana lays ku raacay in labadalo oo imika ahaan loo doorto si cadaalad ah ,ayna markasta ay mudantahay in ay xidhiidh layeeshaan wasaarada markastana soo gudbiyaan waxyaabaha ay ubaahanyihiin

    Xidhitaanki kulanka maanta ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Axmed Cige Tiigsi oo ahaa macalinkii bixinayay Siminaarka oo halkaasi ka sheegay in ay si fiican ukala faa’idaysteen waxyaabo badana ay isla afgarteen aynanoqon doonaan kuwa ka duwan kulamada kale marka ay iskugu yimaadaan hadii alle yidhaahdo oo ay maanta ogaadeen meelaha ay ku liitaan ,

    Waxaa kale oo Isna  halkaasi ka hadlay Gudoomiye ku xigeenka Wasaarada waxbarashada Cabdi Nuur Sugaal oo sheegay in uu liito xidhiidhka ka dhexeeya hawl wadeenadan iyoka wasaarad ahaan uuna rajaynaayo in kor ay usoo qaadaan ,ayna mar wakba wasaaradu diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato sidii uu mashruucani uu u noqon lahaa mid midha dhala ayna ka faa’idaystaan dadwaynuhu ,waxana uu ku booriyay hawl wadeenadaa in ay daacad u noqdaan shaqadooda iyo inay ilaahay ka baqaan ayna gartaan in ay masuuliyadi

    saarantahay ,oo ayna kaliya iskugu yeedhen maalinta la soo maraayo uun taasina waa mid u uilaahay kala xisaabtami doono,

    Waxaa kale oo iyadna hallkaasi ka hadashay Safiya Jibriil oo ah madaxa waaxda waxbarashada e UNICEF oo u soo jedisay guubaabi xubnahaasi hawl wadeenada ah una sheegtay in ay adkeeyaan xidhiidhka ay la leeyihiin wasaarada waxani ay intaasi kudartay in hadii loo keeno agab aan suura gal ku ahaynshawshooda waa in ay la socodsiiyaan wasaarada ayn soo wargaliyaan Hay’ada si markaasi looga badilo waxaasi loo keenay

    Looguna badilo mod ku haboon hawshooda

    Wariye:-

    Omer Albashiir

    Sawnews

    Borama Office

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: