SAWNEWS NETWORK

News & Analysis-Somalia & East Africa.

  • RSS Articles And Opinions

  • Madaxwaynaha S/land Daahir Rayaale Oo Galabta Borama Soo Gaadhay

    Posted by Sawnews.tk on March 28, 2010

    rayaale.jpgBorama-(Sawnews)-Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale ayaa 4:30 soo gaadhay Boorama isagoo ay galbinayeen cutubyo ka tirsan ciidanka madaxtooyada, badhasaabka G/Awdal, Taliyaha Booliska Awdal, saraakiisha dawladda ee heer gobol iyo heer degmo, shaqaale iyo shakhsiyaad watay gaadiid kala duwan.

    Madaxweynaha oo kusoo beegmay wakhti roobab lixaad lihi ka da’ayaan Boorama isla markaana aanay badi dadweynaha ku nool Boorama waxba ka ogeyn socdaalkiisa ayaa ku degey guriga uu ku leeyahay Boorama halkaasoo ay kusii sugnaayeen raxan ka tirsan ciidanka dharcadda ah oo markii madaxweynuhu soo gaadhay gurigiisa meesha u banneeyey ciidanka ilaalada madaxtooyada kuwaasoo markiiba kala xidhay isku socodka dadka iyo gaadiidka hor marayey guriga madaxweynaha.

    Inkastoo aanu madaxweynuhu saxaafadda la hadal markii uu Boorama soo gaadhay hase yeeshee socdaalkiisa ayaa loo nisbaynayaa inuu la xidhiidho sidii uu uga qaybageli lahaa aaska Marxuum Maxamed Xasan Mataan oo dhawaan ku geeriyooday dalka uk, maydkiisana la filayo in berrito la keeno Boorama si loogu aaso.

    Dhinaca kalena madaxweyne Rayaale ayaa Boorama kusoo beegmay wakhti ay gobolka Awdal ka jirto kala qaybsanaan dhinaca siyaasadda ah, isla markaana uu ka jiro mucaarad ka xoog badan kii gobolka ka jiray wakhtigii loo dooranayey kursiga dalka ugu sarreeya ee uu maanta ku fadhiyo, lagana yaabo in aaska Marxuum Maxamed Xasan Mataan kaddib inuu magaalada sii joogin inkastoo aanay madaxtooyada kasoo bixin warar la xidhiidha mudada uu joogayo Boorama .

    Imaatinka madaxweyne Rayaale ee gobolka Awdal ayaa sidoo kale waxa uu kusoo beegmay wakhti ay isbeddeleen saaxiibadii, siyaasiyiintii iyo maamulayaashii xisbiga UDUB isla markaana uu Boorama ka jiro dareen ku saabsan sida reer Awdal madaxweynaha uga waayeen wixii ay ka filayeen 8sano ku dhawaad ka hor uu dalka xukumayey, Isagana u ahaa horumar dhinacyo badan leh balse maanta weli reer Awdal ka qatan yihiin.

    Si kastaba ha ahaatee hadii madaxweyne Rayaale sii joogo Boorama aaska marxuumkaasi kaddib waxa laga yaabaa inuu ogaado waxyaalo badan oo khuseeya dhinaca siyaasadda oo looga sheego dadweynaha gobolka Awdal isla markaana uu ku ogaan doono diidmada ama taageerada xisbiga UDUB ee dadweynaha ku nool magaalo uu dhawr iyo toban sano ku dhawaad ka hor uga kicitimay caasimadda Hargeysa.

    Wariye:-
    Maxamed Cumar Sh.(Hyena)
    Sawnews-Borama

    Leave a Reply

    Fill in your details below or click an icon to log in:

    WordPress.com Logo

    You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

    Twitter picture

    You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

    Facebook photo

    You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

    Google+ photo

    You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

    Connecting to %s

     
    %d bloggers like this: