SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Marxuum Maxamed Xassan Mataan Oo Maanta Si Heer Qaran ah Loogu Aasay Boorama

    Posted by Sawnews.tk on March 29, 2010

    Borama (Sawews) Abaaro 9:30 subaxnimo ee maanta ayaa waxaa iskugu yimid Garoonka diyaaradaha ee Aadan Isaaq International Air port dadwayne aad u tiro badan .

    Masuuliyiintii ka soo qayb gahsay aaska marxuumka oo uu ugu horeeyay madaxwaynaha dadlka Mudana Daahir Rayaale kaahi raxan kamida labada gole ,wasiirka wafaafinta ,wasiirka Duulista iyo hawada wasiirka Hidaha iy 

    odhaqanka ,wasiirka maaliyada ,xubno kamida xisbiyada mucaaradka ,oo ay kamid ahaayeen murashaxa madaxwayne ku xigeen ee xisbiga kulmiye Saylici Gudoomiyaha 1 aad ee xisbiga UCID waqaf ,iyosiyaasiyiin aad u tiro badan oo uu kamid ahaa A/raxmaan Aw cali Faarax

    Waxaa iyaguna meesha ka maqnayn dhamaanba asxaabta mucaaradka ee Gobolka ,iyo waliba maamulka Goblka Awdal oo ugu horeeyo Badha saabka GobolkaDuqa magaalada Borama iyo xildhibaanada Goloha deegaanka ee

    dagmada Borama,Gudomiyaha Jaamacada Camuud , Raxan dhakhaatiirta goblka ah iyo waliba salaadiinta Labada gobol waa Awdal iyo Salale ,iyo dadwayne ka kooban dhamaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ,

    Waxay soo caga dhigatay diyaaradii siday maydka marxuunnku abaaro 2:00 duhurnimo ,waxaana maydka diyaarada kasoo dejeyay qayb kamida CIDANKA QARANKA islamarkaana waxa ay ujaheeyeen halkii loogu talo galay ee aayd in salaadu janaa’sada loogu tukunlahaa ,waxaana salaada tujinaayay sheekhul baladka Sh A/laahi SH/ali Jawhar .

    Dadwaynihii halkaasi iskugu soo baxay oo aan makarfoonka la dhexmarnay ayaa dhamanntoodba sheegay in uu ahaa marxuunu nin qaran oo aanu ahayn nin qabiil ,waxana ay sheegeen in ay kaalintiisii ay banaanthaay lana tabi doono marxuunka

    Masuuliyiintii aa nkwarasytay taariikhtnololeedkiimarxuunka ayaa waxaa kamid ahaa Pro: Saleebaan Axmed Guuleed Pro: Ismaaciil ,iyoi Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Waqaf ,iyo Gudoomiyaha Abaabulka xisbiga UDUB Cismaan (Hindi)

    Waxaa usheegaynaa dhamaanba akhristayaasha shabaka wararka ee SAWNEWS in aan idiin soo wado sawiradii markii xabaasha la geeyay iyo kuwii salaadu janaa’isadaba waxaana ini diyaara dhmaanba hawl wadeenanada sawnews ee borama

    Wariye:-

    Omer Albashiir

    Sawnews desk

    Borama Office

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: